|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Oo Si Adag Uga Hadlay Xukunka Lagu Riday Salaadiyiintii ku Xidhnayd Jeelka Madheera Iyo Dhaq Dhaqaaqyo Lagaga Soo Horjeeda Arintan Oo Ka Socda Caasimada Hargaysa.
May 2, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Ayaa tan iyo intii ay xukunka haysay ku kacday falal guracan oo ku waajahan madaxda dhaqanka dhamaana kasoo fulayay Qasriga looga arimiyo Dalka sidoo kale waxaa si badheedha loogu tuntay sharcigii dalka oo laga dhigay jiifiyaana banaan joojiyaana banaan, loona adeegsaday badi shacabka u baahan in loo horseedo horumar iyo shaqo abuur. halka badalkeedii ka noqday in ay dalka ka hayaamaan dayartii amaba hogaamiyayaashii bari kuwaasi oo badi ku leeday badaha iyo saxaraha, iyadoo inta ku hadhay gudaha dalkana lagu tiriyo inta aan awoodi kharashka doonta iyo lacagta magafaha, Maanta ayay ahayd markii ay maxkamada wareegtaa xukun ku riday madax dhaqameed ay xukuumadu ku eedaysay in ay ka danbeeyeen shaqaaqo ka dhacday deegaanka lugahaya oo ahayd goob ay dadku iska diwaangalinayeen Maxkmada wareegta ayaa afar iyo toban qof ay ku jiraan laba suldaan iyo jiif caaqil ku riday xukunka ah sedex sano iyo ganaax lacageed iyo sidoo kale in la saaray khasaarihii goobta gaadhay waasida ay xukuumadu hadalka u dhigtay e, Hadaba Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi oo shabakada wararka ee wajaalenews,net waxka waydiisay xukunkan lagu riday Salaadiyiinta kala ah Suldaan Mawliid Cali (Sabayso), Suldaan Ibraahim Sulub , Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore Iyo Xubnihii kale ee la socday ayaa wuxu yidhi. “Xukunkaa lagu riday saladiyiinta maaha mid Aanu Aqbalayno Waana Mid ka fog Cadaalada oo aan Sinaba loo Qaadan Karin. Waxaanan Iskugu Iman Doonaan Shir Deg Deg ah oo Arimaasi Iyo Masiirka Beesha Aanu kaga Tashan Doono” Suldaanka ayaa intaa Hadalkiisii kaga gaabsaday, Si kastaba ha ahaatee Waxaa caawa guud ahaan caasimada hargaysa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo laga soo horjeedo xukunka ay maxkamada Wareegta ku fulisay madax dhaqameedka iyo dhalinyaro la socotay kaasi oo laga cabsi qabo in rabshado iyo mudaharaadyo lagu diidan yahay ay ka dhacaan xaafado kamida magaalada hargaysa iyadoo dhanka kalena uu xukunkan iyo ficilada xukuumada kasoo fulayaa ay saamayn balaadhan ku yeesheen Isdiwaangalinta Qaadashada kaadhka codbixiyayaasha oo malmahanba ka socotay gobolka maroodi jeex balse ayka muuqato habacsanaan ah qadashada kaadhkan
WAJAALENEWS DESK] HARGAYSA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|