Maxaa Inaga Hortaagan Inaynu Dhulkeena Beerano?……By:Maxamed C/Laahi Cige. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Inaga Hortaagan Inaynu Dhulkeena Beerano?……By:Maxamed C/Laahi Cige.
May 7, 2016 - Written by Editor:

Hadaba miyeyna haboonayn inaynu isku tashano dawlad,ganacsato iyo shicibba sidii aynu beero u falan lahayn ugana bixi lahayn

Dadka calaamka ku nooli waxay ka fikiraan kow inay ku dadaalaan sidii nafahooda iyo qoysaskooga waxay cunaan ugu soo saaran lahaayeen dhulkooga alle ku abuuray ,ka dibna sidii ay dalkooga u gaadhsiin lahaayeen iyo sidii ay uga fikiri lahayeen dalalka dibada inay u dhoofiyaan.

Sida aynu ognahay Somaliland waxay leedahay dhul balaadhan oo leh ciid aad u tayo fiican taas oo ay sheegaan dadka cilmiga u lehi inay ka bixi karaan inta badan siidhadhka kala duwan ee ka baxa aduunka.

Magaalada hargeysa waxaa laga dareemay iyo dalkaba maalmihii u danbeeyey khudarad la’aan aad u weyn iyadoo ay khudaradda kala duwan sida:- tamaadhada,basasha,toonta,basbaaska iyo dhamaan khudaradaha kale ee lagama maarmaanka u
ah cuntada maalin-laha ahi waxay inooga timaadaa dalal shisheeye waxaa sidoo kale inago yimaada bariiska,baastada I.W.M

Hadaba miyeyna haboonayn inaynu isku tashano dawlad,ganacsato iyo shicibba sidii aynu beero u falan lahayn ugana bixi lahayn ku tiirsanaanta dalalka shisheeye ee aynu martida uga nahay wixii aynu quudan lahayd maalin kasta?

Si taasi u timaado waa in Wasaaradda Beeraha Jamuuriyada Somaliland ay qaadataa doorkeeda ugu muhiimsan oo ah hogaamintii iyo siyaasadii lagu hagi lahaa dadkeena iyadoo loo baahanyahay inay samayso dhirrigalin iyo adeegyo dadka u fududeeya sidii ay dhulkooga u munaafacadsan lahayeen .

Iyadoo roobkii da’ayo oo loo bahanyahay kaliya in biyahaas la qabto loona sameeyo meel ay ku ha kadaan si waxna lagu beerto,biyo la’aanta sannad walba timaadana looga hortago.

Dalkani wuxuu sidoo kale leeyahay ganacsato waaweyn kuwaas oo haysta lacago badan oo hadii ganacsade kastaa maalgaliyo toban beerood ay wax weyn ka tarikarto baahida dalkeena taala isla markaana ay ka heli doonaan faa’iido ganacsi.

Guntii iyo gabagabadii iyadoo maqaal iyo laba toona lagaga gayoon kari dhibaatada ina haysta,iyadoo aynu ognahay in dhalinyaro badan dalkan ka huleleen iyagoo ka cabanaya shaqo la’aan hadii aynu isku tashano dhamaanteen inagoo wada jirna waxaa hubaal ah inaynu ka maarmi karo cid kasta dhalinteenuna ay shaqo ka heli doonaan.

Waxaan Madaxweynaha Qaranka ka codsanayaa inuu dardar galiyo sidii dadku dhulkooga u beeran lahaayeen nimcadiisana uga faa’iidaysan lahaayeen.

Alla Mahad Leh

W/Q: Maxamed Cabdilaahi Cige

Madadaal222@gmail.com

COMMENTS
LINKS