Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka Dhoofay Dalka Iyo Wafti Wasiiro Ah Oo Kaga Sii Horeeya Dalka Emaraatka Carabta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka Dhoofay Dalka Iyo Wafti Wasiiro Ah Oo Kaga Sii Horeeya Dalka Emaraatka Carabta
May 7, 2016 - Written by Editor:

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Ayaa Saaka Salaadii Ka Anbabaxay Garoonka Diyaaradaha Ee Cigaal International AirPot Waxaana Madaxweynaha Iyo Weftidiisu Ku Sii Jeeda Qaar Ka Mida Wadamada Caalamka

Oo Ay Ka Mid Yihiin Dalka Jabouti Iyo Wadanka Isu Taga Emaaradka Carabta

 

Madaxweynaha Somaliland Ayaa Waxaa Uu Ku Sii Jeeda Dalka Jabouti Ee Aynu Jaarka Nahay,Madaxweynaha Somaliland Ayaa Marti Qaad Rasmi Ah Ka Helay Dalka Jabout Gaar Ahaan Madaxweynaha Dalka Ee Ismaaciil Cumar Geele

 

 

Madaxweynaha Ayaa Wararku Sheegayaan Inuu Ka Qayb Galaayo Caleema Saarka Madaxweynaha Dalka Jabouti Oo Marsadexaadkii Ku Guulaystay Hogaaminta Dalkaas Jabouti

 

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftidiisa Ayaa La Filayaa In Uu Dib Ugu Soo Laabto Dalka Marka Uu Soo Dhamaysto Safarkiisa

 

Ilo Wareedyo Aanu Ka Helayno Dalka Jabouti Ayaa Sheegaya In Magaalada Jabouti Ee Dalka Aynu Jaarka Nahay Waxaa Si Balaadhan Looga Dareemaya Soo Dhoweynta Madaxweynaha Somaliland Taas Oo Qaban Qaabadeedu Ka Socoto Dalka Jabouti Waxaanay Wararku Sheegayaan In Madaxweynaha Dalka Jabouti Uu Gudi Gaara U Saaray Soo Dhoweynta Madaxweynaha Somaliland.

 

Dhinaca kale wuxu madaxweynuhu sida la filayo  safar labaad ku tagi doona dalka isu taga emaraatka carabta  halkaas  oo Saddex wasiir oo kala ah wasiirada madaxtooyada Maxamuud Xaashi, arrimaha dibadda Sacad Cali Shire iyo qorshaynta Cali Salaan Jirde, oo uu weheliyo maareeyaha dekedda Berbera eng. Cali Xoor-xoor, ayaa khamiistii socdaal ku tagay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Weftigan ayaa waxa ay ka sii horumarayaan Madaxweyne Siilaanyo oo Isniinta toddobaadkan isna ka daba tagaya wasiiradan, waxaanay wasiiradani gogol xaadh u sii noqonayaan heshiis la filayo in Madaxweynuhu qalinka ku duugi doono oo dhex maraya shirkadda DP World( Dubai Ports World) kaas oo ku saabsan sidii ay shirkadaasi maalgashi ugu samayn lahayd  dekedda Berbera.

Lama hayo faahfaahin ku saabsan heshiiskaas, sida wakhtiga uu soconayo,

 

 

 

COMMENTS
LINKS