Xadhigii Mujaahidiinta “Uffo” : Qodobadii Eng.faysal Soo Bandhigay kulankii Xaafada Shidhka , Hargeisa,August 1981. Qormadii 5th | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadhigii Mujaahidiinta “Uffo” : Qodobadii Eng.faysal Soo Bandhigay kulankii Xaafada Shidhka , Hargeisa,August 1981. Qormadii 5th
May 13, 2016 - Written by Editor:

Qormooyinki hore   waxaan ku iftiimiyay   ujeedooyinkii uu  General Gaani jeelka Mogadishu uga soo saaray Eng.Faysal Cali Waraabe oo u xidhna wax-iswaydaarin & xatooyo.  Eng Faysal wuxuu yimi Hargeisa  July ,1981 waxaanu markiiba ku dhaqaaqay  inuu ka shaqeeyo nidaamkii uu isagu xidhilahaa  “UFFO” iyo   General Gaani  &  Daahir Ciid oo ahaa Taliyihii ciidamada DABARJIBINTA .  Waxaan halkan ku iftiimin   doona shirkii UU Eng Faysal   Cali Waraabe ku wanjalay  halgamayaashi UFF0. Shirkaasi wuxuu  ka dhacay guri ku yaalla “Xaafada Shidka” ee ku dhigan Dugsiga Sheikh Bashiir.  Waxa gurigaas deganaa Muj Axmed Xussein Caabi,oo ka  mid ahaa xubnahii ugu  fir-fircoona  UFFO.  Kulankaas oo dhacay August, 1981  “Bil Ramadaan”, waxa   kasoo qayb galay xubno fara badan oo ay ka mid ahaayeen  Eng Maxamed Baroud, Axmed Xussein Caabi iyo Prof.Axmed Jabane . Waxa hadal dheer iyo hoga-tusaalayn soo jeediyay Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu soo bandhigay laba qodob oo kala ah:

1).Dagaalka  &  hirdanka  ka socda  Somaalia wuxuu u dhaxeeyaa Mareexaan iyo Majeerteen, maslaxada Reer Sheikh Isxaaqna waxay  maanta ku jirtaa in la taageero Taliska  Maxamed  Siyaad Barre, waana in laga  faa’idaysto fursada dahabiga ah “ Golden Chance “ .Sidaa awgeed, waxa haboon in lala shaqeeyo  Maamulka Sare  ee Goboladda Waqooyi , taliyena  ka yahay Gen Gaani. Wuxuu   Gen Gaani diyaar u yahay  iskaashi buuxa,waxaanu ganacsatada waawayn u furi doona “ Franko Valuta “, aqoonyahanada iyo mutacalimiintana  wuu  meelayn doona.

2). Nimanka qurba-joogta ah ee London kaga dhawaaqay ururka SNM, April 1981,   khalkhal  iyo xasilooni darro ayay gelin doonaan  Goboladda Waqooyi , siiba caasimadeena  Hargeisa, siday Jabhadii  SSDF halaag u gelisay Gobolka Mudug. Sida awgeed, waa in laga hortaga SNM  oo nabadgelyadeena  la ilaaliyaa.

Ajandayaasha Eng Faysal  Cali Waraabe soo bandhigay waxay fajaciso ku noqotay xubnahii UFFO ee shirka  fadhiyay oo u badnaa shaqaale-dawladeed iyo  aqoonyahano kasoo noqotay dibedda . Waxay kula taliyeen Eng Faysal inuu ajandayashaas u geeyo ganacsatada iyo siyaasiyiinta waawayn ee  Mugdisho jooga. Waxay u sheegeen inay ayagu yaheen shaqaale iyo waxgarad kaalmeeya hawlaha samafalka , shaqana  aanay ku lahayn siyaasadda iyo ganacsiga.

Eng Faysal jawaabtaa muu jeclaysan ,  goobjoogyaashi shirkaa ka qayb galaynaa  dhamaantood  xabsiga  loo taxaabay bishii November,1981.Qaabkii loo xidh-xidhay  iyo doorkii Eng Faysal ka qaatayna waxaynu  kaga sheekayn  doona qormadda 6th  ee soo socota.

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

yhoodo@yahoo.com.

COMMENTS
LINKS