Qormooyin Taxane Ah Oo Diirada Saari Doona Shaqsiyaadka U Dhashay S/land Ee U Boholyoobay Shaadhka Iyo Shilinka Dawlada Taagta Daran Ee Maganta U Ah Ciidamada Amisom Q 2 AaD | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qormooyin Taxane Ah Oo Diirada Saari Doona Shaqsiyaadka U Dhashay S/land Ee U Boholyoobay Shaadhka Iyo Shilinka Dawlada Taagta Daran Ee Maganta U Ah Ciidamada Amisom Q 2 AaD
May 29, 2016 - Written by Editor:

SHIRQOOLADA DHAGARAYSAN EE RAYSAL WASAARE KU XIGEENKA SOOMAALIYA MAXAMED CUMAR CARTE UU KU WIIQAYO  MIDNIMADA SHACABKA ,DIMUQURAADIYADA IYO NABAD GALYADA S/LAND KU CAANO MAASHAY

Maahmaah Soomaaliyeed [ Doqoni Tolkaa Maaha ]

Iyadoo lagu jiro Maalmihii u danbeeyay  Bisha May ee Barakaysan  waxaan ku sabootiyaynaa Qormooyin diirada saari doona Taariikh Xumada ka raaci doonta  Shaqsiyaadka u dhashay S/land ee u Boholyoobay Shaadhka iyo Shilinka Dawlada Taagta Daran ee Muqdisho .

Waa mar kale iyo Qormadii Taxanaha ahayd ee Diirada ku  saaraynay   Raysal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya ee Maxamad Cumar Carte Qaalib oo Xillkan quudhsiga ah loo magcaabay 24/1/2015 iyadoo Qormadan kaga hadli doono Xidhiidhka Saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Maxamad Cumar Carte iyo Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh, Gacan haadinta uu ugu yeedhayo Da”ayarta S/land in ay xagal daaciyaan Midhihii Halgankii ay ku Naf waayeen kuna Naafoobeen Kumanyaal ka tirsan Bulshada S/land  isagoo Mashruuc kaga qaatay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu ka dhaadhiciyo Fikirkii Soomaali Wayn ee Dall iyo Dadba burburiyay iyo Qodobo kale oo xiiso badan .

Madax meel ka saraysa oo la taabta ma jiree Maxamad Cumar Carte waxaa Sannado danbe oo Qarniyaal gaadha  Diiwaanada Taariikhda lagu xusi doonaa  in Maxamad Cumar noqday Shaqsigii ugu hanka yaraa ee Bulshadiisa Dhabar Jabiya Go”aankoodiina Xagal Daaciya .

Waxaana  Diiwaanada Taariikhda lagu xusi doonaa Shirqoolada Dhagaraysan Ee Mudo Xileedkiisa Uu Ku Wiiqayo Midnimada Shacabka, Dimuquraadiyada Iyo Nabadgalyada S/land Ku Caano Maashay isagoo  hadimooyin ula soo badheedhaya Dalkii iyo Dadkii uu la dhashay ee Madheertiisu ku aasnayd waxaanse ku dhaafayaa Maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa [Doqoni Tolkaa Maaha ] iyadoo aynu Qodob_qodob u dul  joosanayno Shirqoolada dhagaraysan ee  Maxamad Cumar Carte  ka  wado  S/land gudaheeda .

Xogahan oo aanu ka helayno Muwaadiniita Indheer Garadka iyo  War galeenka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho een daba dhilifka u ahayn Xukuumada Taagta Daran ee Soomaaliya waana sidan:

1: Maxamad Cumar Carte waxuu Xidhiidh dhaw la sameeyay Dagaal Oogaha Cali Khaliif Galaydh oo ka mida Shaqsiyaadka u dhashay S/land balse ku hawlan in uu Colaad iyo Dagaal Sokeeye  dhex dhigo Dadka Walaalaha ah ee Dalka  S/land ku haysta  Nabada iyo xasiloonida buuxda  iyadoo maanta Xidhiidh Saaxiibtinimo oo qoto dheeri ka dhexeeyo Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh iyo Maxamad Cumar Carte , Iyadoo War Galeenadani  sheegayaan in Maxamad Cumar Carte uu Hormood u ahaa Tiro Shaqsiyaadka u dhashay S/land oo Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud u soo jeediiyay in la siiyo Dagaal Ooge Cali Khliif Lacag ,Hub  iyo Saanad Dagaal oo tiro badan waana ta keentay in uu Dagaal Ooge Cali Khaliif  ku hanjabo in uu dagaalo lagu hoobto ka ridi doono Gobolka Sool iyo Sanaag .

2: Maxamad Cumar Carte waxuu qaatay Mashruuc  is dhex galka bulshada loogu magic daray  isagoo uga wakiil ah  Xukuumada Soomaaliya Mashruucan Xasan Sheekh Maxamuud isagoo Maxamad Cumar  Xidhiidho Toosa uu ugu  gacan  haadinayo la sameeyay qaar ka mid Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka S/land iyadoo uu ku  Casuumo Magaalada Muqdisho  isagoo  dadaalo xoogan ugu jiraa in jiilka soo koraya uu ka dhaadhiciyo Midnimada Soomaali Wayn oo Bulshada S/land Xanuunkii iyo Dhibaatooyinkii ay kala kulmeen aanay Maskaxdooda iyo Maankooda Qarniyo ka masaxmi doonin .

3: Maxamad Cumar Carte waxuu dagaal ku soo qaaday Midnimada Shacabka S/land isagoo isku dayay in uu burburiyo Wiiqo Midnimada Shacabka  isagoo weerarkii ku soo qaaday Ururka Dhalinyarada ee [ Sonyo ] Ururkan oo ay ku midoobaan Dhalinyarada S/land isagoo dagaalka Ururka [Sonyo] uu ku soo qaaday  u arkayay Maxamad Cumar in ay Fursad Qaaliya tahay in uu Ururka Sonyo  Burburiyo Waqtigan   Madaxda ugu saraysa ee Ururka  Dhalinyarada ee Sonyo ka soo jeedaan Gobolada Awdal iyo Sool, isagoo dhanka kalena Burburka Ururka Sonyo ee Waqtigan uga faa”iidaysanayay in Dhalinyarada Gobolada Awdal iyo Sool uu ku qanciyo Midnimada Soomaali Wayn ,balse  nasiib wanaag  waxuu ku guul daraystay Dagaalkaa uu ku soo qaaday Midnimada Shacabka S/land.

4: Maxamad Cumar Carte waxuu dadaalo xoogan ugu jiraa sidii Baasaboorka Soomaaliya si toosa Bulshada S/land uga qaadan lahayd  gudaha Magaalooyinka waawayn ee S/land isagoo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ku qanciyay in  Qiimaha Baasaboorka in lagaga qaato Magaalada Muqdisho laga  jabiyo ama laga dhimo kala badh  Qofka ka qaadanaya Magaalooyinka Waawayn ee S/land iyadoo Qiimaha lagaga helo ama ay ku bixiyaan  Xafiisyada Qarsoodiga ah ee sida Tuugada looga qaato  ay Qiimaheedu kala badh tahay marka loo eego Qiimaha Baasaboorka lagaga Gudaha Magaalooyinka Waawayn ee Soomaaliya  .

Isku soo wada duuboo Raysal Wasaare ku Xigeenka Xukuumada Taagta Daran ee Soomaaliya Maxamad Cumar Carte Qaalib ayaa Talaabo kasta uu qaadaa u Maydhaysaa sida Saabuuntu u Maydho Maryaha  Taariikhdii Aabihii Cumar Carte ku lahaa Gayiga  S/land isagoo  noqonaya Shaqsigii ugu hadimada badnaa ee ka mida Shaqsiyaadka  u Boholyoobay Shaadhka Dawlada iyo Shilinka Koonfurta Soomaaliya .

La Soco Qormooyin Kale Oo Diirada Saari Doono Shaqsiyaad Kale Oo Ka Mida Kuwo  U Boholyoobay Shaadhka Iyo Shilinka Dawlada Taagta Daran Ee Muqdisho

Qalinkii Bashiir Daahir Cumar

USA .

 

COMMENTS
LINKS