|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Samaale Oo Si Diiran loogu Soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Washington.
May 2, 2016 - Written by Editor:Washington(Wajaalenews) Wasiirkii Hore Ee wasaarada Maaliyada Mudane cabdicasiis maxamed samaale ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada washington ee dalka maraykanka kadib markiiuu safar ugu kicitimay dalwaynaha maraykanka. Cabdicasii Samaale ayaa markii uu gaadhay garoonka diyaaradaha ee Washington Dulles International Airport. Waxa halkaas sibalaadhan ugu soo dhaweeyay Wakiilka Somaliland ee Waddanka Maraykanka, Rashid Garuf, iyo taageerayaal faro badan oo kamida xisbiga Kulmiye ee Washington DC. sidoo kale waxaa soo dhawaynta wasiirkii hore ee maaliyada kaqayb qaatay diblamaasiyiinn ka tirsan dalka maraykanka,iyo guud ahaan jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan dalka maraykanka. Wasiirkii hore ee maaliyada mr samaale oo casuumad uu ku tagay dalka maraykan ka helay jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan dalka USA ayaa mudada uu Jooga wuxu ka qaybgalidoonaa shir xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Washington bisha May 7-deeda. kaasi oo la sheegay in ay kaga wada arin doonaan aaya siyaasadeed ee taageerayaashiisii kulmiye iyo arimo kale oo muhiima Dhanka kale waxa oo uu ka qayb galayaa shirka Somaliland Conference ee lagu qabanayo Washington DC bisha May 20keeda iyo 21keeda. Kaas oo loogu dabaal degaayo 25-tan guuradii madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland. Shirkaas (www.somalilandconference.com) oo ay ka soo qayb geli doonaan madax ka socota dawlada Somaliland, xisbiyada qaranka, barlamaanka, gudida doorashooyinka, ururada madaxbanaan, iyo aqoon yahano Maraykan ah. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa wuxu guud ahaan mahadnaq u soo jeediyay dhamaan taageerayaasha Kulmiye guud ahaan iyo gaar ahaan jaaliyada Washington DC ee sida qiimaha badan ugu soo dhowaysay Airportka. aad iyo aad ayaan idiinkaga mahanad naqayaa sida qiimalaha leh ee aad isoo dhawayseen waxaynu isku waraysan doonaa shirka May 7-deeda inoo qabsoomaya, haddii illaahay yidhaahdo. Sikastaba ha ahaatee safarkanku uu ku tagay dalka maraykan cabdicasiis maxamed samaale ayaa ah mid door muhiima ka ciyaaraya siyaasadiisa sidoo kale mar samaale oo isagu ahaa aas aasa yaashii xisbiga kulmiye ismarkaana ahaa siyasiyiintii guusha xisbiga kulmiye talada dalka ku hayo suurto galiyaa Ayaan xiligan kamid ahayn xukuumada siilaanyo sidoo kale khilaafkii xisbiga kulmiye ee shirkii gloaha dhexe qaadacay kadib markii ay doorashada murashaxinta xisbiga dexdiisu ay noqotay mid cid gaara loo afduubay taasi oo isaga iyo xubnihii la fikirka ahaa ay qaadaceen shirka samaale ayaa isagu ahaa murashxintii ugu cuslaa ee xisbiga kulmiye taageero balaadhana ka haysta guud ahaan shacabka somaliland iyo xisbiga gudihiisaba balse taasi ay caqabad ku noqotay afduubkii shirkii xisbiga.
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Daawo: Ganacsatada Reer Somaliland ee Baabuurta ka keenta Imaaraadka Oo sheegay inay Dekeda Puntland... Komishanka Doorashooyinka Jsl Oo Xafiiskooda Ku Qaabiley wafti Uu Hogaaminayo Safiirka Midowga Yurub... Gudoomiyaha Maxkamada Sare Jsl Oo Ka Warbixiyay Kulan Ay Wada Yeesheen Waftigii Ka Socday Beesha Caa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|