“Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Ambassador Baashe Cawil waan Ku Bogaadinnayaa Heshiiska Taariikhiga Ah Ee Dubai world” Siyaasiga Axmed Dayib Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Ambassador Baashe Cawil waan Ku Bogaadinnayaa Heshiiska Taariikhiga Ah Ee Dubai world” Siyaasiga Axmed Dayib Guray
May 13, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N):-Siyaasiga da’dda yar ee Axmed  Dayib Guray ayaa soo dhaweeyay Heshiiska ay Xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda Dubai world oo casriyayn iyo balaadhin ku samaynaysa Dekedda magaaladda Berbera.

AXMED DAYIB

Siyaasi Axmed Dayib Guray waxa uu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu soo gaadh-siiyay Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, waxaannu u dhignaa sidan “Heshiiska taariikhiga ah ee dhex-maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo wadanka isu taga imaaraadka carabta, waa guul u soo hooyatay qarankan curdinka ah ee 25 jirsadday. Waa heshiis wax badan ku soo kordhin karra ummadda reer Somaliland iyo Mandaqadan aynnu ku nool nahay ee barriga Africa.

Waxaan aaminsannahay in aynnu ummad ahaan u baahannahay

Maalgashi caalamiya oo dalkeenna la geliyo, kaasoo dhaqaale badanna innagu soo kordhinnaaya, isla markaanna Indhaha beesha caalamka innoo soo jeedinnaaya, arrintaasi maaha wax ciyaar ku timid waa Hindise iyo Himilo fog oo Madaxweynaheennu ku sargooyay 25 guurada Madax-banaanida Somaliland.  Anigu waxaan leeyahay wixii Horumar iyo Maal-gashi ah ee Dekedda berbera u soo kordhaa waa wax qarankeenna oo dhan u soo kordhay, waxaanna habboon inaan la siyaasaddayn oo aan qof dano kale lihi aannu si khaldan u turjumin dedaalka iyo isbedelka uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo mudada dheer ku hawlannaa.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ahmed Mohamed Siilanyo waxa uu  maanta soo  hooyay guul qaran runtii aadban ugu farxay heshiiska taarikhiga ah ee aynu la galnay shirkada fadhigeedu yahay Dubai Ee loo yaqaano Dubai world.

Runtii waxan odhan kara somaliland maanta waxay leedahay ama innoo muuqda Ictiraafkii aynu 25-sano Ka sugaynay caalamka, waayo heshiis kani faaiidooyin badan  ayuu u leeyahay Somaliland, markaynu eegno xagga ama dhinaca dhaqaalaha, horumarka dalka iyo Dekedda Berbera-ba.

Dhinaca kale, haddii aynnu Siyaasadda ka eegno heshiiskani faa’iiddooyinka uu leeyahay waxa ka mida dalalka aynnu jaarka nahay ee Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo kuwo kale oo Mandaqadda ku yaallaba waxa innaga dhaxeeya tartan, iyaddoo loo kala dheeraynaayo suuqyadda dalalka aan Dekeddaha lahayn.

Waxa kale, oo aan odhan karraa Heshiiskani wuxuu soo jiitay indhaha caalamka oo aad ayaa loo hadal hayaa tan iyo maalintii heshiiskani Ka dhacay Magalada Dubai.

Shacabka somaliland maanta waxa la gudboon inay  Madaxwayne Ahmed Siilaanyo Guushan uu innoo soo hoyay Lagu hambalyeeyo oo lagu taageero, dadka xumaha ama xaga xun wax Ka eega waxan odhan laha Dekada Berbera Shirkadan imaaraadku qaadan mayso ee Dekada iyo magalada Berbera way inoo dhisaysaa.

Maanta Dekada Berbera shaqalaha ka shaqeeya way laba laabmi oo way Sadddex laabmi doonnaan, waxaan ku soo gunaanaddayaa walaalayaal Muxaafid iyo Mucaaradba gacmaha aynu isqabsano Oo aynu ku bogaadino guusha uu so hooyay Madaxwayne Ahmed Siilaanyo.”

 

COMMENTS
LINKS