Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Badda Midhtareeniyaanka Ay Ku Dhinteen In Ka Badan 700 Oo Muhaajiriin Qaxooti Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Badda Midhtareeniyaanka Ay Ku Dhinteen In Ka Badan 700 Oo Muhaajiriin Qaxooti Ah
May 29, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay inay rumeysan tahay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay tiro ka badan 7 boqol oo muhaajirin iyo qaxooti ah ay ku qarqeen badda Mediterranean-ka.

Gabadha afhayeenka u ah hey’add qaxootiga Qaramada Midoobay, Carlotta Sami, ayaa sheegtay in doonyuhu ku degeen koonfurta Talyaaniga Arbacadii, Khamiistii iyo Jimcihii toddobaadkii tagay, waxayna qaxootigu isku dayayeen inay Yurub ku galaan doonyo aan badda ka gudbi karin.

Mid ka mid ah doonyaha badda ku dagay ayey kaameradu qabatay iyadoo markab Talyaanigu leeyahay uu badbaadiyay badi rakaabka.

Tiro lagu qiyaasay boqol ruux oo saarnaa markabka, ayaa la la’yahay.

 

 

COMMENTS
LINKS