Shabakada Wararka ee Wajaalenews Oo Heshay Heshiiskii Rasmiga ahaa Ee Xukuumadu La Gashay Shirkada DP World Iyo Lafo-gurka Qoddobadda Heshiiska Maalgelinta Dekeda Berbera Q1aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shabakada Wararka ee Wajaalenews Oo Heshay Heshiiskii Rasmiga ahaa Ee Xukuumadu La Gashay Shirkada DP World Iyo Lafo-gurka Qoddobadda Heshiiska Maalgelinta Dekeda Berbera Q1aad
May 24, 2016 - Written by Editor:

QAYBTA 1AAD

Wajaalenews.net waxay heshay nuqul ka mid ah qodobadda heshiiska hordhaca ee Shirkadda  DP World  (DPW) iyo Dawladda Somaliland ee dhawaanahan la hadal hayay. Waxay shabakadda wararka ee wajaalenews iyo gudanaysa waajibaadka ah wacyigelinta, iyo u xog-waranka dadka reer Somaliland u saartay heshiiska naqdintiisa khubaro reer Somaliland ah oo isugu jira garyaqaano, dhaqaaleyahano, iyo xisaabiyayaal si ay uga faalaadoon qodobada heshiiska aan wali la saxeexin. Khubaradda waxay ka heshiiska ku eegayaan il qaran iyo maxaa dan ah ee dadka iyo dalka reer Somaliland ugu jira. Qaybtii koowaad ee lafo gurka waa tan.

  1. Qaab-dhismeedka Heshiiska

Wali sida ka muuqata nuquladda qodobada heshiiska la helay, wali lama gelin heshiis rasmi oo dhinacyada saxeexeen balse waxaa la isla-af gartay lana saxeexay qodobada heshiisku ka koobnaan doono. Xaashiyaha qodobada gorgortanka (Terms Sheet) ay heshay wajaalnews waa laba:

  • Qodobadda Heshiiska Ceshiimadda (Concenssion Agreement terms) ay Gelin doonaan DPW iyo Somaliland.

Heshiiskana waxaa saxeexay dawladda Somaliland iyo dawladda imaaraadka oo ay metelayso madaxa Hay’adda Dubay U Qaabilsan Kastamyada, Dekedaha iyo Freezones-ka oo magaceeda loo soo gaabiyo PCFA (Ports, Customs and Freezones Authority) iyo DP World oo ah shirkad Caalami ah oo Dubay leedahay oo maamusha dekedo badan oo caalami ah.

Heshiiskani wuxuu si cad u qeexayaa in mulkiyada iyo lahaansha dekeda aan la wareegayn oo ay lahaynayso Somaliland balse maamulka hawsha-socota ay muddo 40 sanno ah laga kireeyay DPW. Muddada heshiisku waa 30 sanno ooh ore iyo 10 sanno oo dambe oo heshiisku iskii- Isku cusbonaysiiyo oo qodobadiisuna sidaa ahaanayaan sidaa darted buu heshiiska mudadiisu ugu yaraan u tahay 40 sanno.

  • Qodobadda heshiiska shirkada iskaashiga (Joint Venture Company) ah ee maamuli doonta dekeda oo ka dhalanaysa heshiiska ceshiimada ee koowaad (Service Agreement)

Heshiiskani isagu wuxuu ka dhalanayaa heshiiska koowaad ee ceshiimada/kirada dekeda kaas oo sheegaya in la unko shirkad ay wada yeeshaan DPW iyo Hay’adda Maamuli Doonta Dekeda Berbera (Berber Port Authority- BPA) oo iyada lafteeda imika la qabyo tirayo. Shirkada Cusub waxaa la odhan doonaa Berbera Port Operating Company (BPOC) waxaan saamiyadda look ala yeelanayaa sidan: DPW waxay yeelanaysaa 65% halka BPA yeelanayso 35%. Wixii maamul guud ah waxaa yeelanaysa BPA,  halka wixii hawl-maalmeedka ah (Operations) ah waxaa gacanta ku haynaysa BPOC.

Lafo-gurka Dekeda.doc

 

 

 

 

Sida la wada og yahay hore waxaa loo wareejiyay oo dekeda Somaliland wareejisay qaybo ka mid ah imkaaniyaadkii dekeda sida HAAMAHA SHIDAALKA  oo lagu wareejiyay ganacsato reer Somalilaan ah oo ilaa 7 shirkadood ahaa ayna ka mid ahaayeen RED SEA, HASS, iyo kuwo kale. Waxaa kale oo jirtay in adeega TAAGA isna dhawaan laga kireeyay shirkad uu leeyahay ganacsade Maxamed Siciid Geedi oo la yidhaa SAAHIL TOEWAGE SERVICE (http://www.mtbs.nl/news/berbera_port_authority_and_sahil_towage_services_sign_towage). Sidaas markay tahay, kama cadda heshiiskan DPW lala galay in haamaha iyo adeega taagagu ku jiraan. Inkastoo wali heshiisku furan yahay waxaa laga maarmaan ah in in xayndaabka heshiisku cadaado. Macnaha maxaa laga kireeyay DPW? Haamuhu ma ku jiraaan? Siday noqonaysaa wada shaqaynta Shirkada Maxaliga ee haamaha gacanta loo geliyay iyo dhinacyada heshiiskan galay? Suaalahan ayaa ah kuwo ay tahay in si cad looga wada hadlo.

  1. Heshiiska Ceshiimada/Kiraynta Dekeda Berbera (Concession Agreement Terms)

Heshiiskani sida kor ku xusan waa ka muhimka ah waxaana ka dhalanaya laba hay’adood oo mid dawli tahay (BPA), ta kalena tahay mid gaar loo leeyahay oo saamiley ah, waa BPOC. Heshiiskan qodobadda laga wada hadlay ee gorgortanku ka furan yahay waa 37 qodob oo taabanayo dhinacyo door ah oo la xidhiidha kiraynta dekeda Berbera. Waxaa ka mid dhinacyadda ay qodobadan taabanayaan kuwan:

  • Dhinacyada Heshiiska galay
  • Mashruuca
  • Taariikhda Bilawga Mashruuca
  • Reebanaanta (Exculisivity)
  • Hantida Sii taalay ee dekedu lahayd iyo Hantida la kirayn doono
  • Muddada Ceshiimada/Kiradda Dekedda Berbera
  • Kiraysisga Goobta/Meesha
  • Wareejinta ugu horaysa
  • Xuquuqaha Kiraystaha/Loo Celiayaha (DPW)
  • Wajibaadka Hawleed ee Kiraystaha (DPW)
  • Kharashka Bilowga Hawsha iyo Qadarka Kiradda
  • Tacriifadaha
  • Arimaha Shaqaalaha
  • Adeega Kireeyaha (BPA)
  • Biyaha, korontada iyo Is-gaadhsiinta
  • Hawsha Balaadhinta (Extension Works)
  • Kaalinta Dawlada Somaliland
  • Cashuuraha iyo Dhiirigelinaha (Tax and incentives)
  • Daryeelka iyo Dib-u-dhiska
  • Liisanada iyo Ruqsadaha
  • Amniga
  • Qandaraas sii bixinta (Sub-contracting)
  • Sii-kiraynta/Ceshiimada (Sub-concession)
  • Caymiska
  • Wax-ka-bedelka ku yimaad Shuruucda Somaliland (ee khuseeya heshiiskan)
  • Is-bedelada Qorshaha ku yimaad
  • Mag-dhowyada (Compensations)
  • Dhacdooyinka Masuuliyada Ka Dulqaadaya Kiraystaha
  • Ka-bixida heshiiska iyo waxa ka dhalanaya (Cawaaqibka)
  • Dib-u- soo wareejinta hawsha-socota (Operations) ee dekeda (Haddii heshiisku burburo)
  • Wareejinta iyo Igmashada Muddada Heshiiska
  • Dib-u-soo wareejinta hawsha-socota (Operations) ee dekeda (marka heshiiska dhamaado)
  • Damaanaad-qaadka Dawlada Somaliland
  • Maaliyadda
  • Sharciga loo noqonayo (Governing law)
  • Xalinta Khilaafka
  • Arimaha soo-raaca ah

Khubaraddu waxay qodob qodob u dul istaagi doontaa 37-kaa qodob ee heshiiska Kiraynta/Ceshiimada Dekeda lagu jiro kuwooda xaasxaasiga ah si ka hor inta aanu golaha wakiiladu ansixin loo bedelo oo loogu dhigo si danta guud ee reer Somaliland ku jirto. Qaybtan koowaad waxaanu si guud-mar ah u soo koobaynayaa arrimaha u baahan ka fiirsashada  iyo arimaha fiican ee aanu aragnay.

  • Guud ahaan heshiiskani waa fursad wayn oo somaliland heshay loona baahan yahay in sida ugu haboon looga faa’iideeyo. Ka faa’iidaynta fursadani waxaa shuruud u ah in heshiiska qodobadiisu noqdaan kuwo dan ah dhinacyada heshiiska dhexmaray ee Somaliland iyo DPW. Waa taa ujeedada naqdiga iyo lafo-gurka hagaysaa.
  • Guud ahaan qodobadan si ay imika u yaalaan, qaar badan baa u baahan in aad looga fiirsado lalana kaashado farsamo yaqaano iyo la taliyayaal caalami ah iyo kuwo gudaha ah. Kuwaa aan ilaa imika aragnay waxaa ka mid ah in heshiiskan lagu dhaqayo Shuruucda England (Laws of England) iyo in xalinta wixii khilaafaad ah haddii dhinacyadu isku af-garan waayaan iyagana loola noqonayo maxkamadaha imaaraadka. Duruufaha keenaya in shuruucda Somaliland lagu dhaqi waayo heshiiska waa in la isla eegaa isla markaana haddii la islaba qaato aynu reer Somalilaan ahaan garanaa waxa inooga caba xeerarka England iyo Imaaraadka.
  • Heshiiskan wuxuu kaga duwan yahay kuwo hore oo xukuumadu soo gali jirtay,waxaa la hor keenayaa baarlamaanka si ay u ansixiyaan. Arintani waa guul iyo qaan-gaadhnimo dawladeed, waxaana loo baahan in golaha wakiiladu xil iska saaro, rog-rogo kana bogto heshiiska waxa ugu jira dadka iyo dalka. Waxaa xusid mudan in DPW dhinaceeda uu ka yimid in heshiiska laga ansixiyo baarlamaanka. Haddii baarlamanka Somaliland ansixiyo, balse heshiiska lagu shuruucda Englan iyo Imaraadka iyadana waa in la fahmaa macnaha ay samaynayso.
  • Muddo heshiiska waxaa hore madaxdii Somaliland idaacadaha uga sheegeen inay tahay 30 sanno, arinkaas oo ka duwan sida ku qoran qodobada heshiiska hordhaca ah oo isagu sheegaya 40 sanno. Waxaa kale oo jirta in qodobada qaar leeyihiin dib-u-dhac kasta oo ku yimaad mudada heshiisku xagga dambe uun bay heshiiska kaga sii darsamaysaa sabab kastaa oo keentay dib-u-dhaca (Xataa haddii xagga DPW ay ka timaad)
  • Heshiisyaddii hore loogu wareejiyay haamaha iyo adeega taaga (Tuewage Services-ka) iyadana ma cadda in heshiiskani saamaynayo iyo in kale. Shirkadahaa hore waxaa ka mid ahaa Berbera Development Service iyo kuwo kale.
  • Arrimaha shaqaalaha, hantidii hore ee dekedu lahayd iyo qiimaynteeda, xuquuqdaha iyo waajibaadka DPW ayaa iyaguna meelo u baahan in si qoto dheer looga doodo.
  • Waxaa iyana u baahan in la cadeeyo muddada heshiiska in Dekedo kale ay Somaliland maal gashan karto iyo in kale. Sidaa waxaan u leenahay qodobka 4aad ee ka hadlayo reebanaanta waxaa ka dhan-dhamaysa in maalgashi kale aan deked kale oo Somaliland leedahay lagu samayn Karin mudada heshiiska haddii aanay DPW aanay ogolaan. Tan macnaheedu waxa weeyi, heshiiskan ma dekeda Berbera iyo ku eg-yahay oo laga kireeyay oo loo xidhay mise dekedaha dalka oo dhan.
  • Dejinta iyo wax-ka-bedelka tacriifadaha waxa iska leh oo u madax banaanaysa DPW inkasta oo ay la tashanayso dawlada Somaliland haddii ay kordhinayso. Qodobkani wuxuu kamid ahaa kuwii  sababta u ahaa isku-dhaca DPW iyo Djibouti sidaa darted iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimadaa waa in isna laga bogtaa
  • Ugu dambayntii, siddii madaxda heshiiska soo gashay ay u lahaayeen deked cusub baa la dhisayaa maaha heshiisku, si cad waxaa ugu muuqata in heshiiskan khuseeyo dakada Berbera ee aynu naqaan oo dib-u-dhis iyo fidin lagu samaynayo. Waxaa lagu darayaa Freezone iyo 400 mitir oo terminal cusub oo kaargoo ah.

 

LA SOCO Qaybta 2aad ee lafo-gurka Heshiiska Kiraynta/Ceshiimada Dakada Berbera

COMMENTS
LINKS