Maskaxdii Ka Danbaysay Muuqaaladii Cajiibka Ahaa Munaasibadii 18 May Ee Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maskaxdii Ka Danbaysay Muuqaaladii Cajiibka Ahaa Munaasibadii 18 May Ee Gobolka Gabiley.
May 20, 2016 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews):-Iyadoo Gobol iyo Degmo Kasta Si heersare ah looga dabaal degay xuska maalinta qaran ee Gooni isutaaga qaranimada somaliland ee 18 May, ayaa haddana waxaa jira fikiro cusub iyo muuqaalo Soo jiitay indhaha caalamka oo gobolada qaar soo bandhigeen, Kuwaasi oo aan hore loo Arag oo inagu cusbaa,

Gobolka gabiley oo kamida gobolada somaliland islamarkaana shacabka ku dhaqani si heersare ah ugu soo baxeen xuska maalintan.ayaa haddana waxaa jiray muuqaalo aan hore loogu arag gobolka iyo guud ahaanba somaliland, oo uu ay Soo Bandhigeen Maamulka Gobolka Gabiley, Sawirada ayaa noqday kuwa ugu saameynta badan oo mar kaliya si xawliya ugu faafay baraha bulshada iyo muuq baahiyeyaasha kala duwan sida websiteska iyo Tvyada, Waxaana dadka qaar marka ay arkaan muuqaalkan isweydiinayeen sida ay macquul u tahay in qoraalo lagu xardhay xarfaha 18 may oo baaxadaa leh loo sameyn karo iyo sida ay u suurto gali karto, Balse marka aad daawato waxaad sii jeclaysaneysay inaad indhaha kusii hayso, muuqaalkan iyo fikrada uu gudbinayo,

Amarka alle Mooyee ma jiro wax kaa baajin kara dedaal kasta oo aad ku dhiirato, oo aad damacsan tahay inaad hirgaliso qorshahiisa.

maskaxda gabiley

Marka aynu doonayno hirgalinta fikiradaheenana waxaa uu dhaqaaqi karaa oo midho dhal noqon karaa maraan helo, wadashaqayn buuxda, kalsooni ka gun-gaadhis leh, iyo dadka kugu xeeran oo aad ka dhigato baalasha aad ku duulayso si hadafkaagu meel dheer u gaadho, waxa iyadana muhiim ah in la helo dadka kula shaqeynayaan in ay yihiin kuwo aydaan ku kala qaybsaneyn afkaarta haddba aad doonaysaan guusheeda,waa in ay yihiin kuwa ugu horeeya ee garabka kugu siinaya fikrada cusub ee aad la wadaagto, si aad adiguna ugu sii dhiirato, go’aanka wanaagsani waaka aad kaga sareyn karto haddii eebe kula qabto qayrkaa, lkn waxa ka horaysa inaaad la timaado deganaansho, kalsooni, Taxadir, Dulqaad, Shacabka oo aad isku wado, iyo bulshada oo aad ugu adeegto si dhex ah, markaas ayuunbaa lagu odhankaraaa hebel waa hogaamiye wanaagsan oo ruuxiya, halka qaarna la yidhaa waar hebelkaasi nafmalaha oo ama reer hebelbuu wax siiyaa. ama dad gaara ayuu talada ka qaataa, oo shaqadiisa iyo taladiisu waxay ka biyo cabtaa shaqsiyaad gaara.

Sikastaba ha ahaatee waxaan uga socodaa dulucda nuxurka qoraalkayga inaan diirada ku saaro, Maskaxdii ka denbaysay Muuqaaladii cajiibka ahaa ee gobolka gabiley kaga qayb-qaateen xuska munaasibada qaran ee 18may, ugu horeyn aan u mahadnaqo guud ahaan maamulka gobolka gabiley iyo shacabkiisa oo si isku duubun ugu debaal degay qarankooda, aan ku xigsiiyo maayirka magaalada gabiley Mudane Maxamed Amiin Cumar cabdi oo Ah Shaqsiga ama maskaxda ka danbeysay muuqaalkan aadka loo jecelaystay ee soojiitay indhaha bulshada caalamka iyo guud ahaan inta jecel qaranka somaliland, Waxa aan odhan karaa waxa uu ahaa fikir xalaal ah oo aan uga mahadnaqayo isaga iyo intii la wadaagtay hirgalintiisa, kaas oo la odhan karo waxa uu qayb laxaad leh ka qaatay soojiidashada indhaha bulshada iyo beesha caalamka, Waxaanu noqday sawirkani  ka ugu saameynta badan  Xuska munaasibadan 18may boqolaal kun oo qof ayaa mid kastaaaba ka dhiibtay firadiisa, waxay bogaadinayeen muwaadiniintan muujiyey qaranimada iyo sida ay shacabka somaliland ugu weyntahay maalintani, Haddaba waxaan isweydiinaynaa ka sakow fikirka oo qof kastaaba la yimaado, haddana maxay ku xidhan tahay inuu noqdo mid guulaysta fikirkaasi,

aqoontay  ama ogaalkay waxaan isleehay Maxamed Amiin fikirkaasi uu la yimid umay suurtogasheen haddii aaney jirin, qadarka alle ka sakow, dad la tashi, dood wadaag, iskuwadka shacabka gobolka, iyo kalsooni muuqata oo ay ka qabeen shacabku shaqada uu hormoodka uga yahay.

Mahad waxa leh Alleheena weyn ee inoo suurto galiyey inay si nabad iyo wadajir ah u qabsoonto Xuska maalintan qaran,marlabaadka waxaa mahad leh hogaanka dalka iyo shacabka reer somaliland, Sida deganaansha ah ee shaqsi kastaa dhinaciisa ugu jiro dheeliga, marsaddexaadka waxaan u mahadnaqayaa maamulka gobolka gabiley iyo shacabkooda.

 

Allaa Mahad Leh.

 

W/Q:-Nuura Omar Yuusuf

 

Hargeisa Somaliland

COMMENTS
LINKS