“Sida loo wareejiyo Hantida Dadwaynuhu Waa isku Mid Goor Madow, Meel Madow, Dilaal Madow, Xaaraan Madow, Hunuhunuu iyo Hadal Madow. Mee dhulkii iyo guryihii dadwaynuhu? Muj.Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sida loo wareejiyo Hantida Dadwaynuhu Waa isku Mid Goor Madow, Meel Madow, Dilaal Madow, Xaaraan Madow, Hunuhunuu iyo Hadal Madow. Mee dhulkii iyo guryihii dadwaynuhu? Muj.Cali Guray
May 10, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa si adag uga dayriyay wareejinta hantida dawlada isaga oo ku macneeyay mid aan la aqoon halka lagu bixiyo lacagteda, waxaanu Muj.Cali guray Sidan Ku Sheegay mar uu ka hadlayay qadiyada wareejinta dekeda Berbera oo shalay si rasmi ah qalinka ugu duugay madaxweyne Silaanyo wareejinteeda,Qoraal kooban Oo uu Soo Dhigay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook ga ayaa u dhignaa sidan:

“Waxay u dhawdahay in saxeexani yahay kii mashaariicda horumarinteed eh kii wareejinta dekeddu mee yaase saxeexay ma Madaxwaynaha mise Maareeyaha Dekedda tollow”

“Sida loo wareejiyo hantida dadwaynuhu waa isku mid goor madow meel madow dilaal madow xaaraan madow hunuhunuu iyo hadal madow. Mee dhulkii iyo guryihii dadwaynuhu? Bal soo arag Xaafadda Booli Qaran ee Indian linekii hore. Goor la kala qaatay iyo meel lagu kala qaatay yaa ogaa? Waleese amma la iskaga daba teg oo waxay noqon Halkii daabac lala maray hadaan raacdo dabagelin ama Allayleh docdeenii ha goblamo dadwaynuhu. Imika arinkani maaha hadba sida ay danta dadwaynuhu ku jirto ee waa hadba siday ugu badinayso Wiilka Sodoga loo yahay ee Imaaradka la dhigtay iyo cidda dhigatay. Waxay maraysaa.”

HAL LA QALAY RAQDEEDAA

LAGU SOO QAMAAMOO

LABA WALIBA QAYBTEED

QORAXDAY KU DUBATEE

QALALAASIHIIBA

RUUXBA QURUB HALEELEE

QOSOL WUXU KA JOOGAA

QUBANAHA DAMBEEYEE

WELI QABA HAMUUNTEE

BUURAHA QOTADA DHEER

KA ARKAAYA QIIQEE

QARKA SOO JAFAAYAH

Garo oo waa daba goosigii ugu dambeeyay

NIN QATAABSADA

NIN QADHAAB HELA

NIN ISKABA QADA

HA LA QALABSADO

Yaa isu joojinaya?

“Sidaa daraadeed Madaxwayne Axmed Silanyo waa in arinkan uu madmadowga ka saaro si cadna u qeexo.”

 

COMMENTS
LINKS