|
|||||
WAJAALE NEWS
Shabakada Wajaalenews Oo Heshay Heshiiskii Rasmiga Ahaa Ee ay Xukuumada Somaliland La Gashay Shirkada Dubai Port Iyo Qodobada Mugdiga Galinaya Xaqiiqada Heshiiskan.
May 23, 2016 - Written by Editor:Kala Duwanaanshaha Heshiiskii shirkad DUBAI PORT iyo weedhihii Masuuliyiinta xukuumada oo shaki ku abuuray shacabka somaliland iyo dhaqdhaqaaqyada gobolka saaxil+ Wafti ka socda Dawlada Emaraatka oo la filayo in ay Malinta bari ah Kasoo Degaan Madaarka berbera +Dareenka Shacabka . HARGAYSA (Wajaalenews) HORDHACA HESHISKAN; Dhawaan ayay xukuumada somaliland markii ay heshiis maagalinta dekeda berbera ah la sexeexatay shirkada dubai World kaasi oo ka dhacay dalka emeraatka . Hadaba heshiiskan oo dhinacyo badan taabanaya ismarkaana ay masuuliyiintii xukuumada ee shirkan ka qayb galay ay shacabka siyaabo kala duwan ugu Sharaxeen, halka ayna xukuumadu wali soo bandhigin wax ducumenta ah taasi oo maalmahan shacabku aragtiyo kala duwan ka bixinayeen Halkan xukuumadu taageero heshiska uga raadinaysay madaxdhaqameedka Somaliland iyo xubno siyaasiyiina oo madaxtooyada ka shildaal qaata.iyadoo dheemaalna ay kubixinaysay. Shabakada wararka ee wajaalenews ayaa heshay nuqulo kamida heshiiskii ay xukumadu la gashay shirkada dubai world kaasi oo uu ka muuqo madmadow badan ismarkaana ay jiraan kooxo dhexe oo aan xukuumada iyo shirkada dubai u Dhaxeeya saamiga dekedana qaadanaysa share aan meelna kasoo galay habka dawladeed, HALKAN KA EEG WARQADA QEEXAYSA KOOXAHA DHEXE….
sidoo kale gal dalooloolinka sharci e hadheeyay heshiiskan ayaa Waxaa kamida in aan la hayn heshiis balse la hayo isfaham oo mecnaheedu yahay meesha ka saaraya in ay marka horeba dubai port wax dhaqaale ah galinayso dekeda Berbera. amaba uu yahay heshiis lalagalo dawlad, heshiiskan ayaa waxaa ku cad in BPA oo ay shirkad dhexe oo iyadu qayb ka noqonaysa boardka maamulaya dekeda berbera oo ay gacanta ku haynayaa 7xubnood kana kala imanaya 4 shirakada dubai world ka socda iyo sedex ka socda BPA taasi oo meesha ka saaray awoodii dawladeed sidoo kalena gabi ahaanba qoraynaysa shaqaale cusub waxayna khatar ku tahay shacabka reer berbera, SEXEEXA LABADA DHINAC IYO MASUULIYIINTA MDIWALBA U SAXEEXAY.
KALA SOCO QORAALADA HESHIISKAN IYO XOGO DHEERAADA SHABAKADA WARAR EE WAJAALENEWS SAACADAHA SOO SOCDA, Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|