Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaaliya Oo Maanta Xukuno Kala Duwan Ku Riday Dadkii Loo Haystey Qaraxii Diyaarada Daallo Airline, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ee Somaaliya Oo Maanta Xukuno Kala Duwan Ku Riday Dadkii Loo Haystey Qaraxii Diyaarada Daallo Airline,
May 30, 2016 - Written by Editor:

Muqdisho(Wajaalenews) -Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay xukuno kala duwan ku riday dadkii loo heystay in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday diyaaradda Daallo Airline labadii bishii Feberwari ee sanadkan.

5-40

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in C/wali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo maqane ah ay ku riday xukun cimrigaa haku furto ah ama xabsi daa’im.

Sidoo kale, Abshir Maxamed Macalin Axmed, Safiyo Cabdillaahi Xasan Cali waxaa ay ku xukuntay afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ay ku riday xukun ah min hal sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa ay xukun min lix bilood oo xabsi ciidan ah ku riday dadka kala ah; Bashiir Cabdillaahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida, sidoo kale waxaa ay fasaxday shan qof oo lagu wayay wax dambi ah, waxayna kala yihiin; Cumar Macalin Calasow, Cali Maxamuud C/raxmaan, C/laahi C/qaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirse iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed.

COMMENTS
LINKS