|
|||||
WAJAALE NEWS
Hay’ada IOM Waxay Ka Digaysaa Wararka Leexsan Ee ku Saabsan, Arrimaha Muhaajiriinta Iyo Carwo Lagu Soo Bandhigayo Sawiro Dalka Itaaliya Magaalada Torino.
May 16, 2016 - Written by Editor:NAIROBI (Wajaalenews) Hay’ada Socdaalka Aduunka (IOM) waxay u soo jeedinaysaa Shacabka Somaliland in aanay waxba ka jirin hadalada la isla dhex maraayo ee ku saabsan ka qayb-qaadashada IOM ee la xidhiidha carwada soo-bandhiga sawirada ee ka dhacaysa Torino, Itaaliya. Sawiradani waxaa ay tusayaan kaamam qaxooti oo aan run ahayn oo ka jira Somaliland kuwaas oo loogu tala galay dadka muhaajiriinta.
Mr. Gerard Waite, Madaxa IOM ee Fadhigeedu yahay Nairobi, wuxuu yidhi: “fadlan waxaad ogaataan in Marwo Suaad Omar Sheikh Isahaq, gabadha qabanqaabisay carwada sawirada lagu soo bandhigay, iyadu ay iskeed u soo diyaarsatay iyadoo ah sawirqaade madax banana. Marka ay sidan u soo bandhigtayna, waxaa ay samaysay hawshan iyadoon ogolaansho ka haysan IOM. Sidaa darteed sharaxaad kasta iyo xayaysiin kasta oo ay ka bixisay sawiradani ma aha kuwo matelaaya sinaba hay’ada IOM. Hay’ada IOM masuuliyadeedu waxaa weeye, in ay ka taageerto dawlada Somaliland iyo dadkeeda waxyaabaha muhiimka ah ee ay ka mid yihiin dhinaca socdaalka iyo isku socodka. Hay’ada IOM marna iskumay dayin, iskuna dayi mayso hawlo ay ku dhaawacayso sumcada dadka reer Somaliland iyo dawlada Somaliland” Mr. Ali Saeed Raygal, Wasiirka Dibudejinta, Dibuhabayta iyo Dibudhiska ee Somaliland oo ka hadlaya hay’ada IOM wuxuu yidhi “ ilaa 2006, IOM waxay si dhaw ula shaqaysay Dawalada Somaliland si ay u fududayso culuayska ay la yimaadaan dadka muhaajiriinta ah ee qulqulaya iyadoo wacyigalin u samaysa; fursado shaqo abuura u samaysa meelaha dadku ka imanaayaan iyo halka ay sii dhexmaraayaanba; iyadoo xoojinaysa, taynaysana maarayta iyo maamulka socdaalka dhinaca xadadka; iyadoo kor u qaadaysa tayada iyo xirfadaha hay’adaha wadaniga ah iyadoo ku xoojinaysa xirfadlayda qurbajooga si ay u tabbaraan shaqaalaha hay’adahaas; iyadoo u fidinaysa caawimo toos ah muhaajiriinta tabarta daran. Hay’ada IOM waxay ficil ku tustay inay wanaag u rajaynayso dadka reer Somaliland, waananu ku kalsoonahay, la shaqayn doonaa, lana sii yeelan xidhiidh xoogan Hay’ada IOM”.
Wixii intaa ka faahfaahsan, fadlan la xidhiidh:
Mr. Liban Mohamoud Issa, Sarakiisha Hay’ada IOM Hargeisa Tel: + 252 571211 +252 634457455 Email: Imessa@iom.int, Skype; Liban.mohamoud.essa
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|