Waa Nasiib Daro In Maanta Somaliland 25 Sano Ka Dib ay Jar Ka Laadlaado”Muj Jidhif | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Nasiib Daro In Maanta Somaliland 25 Sano Ka Dib ay Jar Ka Laadlaado”Muj Jidhif
May 11, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland Maxamed xasan C/laahi(jidhif  ayaa walaac wayn ka muujiyay xaalada dalku ku sugan yahay,  isaga oo ku macneeyay mid ka lulata jar halis ah , waxaanu taliyhii hore ee ciidanka qaranku sidaasi ku sheegay mar uu la hadlayay war baahinta.

waxaanu u dhignaa sidan:

“Maanta cid kasta oo ay wadanka lexejeclo ka haysaa waa uu ka damqanayaa marka aad eegto xaalada wadanku ku sugan yahay runtiina wax macno ah oo ay samaynasaa ma jiro in uu mar kale xisbiga Kulmiye ku kusoo noqdo  talada dalka,waayo waxa muuqata guul darada ka taagan dalka oo ay fure u tahay fashilaada arimaha daakhiliga sida boobka danta guud,adeega arimaha bulshada oo ay kow katahay  caafimaadka,waxbarashadu,biyaha iyo wadooyinka taas oo meesha ay ka maqan tahayba markaad eegto adeegii aasaasiga ahaa iyada oo xukuumadani kaga mashqquushay hawlihii loo igmaday boobka danta guud  iyo iibinta hantida qaranka oo ay maanta ugu danbayso wareejinta maarsada qadiimka ah ee Berbera.

Taliyuhu mar uu ka hadlayay heerka ay marayso qabyaaladu waxaa uu ku macneeyay in ay tahay qabyaaladu mida ugu shilis waqtigii uu xilka hayay xisbiga Kulmiye isaga oo sheegay in maanta wax kasta lagu qaybsanayo qabyaalada oo gaadhay heer ay dhalinyaradu kubada ku ciyaaraan una qaybsamaan reero waana ta maanta xanibtay ciyaarihii gobolada ayuu yidhi .

sida oo kale isaga oo muj jidhif  hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi waxay gaadhay qabyaaladu in ninka nin dila la yidhaahdo ka dilay waa ayo ka ladilayna waa ayo, taas oo gabi ahaanba meesha ka saartay haykalkii dawladnimo,waana ta  halkaa dhigtay shacabka. .

Muj. Jidhif mar uu ka hadlayay dhinaca arimaha dibada wuxu sheegay in mudadii uu xilka haysay xukuumadan uu  xidhiidhka caalamku  noqday mid geed ku laalaan oo  haba yaraatee aanay jirin wadan aynu xidhiidh wanaagsan  la leenahay haday tahay  wadamada jaarta dalkana  aanu ka dhoofi karin qofka muwaadinka ahi marka laga reebo qofka sita passport ajaanib ah,waana ta keenta haajiraada dhalinyarada ee dabarka goosatay boqolaal kamid ahina ay  ku dhimanayaan badwaynta.

 

Almuhiim waxa ay maanta Somaliland u baahan tahay  isbadal ku dhisan caqli oo aanay caadifad wadi kaasi ayaa keeni kara hogaamiye badbaadiya somaliland kaasi oo aan u kala abtirinayn shacabka balse u ariminaya ilaahayna ha inoo keeni isbadal deg deg ah ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay muj.Jidhif

           

COMMENTS
LINKS