|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Oo xabsiga U Taxaabtay Chief Caaqilka Dayib Cabdi Ciidle oo kamida Madax Dhaqameedka Gobolka Gabiley.
May 9, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Ciidanka amniga Somaliland, ayaa maanta barqaddii xabsiga u taxaabay Chief Caaqil-ka Guud ee gobolka Gabiey Chief Caaqil Dayib Cabdi Ciidle, Wakhti uu ku gudda jiray hawlo shaqo. Chief Caaqilka Dayib Cabdi Ciidle, ayaa wakhtigaasi la qabanayey ku sugnaa wasaaradda arrimaha gudaha. lama garanayo s ababta loo xidhay, haseyeeshee, Goobjooge ku sugnaa wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa Wajaalenews u xaqiiiyey xadhiga chief caaqilka guud. wararku waxay intaas ku dareen in amarka xadhiga chief caaqilka uu bixiyey wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamd Warancadde. chief Caaqilka guud ee Reer Gabiley Dayib Aadan Ciidle ayaa ka mid ahaa caaqiladda gobolka Maroodi jeex iyo Gabiley ka waday hawlaha diiwaangelinta, isla markaana ka shaqanayey sidii dadweynuhu isku diiwaangelin lahaayeen. xadhiga Chief Caaqilka ayaa loo marin sifo sharciya iyadoo loo soo goy wax waaran qabasho ah, taas oo ka hor imanaysa sharciga wadanka. si kastaba ha ahaatee, baryahan dambe waxa xukuumaddu caado ka dhigatay inay iska xidho madax dhaqameedka, waxaaana dhowaan min saddex sanno lagu xukumay saddex madax dhaqameed oo ka soo jeedda gobolka Maroodi jeex, gaar ahaaan waqooyiga iyo galbeedka magaaladda Hargeysa. illaa hadda xukuumadda iyo wasaaradda arrimaha guduhu kama hadal xadhiga Chief caaqil Dayib Cabdi Ciidle. Related posts:Geeska Afrika Oo Xogo Dheeraad Ah Ka helay Weftiga Beesha Caalamka Ee Hargeysa Ku Soo Waajahnaa. DAAWO; ”3.5 Milyan Ilmaadeer Ah Ayaad Maamuli Kari Wayday,Cidina ka Yeeli Mayso."Xildhibaan Waabeeye... DAAWO; Sh-Adam Siiro Oo Ka Hadlay Khilaafka Kulmiye Iyo Caaqil Jaarso ah Oo Hargaysa Lagu Caleemo S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|