|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxdhaqameedkii Ay Dhawaan Xukuumadu Jeelka Madheera kasoo Daysay Oo Wacad Ku Maray In ay Si Adag Uga Hadli Doonaan Xadhigii Lagula Kacay iyo Doorkii Uu Ku Lahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
May 24, 2016 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Salaadiin,Cuqaal Iyo Dhalinyartii dhawaan xukuumadu Ka Soo daysay jeelka Madheera ee gobolka saaxil ayaa wacad ku maray in si faahfaahsan uga hadli doonaan xadhigii ay kula kacday xukuumadu,sidoo kalana ay fashilin doonaan doorka uu ku lahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaas sida uu mid ka mid ahaa madaxdhaqameedkan oo ku hadlayay afka madax dhaqameedkan oo ka cudur daartay in magaciisa la xuso usheegay Shabada wararka ee wajaalenews,net.
Sida oo kale waxa ay sheegeen in ay xukuumadu kula kacday gafwayn oo aanay u meel dayin waxaanay farta ku fiiqeen in sobobta loo xidhay ahayd dano siyaasadeed oo xukuumadu si gaara u wadato. Dhinaca kale Salaadiintan,cuqaashan iyo dhalinyaradani oo kulano gaar gaar ah maalmahan u danbeeyay lalahaa qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay in ay fashilin doonaan siro badan oo ku gadaaman siyaasada daciifka ah ee madaxtooyada iyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay si toosa farta ugu fiiqeen gudoomiha xisbiga Kulmiye iyaga oo sheegay in uu ku lug lahaa in xoriyada laga qaado dad mansab iyo magac ku leh bulshowaynta Somaliland balse ayay yidhaahdeen aanay marnaba kaga daba hadhayn Fartana dhexda ka qaniini doonaan cid kasta oo lug ku lahayd xadhigaa aananu gayin ee la noogaystay ayuu yidhi . Sidoo kale madaxdhaqameedkan dhawaan ay xukuumada cafiska u fidisay ayaa xusay in ay si adag uga donaan nin mid kamid ahaa mujaahidiintii SNM oo mudadii ay xidhnaayeen ku dhex xanuunsaday jeelka madheera, una geeriyooday xanuunkii ku dhex haleelay jeelka mujaahidkan oo lagu magacaabi jiray muj marxuum Cabdi Mawliid Aw Cali ismarkaana ahaa mujaahidkii 7aad ee snm ee talaabay dalkana ku lahaa qadarin wayn balse xukuumadu intii uu xidhnaa si fool xun ula dhaqantay, WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|