War Deg-Dega:Maxkamada Wareegta Oo Saaka Xukun Isugu Jira Xadhig Iyo Ganaax Lacageed Ku Riday Salaadiintii Ku Xidhnaa jeelka Madheera iyo magacyadooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Maxkamada Wareegta Oo Saaka Xukun Isugu Jira Xadhig Iyo Ganaax Lacageed Ku Riday Salaadiintii Ku Xidhnaa jeelka Madheera iyo magacyadooda
May 2, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Maxkamada wareegta ayaa saaka xukun isugu jira xadhig iyo ganaax lacageed ku riday salaadiintii dhawaan xukuumadu ku eedaysay in ay ka danbeeyeen shaqaadii ka dhacday deegaanka Lughaya.Xukunkan oo ka dhacay Degmada Madheera Oo Ka tirsan gobolka Saaxil ayay maxkamada wareegtaa saaka ku riday salaadiintan xadhig sadex sano ah iyo qadar lacageed.

Waa dhagaysigii afraad ee ay maxkamada wareegtaa soo gole joojiso salaadiintan iyada oo kani noqday kii u danbeeyay  ee uu xukunku ku dhaco salaadiintan.dadkan la xukumay ayaa isugu jira salaadiin,cuqaal,madax dhaqameed iyo dhalin yar.

sabayso

Salaadiintan uu ku dhacay xukunkani ayaa kala ah:

1-Suldaan Mawliid Cali Ibraahin(Sabayso)

2- Suldaan Ibraahim Sulub

3-Jiif Caaqil C/raxmaan Xasan Xoore

iyada oo sida wararka aanu ka helayno magaalada madheera tibaaxayaan in ay jiraan dad kale oo ku wehelinayay kiiskan oo xukunku ku dhacay  balse aanay noo suuro galin in aanu helno magacyada dadka kale balse dib ayaanu idiinka soo sheegi doono saacadaha soo socd.

 

COMMENTS
LINKS