Masuul Digreeto Madaxweyne ku Magacaaban oo Muddo Todobaad ah u Xidhan Ciidanka Boliiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuul Digreeto Madaxweyne ku Magacaaban oo Muddo Todobaad ah u Xidhan Ciidanka Boliiska
May 23, 2016 - Written by Editor:

Waxay Ciidanka Boolisku wakhti habeenimo ah ka soo qabteen Gurigiisa oo ku yaala Degmada Axmed Dhagax

Hargeysa (W,N) Ciidamada Booliska ayaa Todobaadkii hore gurigiisa ugu dhacay Mukhtar Yaasin Shire oo ah Xubin ka Tirsan  Gudida Maamul Wanaaga Iyo Ladagaalanka Musuq Maasuqa, Mukhtar Yaasin ayaa Dhawr Bilood ka hor Madaxweynaha Somaliland Digreto ku magacaabay.

5555555555555555555555555

Wararka Wargeyska Waaheen Helayo ayaa Tilmaamay in Masuulkaasi Xukumada ka Tirsan wali u xidhan yahay Ciidanka Booliska isla markana aan la gayn wax maxkamad ah iyada oo sharciga Somaliland uu dhigayo in qofka la soo xidho Muddo 24 sacadood gudahood maxkamad la keeno.

Taliska Booliska Somaliland ayaa hore u sheegay in hawlgal ay magaalada Hargeysa ka Fuliyeen  ay ku soo qabteen Nin balse Hawlgalkaasi uu kaga dhawacmay Sarkaal Xigeen ka tirsan Ciidaanka Booliska ee hawlgalkaasi Fulinayey, inkasta oo wakhtigaasi aanu Boolisku sheegen in Ninkaasi uu yahay Masuul ka tirsan Xukumada , Boolisku ma Faahfaahin sababta rasmi ah ee ay ku soo qabteen Ninkaasi iyo Danbiga loo haysto madama uu yahay Masuul dawladeed oo Digreeto Madaxweyne ku Magacaaban.

Mukhtar Yasin Cali Shire ayaa waxay Ilamadeer yihiin Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Maamulka Puntland Jen. Cabdismad Cali Shire waxanu ka soo jeedda Gobolka Sool, waxaanu ka soo Guray waddanka Ingiriiska.

 

COMMENTS
LINKS