“Ninkan Wariyaha Ah Ee Dhaqan Xumada Wada Hay’adii Keentay Iyo Cidii Aqbashayba Waa In La Maxkamadeeyo”Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ninkan Wariyaha Ah Ee Dhaqan Xumada Wada Hay’adii Keentay Iyo Cidii Aqbashayba Waa In La Maxkamadeeyo”Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta
May 11, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) -Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa ka hadlay nin suxufi ah oo u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah oo todobaadkii ina dhaafay dalka lagu soo dhaweeyey isla markaan kulamo la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladda oo ilaa heer madaxtooyo gaadhsiisan.

Masuuliyiinta Wasaaradda diinta iyo awqaafta ayaa soo jeediyay in hay’addii ninkan dalka keentay iyo cidii aqbalka siisayba in la maxkamadeeyo oo sharciga lala tiigsado, maadaama ay fikradda ninkani aaminsan yahay ka hor imanayso dhaqankeena, diinteena iyo dastuurkeenaba.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ka hadlay arrintan ayaa sheegay inaanu ninkani wax dambi ah lahayn balse ay tahay in la maxkamadeeyo cidii dalka keentay, waxaana uu yidhi:

“Waa in maxkamadda la tago oo la maxkamadeeyo hay’adda dalka keentay, idinkuna (saxaafad ahaan) xaqbaad u leedihiin inaad tidhaahdaan ninkan cidii dalka keentay noo cadeeya, ninkii dalka keenay iyo kii aqbalay waa in la helayaa ninka Gay-ga ah isagu dambi malaha waayo waa loo ogolaaday laakiin wixii dastuurkeena ka soo horjeeda cidda keentay waa in la maxkamdeeyo”

Anderson oo asal ahaan wariye ka shaqeeya telefishanka CNN ayaa xaas u ah nin kale oo dhigiisa, halka ay hooyadiina xaas u tahay gabadh kale waxaana uu dhawaan yimi Somaliland iyadoo ay madaxda Somaliland si wayn u soo dhaweeyeen.

COMMENTS
LINKS