Muxuu Yahay Xidhiidhka ka dhexeeya 26 June iyo 18 May Q.2aad? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Yahay Xidhiidhka ka dhexeeya 26 June iyo 18 May Q.2aad?
May 8, 2016 - Written by Wariye:

Dagaalkaasi wuxuu noqday mid ahaan lagu gaadhin ujeedadii loo galey oo ahayd xoreynta dalalka Somaliyeed ee maqan balse waxaa ka dhashay burbur dhaqaal

Waxay bilaabeen inay dib u habeeyaan qayb siyaasadeedkii dalka,waxayna dalkii u jeheeyeen dhinaca shuuciyada ama hantiwadaaga siyaasad ku dhisan.Bishii Oktober ee sanadkii 1972 waxay ku dhawaaqeen in farta Somaliga la qoro, Sanadkii 1974 waxay somaliya ka mid noqotey Ururka jamicada carabta.Iyada oo dadka qaarkood ula muuqatey in dhismaha qaranka somaliyeed ay horumar xawliya ku socdo ayaa hadana aad arkeysey dad badan oo aan u bogin qaabka maamul wanaaga iyo horumarka dalka oo aan lahayn stratijiyada qorshe iyo daraasidi hageyso balse taa badelkeeda ay xamaasad iyo dareen caadifadeed ay hogaanka shagaga siyaasada rogayaan.Sanadkii 1977kii dabayaaqadiisii dalka waxaa la geliyey dagaal loogu yeedhay soo dhicinta dhulkii somaliyeed ee maqnaa(ku hoos jirey gacanta
gumeysigii Itoobiya).

Dagaalkaasi wuxuu noqday mid ahaan lagu gaadhin ujeedadii loo galey oo ahayd xoreynta dalalka Somaliyeed ee maqan balse waxaa ka dhashay burbur dhaqaale siyaasadeed iyo bulsho,waxaa wiiqmay cududii ciidamadaqaranka,waxaa hoos u dhacay dhaqaalihii dalka,waxaa sameysmey in ciidamadii qaar ka mida inuu damac kagalo xukunka dalka,1978 ayaa saraakiil ka tirsan ciidama qalabka sida qorsheeyeen inay dalka ku qabsadaan balse waa uu ka fashilmay,tani waxay keentay in ciidamada dhexdoodii in ay kala shakiyeen.

Waxaa Kacaankii Oktoober ee dalka ka talinayey cadaadis saareen dadkii ay u arkayeen iney taageersanayeen afgambigaasi dhicisoobey,taasi oo cadaadis lagu saarey Beelaha somaliyeed beel ka mida oo degaankeedu yahay gobolada dhexe iyo bariga Jamhuuriyadii La odhan jirey JDS.

Dagaalkaasi ay dowladu bilowday wuu fiday ilaa ay u gudbtay goboladii waqooyi ee dalka,kulel kii iyo karkii dhibaatooyikan.Dawladu waxay bilowday inay isku daydo in ay xoog ku xalisho cabashooyinkii dadka,waxay u wajehday siyaasad qabyaaladeeysan,waxay abaabushay qorshayaal ka dhan ah horumarka,nabada iyo wada noolaansha dadkii Somaliyeed waxaa bilaabmey ururo hubeysan oo laga soo horjeedo dawlada,Sida urukii SDF,SNM iyo USC Mar dambe ku soo biirtey.Ugu dambeentii xal la’aantii ,dhibaatooyinkii siyaasadeed,dhaqaale,iyo bulsho waxay keentay in dawladii burburto oo ay burburiso dhamaanba noloshii,dhaqaalihii,iyo siyaasadii umada somaliyeed.Waxaa Xoog mulatiri oo aan naxariisi ka fogtahay Dawladii u adeegsatay Shacbigii,si aan kala sooc lahayn gaar ahaan shacabkii Somaliland,guud ahaana shacabkii somaliyeed.

Waxaa soo gaba gaboobey midnimadii,iyo dawladnimadii somaliweyn bilawgii 1991.

Talo waxay noqotey in waxgaradkii iyo madaxdii Somaliland ay shir iskugu yimaadaan,kana tashadaan isbedelka ,waayaha,iyo katashiga ayaaha umada Somaliland shirkan waxaa qabaqaabinayey dhamaan waxgaradka Somaliland ,waxaana nabedgelyada goobaha shirka ilaalinayey SNM oo ahaa urur siyaasadeedka u xilsaarnaa guud ahaanba Goboladii waqooyi ee( Somaliland),.Shirkaasi oo ahaa mid aan cidna la qasbeyn oo beelwaliba codkeeda xor u tahay ayaa lagu go’aamiyey 18 May 1991 in La laalo isku tagii 1 July 1960 ee Midowgii waqooyiga iyo konfurta,dibna loogu noqdo madax banaanidii dal ee 26 June 1960.Sidaa darteed xidhiidhka u dhexeeya labadan munaasibadood waa kuwo is kaabaya oo mataano ah.Manaha aha 18 May 1991 mid ka turjumeysa beelo ama ururkii SNM balse waa maalin qaran oo ay wada lee yihiin Shacabka Somaliland oo dhan.Waayo SNM waxay wadanka Soo galeen sida aan u maleenayo bishii Jan.1991. ee may ahayn 18 May 1991 tani waa maalin ku weyn umada Somaliland.

Waad Mahadsantihiin

M J Farah Ind. Political analyst and writer, BA.BEng.AVCE,C. Journalism Digital and Social Media.

COMMENTS
LINKS