|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Oo Xidhay Wariyihii Shanaad Toddobaad Gudihii Iyo Ururka Solja Oo War-saxaafadeed kasoo Saaray
May 31, 2016 - Written by Editor:Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu walaac ka muujinayaa talaabada ay xukuumadda Somaliland toddobaad gudihii galabta ugu xidhay wariyihii shanaad magaaladda Laascaanood, kaasoo Booliisku ka kaxaysteen xarunta Telefishanka Somalinews oo uu ku sugnaa Wariye Maxamed Axmed Maxamed oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan. Xadhiga wariyahaa ayaa dhacay goor uu wariyuhu barnaamijyo ku diyaarsanayey xaruntaasi, waxaana ciidamadda u dalbaday Xildhibaanad ka tirsan Golaha Deegaanka Laascaanood oo goobta ugu soo gashay, iyadoo ugu hanjabtay maxaa laguu xidhi waayey. Sida ay wariyayaasha Goob-jooga u ahaa xadhiga wariye Maxamed Axmed Maxamed SOLJA soo gaadhsiiyeen waxay markiiba qabsatay Telefoon, iyadoo ay goobta soo gaadheen xaruntaasi isla markaana ay taxaabeen wariyaha. Wariye Maxamed Axmed Maxamed waxa doraad ku qabsaday madaarka Laascaanood askar Booliis ah oo raadinaysay, hase yeeshee waxa ka sii daayey odayaal u socday soo dhaweynta Madax dhaqameedkii ka qayb-galayey Caleemo saarka Suldaan ka soo jeeda Gobolka Sool. Ciidamadda Booliiska ayaa xidhay wariye Maxamed Axmed Maxamed iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan Maxkamadda Gobolka, taasoo ah talaabo ka baxsan sharciga Saxaafadda, isla markaana ka hor imanaysa xuquuqda Dastuuriga ah ee Saxaafadda. Wariye Maxamed Axmed Maxamed waxa uu warar ka baahiyey 18-kii May iyo khilaaf ka dhex jiray Golaha Deegaanka Laascaanood, taasoo sababtay in maamulka Gobolku Amro xadhigiisa. Xadhiga Wariyahan ayaa noqonaya kii shanaad, waxaanu Ururka SOLJA u arkaa caqabad cusub oo ay Xukuumadda Somaliland ku soo rogtay bahda saxaafadda, taasoo meesha ka saaraysa Madax banaanida saxaafadda ee Dastuurku Damaanad qaaday. Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay Xorriyadooda usoo celiso wariyayayaasha kala ah Maxamed Axmed Maxamed oo ay ku xidhay Laascaanood iyo Wariye C/rashiid Sh C/wahaab Sh Ibraahim oo maalintii afraad ku xidhan xarunta C.I.D-da Hargeysa. Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA SOLJA Somaliland Journalists Association
Related posts:DAAWO; Suldaanka Guud Ee Habar Awal Oo Ka Hadlay Falkii Lagu Dilay Labada Sarkaal Deegaanka Gar Ada... “Burcona Way Wanaagsan Tahay Hargaysa Iyo Berberna, Idinkaa Qabsaday Reer Burcooy”Wasiir Siciid Sulu... Beesha Caalamka Oo Ka Hadashay Xaaladda Cakiran Ee Ka Taagan Somaliya Iyo Rabshadaha Ka Socda Magaal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|