” Xukuumadda Somaliland oo aan afkeeda ku hadlayo, Waxay soo dhawaynaysaa Doorshada iyo Caleemo saarka Suldaanka Cusub beesha Fiqishini.” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
” Xukuumadda Somaliland oo aan afkeeda ku hadlayo, Waxay soo dhawaynaysaa Doorshada iyo Caleemo saarka Suldaanka Cusub beesha Fiqishini.”
May 30, 2016 - Written by Editor:

“ Madashani waa madal dhaqan oo lagu bokhrayo Suldaan. hadal xagtin leh iyo hadal Siyaasadeed-na maanta halkan ma yaalo, waxa ugu mudan waa hambalyo iyo duco.

fiqi shini 1 fiqishini 3

Ugu horayn waxaanu jecelnahay inaanu halkan ka hambalyeyno beesha Fiqishini dadaalkeeda iyo fagaarahan qiimaha badan ee gobeed ee ay Umadda intan le’eg isugu yeedheen, oo uu ka muuqdo tabaabulshe mugleh, tallo mug leh iyo tallo aan laab-la kac ahayn. waa ku hambalyeynaynaa waananu ku bogaadinaynaa.

Mar labaadka waxaanu ku hambalyeynayaa Suldaanka cusub ee ay bokhradeen Suldaan Mustafe Sheekh Maxamuud Aw Seed oo u muuqda qof ku haboon, aniguse Aqoon shaqsi ah uma lihi Suldaan Mustafe, laakiin intaan halkan ka arkayo, ama taariikh nololeedkiisa laga waramay ama bulshada halkan isugu timid waa Samo-wade.

dhamaanteen waxa aynu soo qiimaynay walaaladeen taladooda iyo tabaabulshahooda beesha Fiqishini, waxa aynu soo qiimaynay Suldaanka cusub, waxa ay taasi ka markhaati kacaysaa inay doorteen qof ku haboon Saldanada Beesha waxaan leeyahay hambalyo. isagana ILAHAY xilka ha ku asturo beeshii dooratayna ILAHAY wixii ay u doorteen ha ka siiyo.

fiqi shini 1

beeshani waa beel ku caan ah Nabadda, iskaashiga iyo niyad furnaanta, waa beel la yaqaan waxaan leeyahay magacii wanaagsanaa iyo muunadii ay lahaayeen inay halkaas ka sii wadaan, waxaan u rajnayaa inuu Suldaankuna dhabada cagta u saari doono magacii ay lahaayeen mid ka wayn.

Ugu dambayn Xukuumadda Somaliland oo aan afkeeda ku hadlayaa waxay soo dhawaynaysaa Doorshada iyo Caleemo saarka Suldaanka Cusub Sheekh Mustafe, waxaanu cadynayaa inaanu la shaqayn doono, inaanu taageeri doono. Suldaan kasta oo beeshiisu doorato Jamhuuriyadda Somaliland oo ay u dhantahay, oo tallo mida lago doorto waaanu aqoonsanaynaa, waanu la shaqaynaynaa.”

 

ALLAA MAHAD LEH.

Guul Jamhuuriyadda Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS