MUUSE BIIXOW KHADRAA KU RIDDAY… Cabdinaasir Axmed Ibraaim | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MUUSE BIIXOW KHADRAA KU RIDDAY… Cabdinaasir Axmed Ibraaim
May 7, 2016 - Written by Editor:

Sheeko

Koox kubbadda kolayga ka ciyaari jirtay Magaalada Ceerigaabo ayaa waxa ugu caansaynad gabadh la odhan jiray Khadra, badhasaabkii gobalkaasina aad ayuu u jeclaa gabadha hab-ciyaareedkeedaba, wuu soo fadhiisan jiray gogada ciyaarta, waanu daawan jiray sida ay u ciyaarayso Khadri. Marka ay Khadri Gool dhaliso, waxa uu odhan hal-hays u lahaa Khadraa ku ridday.
Abaaro ba’an ayaa gobolka ka dhacay, xukuumaddii wakhtigaa jirtayna waxa ay ka war heshay in badhaasbka gobolku aanu ka war ahayn abaaraha iyo duruufaha gobolka ka jira ee uu ku mashquulsan yahay ” Khadraa ku ridday,” wafti ayaa Muqdisho looga soo diray, badhasaabkii ayaa la kaxeeyay waxa la geeyay tuulooyin dhibaatooyin badani ka jiraan, kaddibna waxa ay masuuliyiintii ku yidhaahdeeen badhasaab KHADRAA KU RIDDAY… Anna waxa aan maanta leeyahay adeer Muuse Khadraa ku ridday.
Cabdinaasir Axmed Abraham; Muuse ha la is-diwaangeliyo ayuu leeyahay, mana oga sida ummaddu u dhibsatay xisbi xaakimka curyaanka ah iyo xisbiyada mucaaridka ah ee Mudutuusha ah.

 

COMMENTS
LINKS