Taladaan La Ruugin Waa Lagu Rafaadaa!, By Yasmin Omar Hadrawi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taladaan La Ruugin Waa Lagu Rafaadaa!, By Yasmin Omar Hadrawi.
May 28, 2016 - Written by Wariye:

Waxa muuqata in badana farta lagu fiiqay, inaan wadankan dadka talada loo dhiibayba muwaadiniin ahayn waayo 35% inaynu ka helno khayraadkii dekeda maalmulkeediina

Dekkedii Berbera waa arrinta maanta reer Somaliland ka wareerisay!

Hadaba su’aalo badan baa ina dhex maraya ooy ka mid yihiin:

Heshiiskani ma yahay mid xalaala oo aynu mudooyinka soo socda horumar ku gaadhayno?

Heshiiskani  muddo intee le’eg ayaa laga soo shaqeeyey? Waxayse inoo qabanayaan ma yahay wax Ummada reer Somaliland dani ugu jirto? Inaguse ma  maalgashan karnaa, sidii kanaal kii suways ay dadka reer Masar u maal gashadeen balaadhintiisa?

Ma laynoo soo bandhigay inaynu shilameedana kaga qayb qaadano maalgashigaas,wax yar iyo wax badan toona? Iyo qaar kaloo badan.

Waxa muuqata in badana  farta lagu fiiqay, inaan wadankan dadka talada loo dhiibayba muwaadiniin ahayn waayo 35% inaynu ka helno khayraadkii dekeda maalmulkeediina

inaga wareego ma toosna!

Todobada  qof ee u sareeynaya maamulkeeda  laba qof uun baa noqonaya reer Somaliland,halkaana codkeenii wuu ku lumay! Oo go’aamadeeda wax wayn kuma yeelan doono! Ku darsoo xarunta maamulkeedu waa Dubai.

Ninka dubai fadhiya kharashkiisuna faa’iidada ka hor buu go’ayaa oo 35% waa marka mushahar iyo waxkasta oo ay kharash gareeyeen laga jaro.

Fahanoo bal intay noqon waxa ina soo gaadhaa? Soddonka  sano ee soo socdaa?

Arrintaasi mayna qabataa? Maxaase loo qarinayey ee imika marba meel wax looga soo faqayaa ee Ummada mugdiga loogu hayey XALAAL IFTIN BAA LA QASHAAYE. Waxay ila tahay, waa waaya aragnimo la’aanta ina haysata iyo degdega ku jira madaxda wadanka ee ku loolamaya “Waarimayside war hakaa hadho” war wacani hadhimaayee waxay noqon. Shalay miyaa lasoo celin!

Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ninkii qayrkii loo xiirayow soo qoyso adiguna. waxaan uga jeedaa yay inagaga dhegin maalgashiye,waraysta dekada Muqdisho waxa kala haysta Turkiga iyo baayac mushtarka Somalia,eega oo waraysta tii Jabuuti iyo maalgashigeedii. Ok waa loo dhisay oo taa  isku diidi mayno, laakiin muqaabilku intuu le’eg yahay? Maxay dekkedaha kale ee wadanka u maal galin waayeen? Waayo Berbera?

Horta dawladeenu qorshe xumada wayska taqaanoo waatii ku guulaysan wayday warshadii sibidhka oo maanta inta birahaheedii la raray inana aynu wali soo waaridano sibidh warshado shaly qayrkeen dhisay.

Sibidh keeniina marka roob da’oba qayb daadadku badda ku daraan! taasuba maal gelin qorsgaysan uun bay u baahnayd e,waxa jirta tii warshadii laydhka ee Hargeysa ee ay ku fashilantay wadideedii xukuumadu, guryihii iyo dhulkii dawlada liisku wuu dheer yayahay……..!

Hadaba inagoon boqol milayan ahayn sida reer Masar dowlad xooglana haysan,hadana miyaanay haboonayn inaynu intay doontaba  ha qaadatee, iyadoo loo eegayo sida u haboon dekedan aynu xoolaheena ku maal galino dadka reer Soomaliliand gudo iyo dibad ba boqol dollar ilaa boqolkun iyo wixii ka badan lahaanshuhuna uu noqdo kii dowlada shacabkuna faa’iidadooda uun ay u soo xadiraan wixii ayka faa’iideen maalgashigooda  mudada loo cayimo.

Horta se dadka aqoonta dhaqaale leh ee wadankan u dhashay malaga tala geliyey arrimaha caynkana ee u baahan oqoontii dadka ku xeesha dheer. Inta aynu isu dhiibayno dad dhergay oo iyagu aan wadankan macaash mooyee lexejeclo ka lahayn 30 sano oo ishii dhaqaale ee kaliya aynu lahayn tuubo loosoo tuurtaa waa cawaaqib xumo.

“Waxaan aamisanahay inaynu aamino dawlada  aynu xukunka u dhiibanay, laakiin waxaan kaloo aaminsanahay inaanay xukuumaduna iloobin dadkii xukunka u dhiibtay ee aaminay”.

Waxa kale oo xusid mudan waxa uu golaha wakiiladu ka yeeli meel marinteeda marka la horkeeno! Golahaas oo aynu ognahay dadka fadhiya ee codeeya  iyo dabacooda shaqo markay timaado arrimaha noocana. Illahay baynu leenahay.

yasmina hadrawi

COMMENTS
LINKS