War Deg-Dega:Salaadiintii Ku Xidhnaa Jeelka Mandheera Oo La Sii Daayay Iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Ku Hungoobay Dalab Jeelka Loogu Sii Haynayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Salaadiintii Ku Xidhnaa Jeelka Mandheera Oo La Sii Daayay Iyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Ku Hungoobay Dalab Jeelka Loogu Sii Haynayo
May 22, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Salaadiin,Cuqaal iyo Odayaal ku xidhnaa jeelka mandheera ayaa maanta la siidayay Ka Dib cafis ay ka heleen madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ,Madaxdhaqameedkan ayay dhawaan maxkamada wareegta ku riday xukun iskugu jira xukun dhan sadex sano iyo ganaax lacageed .

Cafiska kooxdan ayaa waxa uu ka danbeeyey codsi ay madaxweynaha u soo gudbiyeen salaadiin iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Dalabka cafiska ee duqayda beesha ay ka soo jeedaan xubnaha xukunku ku dhacay, ayaa waxa lagu soo khatimay fadhi ku qabsoomay Xafiiska Madaxweynaha, kana qaybgaleen, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, wasiirada Madaxtooyada, Maaliyada, Ganacsiga iyo Maalgashiga Iyo Wershedaha

Hoggaan dhaqameedka oo ay horkacayeen xubno salaadiin ahi, kana mid ahaayeen Suldaan Axmed-nuur Cabdilaahi Samaale iyo Salaadiin kale ayaa halkaa kaga dhawaaqay codsigooda cafis dalabka ah, iyagoo horena u soo qaddimay cafiskaas oo qoraal ah.

Waxay duqaydu intaa u dhaafeen hadal ku waajahan xaalada dalka iyo dawladnimada, iyagoo ku bogaadiyey madaxweynaha iyo xukuumadiisa horumarka balaadhan ee dalka ka hirgalay, iyo nidaamka dawladnimo ee dhinacyada badan ka taabbo qaaday intii uu hoggaanka dalka hayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.

Madaxweynaha oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey codsiga duqayda, sheegayna inuu maamuus iyo xushmad u hayo, dhaqan ahaan iyo odayaal ahaanba, waxanu hadal kooban ku yidhi madaxweynuhu “Waan aqbalay codsigiina. Waxan idin hayaa sharaf iyo qaddarin aad iga mudan tihiin. Waan cafiyey odayaasha aad iga dalbateen in aan sii daayo, waxanan idinku dardaarayaa in la wada ilaashado nabadgelyada aad marka horeba gadhwadeenka ka tihiin iyo wada jirka dalkeena iyo dadkeena”.

Odayaasha oo hadalka ku soo noqday ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyey Madaxweynaha, sii daynta uu sii daayey odayaasha iyo xubnihii wehelinayey ee xidhnaa, waxanay ballan qaadeen in sidii ay awalba ahaayeen, una taageeri jireen ay u taageeri doonaan arrimaha nabadgelyada iyo wixii qaranka iyo dadkaba dani ugu jirto.

Dhinaca kale hogaanka xisbiga Kulmiye oo goobta joogay ayaa soo jeediyay in odayaashu ku nagaadaan jeelka inta ay diiwaan galinta codbixiyuhu ka socoto dalka waxaana soo jeedintaa ka diiday madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland oo caqbalay codsiga madaxdhaqameedka codsanayay in xoriyadooda loo soo celiyo salaadiintan.

Salaadiintan,cuqaasha,iyo dhalimyaradan ayaa mudo ku siman afar bilood ku xidhnaa Jeelka wayn ee mandheera.

Magacyada Saladiinta,Cuqaasha iyo Odayaasha Xoriyadooda dib u helay:

  1. Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Suldaan Nuur
  2. Suldaan Mawliid Cali Ibraahin (Sabbeyse)
  3. Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore
  4. Xasan Maxamed Cali (Xasan Madoobe)
  5. Mustafe Cabdi Ruush
  6. Maxamed Jaamac Abokor
  7. Siyaad Guuleed Xasan (Qoosha)
  8. Sidiiq Ciise Maxamuud (Kastam)
  9. Siciid Gaas Aadan
  10. Farxaan Maxamed Cabdillaahi
  11. Siciid Ismaaciil Faarax.
  12. Cadaani Maxamed Axmed
  13. Amiir Xaashi Xandule
  14. Xasan Cismaan Cumar

                                                                         

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

 

COMMENTS
LINKS