War Deg Deg Ah Hogaamiyahii Kooxda Taalibaan Ee Wadanka Afghanistan Oo Ciidamada Maraykanku Duqaymo Cirka Ah Ku Dileen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah Hogaamiyahii Kooxda Taalibaan Ee Wadanka Afghanistan Oo Ciidamada Maraykanku Duqaymo Cirka Ah Ku Dileen.
May 22, 2016 - Written by Wariye:

mansuulHargeysa(WJN):-Milateriga Mareykanka ayaa sheegaya in ciidammadooda ay qaadeen weerrar dhanka cirka ah oo ka dhan ah hogaamiyaha kooxda Taalibaan ee waddanka Afghanistan, Mullah Akhtar Mansuur.

Waxa ay sheegeen in haatan hogaamiyaha Taalibaan uu dhintay.
Dhowr diyaaradood oo ah nooca aanay cidina wadin ee Mareykanka ayaa lagu bartilmaameesaday isaga iyo nin la socday oo gaari ku watay meel baadiya ah oo ka tirsan waddanka Pakistan oo u dhaw magaalada Axmed Wal oo u dhaw xuduudda Afghanistan.

Afhayeenka Xarunta Dhexe ee Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa sheegay in Mullah Mansuur, oo tan iyo bishii July ahaa hogaamiyaha Taalibaan, uu khatar ku ahaa ciidammada ammaanka iyo dadka rayidka ah, nabaddana uu caqabad ku ahaa.

Hasayeeshee safiirkii hore ee Mareykanka u fadhin jiray NATO, Kurt Volker, ayaa sheegay in geerida Mansuur aanay wax badan badeli doonin.

Kooxda Taalibaan ee waddanka Afghanistan ayaa bishii la soo dhaafay bilowday dagaal hor leh oo ay ku qaadayaan magaalada caasimadda ah ee Kaabul iyo magaalooyinka kale ee Afghanistan.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS