Madax Dhaqameedka Gobolka Gabiley oo Dhaliilo Culus u Soo jeediyay Madaxwayne ku xigeenka Jsl C/raxmaan Saylici Iyo Sifaha Uu Kula kacay Sarkaal ka Tirsan Madaxyootada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax Dhaqameedka Gobolka Gabiley oo Dhaliilo Culus u Soo jeediyay Madaxwayne ku xigeenka Jsl C/raxmaan Saylici Iyo Sifaha Uu Kula kacay Sarkaal ka Tirsan Madaxyootada.
May 30, 2016 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Qaar kamida Madaxdhaqameedka,Wax Garadka, Iyo Dhalinyarada gobolka Gabiley ayaa si adag uga hadlay ficilo qabyaaladaysan oo uu madaxwayne ku xigeenka somaliland kula kacay mid ka mida saraakiisha ciidanka madaxtooyada  kaasi oo uu saylici si badheedha ugu adeegsaday awood qaran, isla markaana xilkii uu meesha ka hayay sargaalkani oo ahaa xisaabiyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada dul keenay inan uu adeer u yahay Madaxweyne Ku xigeenku.

 

Hadaba odayaasha oo arimahaasi iyo kuwo kaleba oo saylici hore ugula kacay shacabka reer Gabiley ka hadlaya  ayaa bedka soo dhigay.

Waxaana ugu horayn arimahan ka hadlay Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan oo ka mid ah madaxdhaqameedka miisaanka ku leh gobolka Gabilay,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa

“Ninkan qaranka madaxwayne ku xigeenka u ah maaha markii u horaysay ee uu bulshada reer Gabiley kula kaco filico ka aradan masuuliyada loo igmaday , waxaa jiray ka odoy ahaan xili uu isagu balan qaaday inuu bixinayo mag, taasi oo uu noo saxeexay warqadii uu masuuliyadaa ku qaaday, balse markii danbe uu xataa diiday in uu nala kulmo amaba fuliyo masuuliyadii uu isasaaray, dhawr jeer oo aan gurigiisa ugu tagnay waxaanu kala kulanay dhaqano aanay ka muuqan waxa laysku yahay iyo sharafta ay leedahay xilka shacabku u dhiibteen.

Waxaase wax laga xumaado ah in maanta C/raxmaan saylici marayo in uu dadkii isku haybta ahaa ee isku abtiga ahaana sii kala dilo isagoo awoodii dawladeed u adeegsanaya in uu shaqaalihii dawlada ugu kala eexdo, halka uu inan uu adeer u yahay  dul dhigay inan kale oo uu madaxwayne u yahay taasi waxay muujinaysaa garashada saylici iyo kala fogaynta shacabkii soo doortay mana aqoonsana in shacabka reer Gabilay uu u yahay madaxweyne”.

caaqil maxamed cabdi qawdhan

 

Sidoo kale qaar ka mid ah dhalinyarada reer gabilay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweyne ku xigeenkii ay soo doorteen oo badi codkooga ku soo baxay uu ula dhaqmo wax aanay ka gayin shacabka reer Gabilay aanay la yaaban yihiin in aanu saylici isku aqoonsanayn in uu madaxweyne u yahay shacabka reer gabilay.

sargaalkan dhalinyarada ah ee uu saylici shaadhka qabilka kaga qaadayo xilka uu u hayay ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa ah dyarta ku dhiiratay in ay galaan ciidmada qaranka kaasi oo tusaale fican u noqday dhalinyarada somaliland ismarkaana dhawr jeer ku guulaystay in madaxwaynaha somaliland abaalmarin iyo dalacsiin iskugu daro,

SARKAAL MAXAMED ABDI YONIS

laba xidigle Maxamed Cabdi Yoonis ayaa xiligan waxa dadaalki iyo dhiiri galintii uu ka mudnaa qaranka

Halka taa badalkeedu uu  madaxwayne kuxigeenka somaliland uga dhigay in uu  noqday masuulka kaliye ee xilkii qaranka loogu awood sheegtay,

 

COMMENTS
LINKS