|
|||||
WAJAALE NEWS
HALA BADBAADIYO DA’YARTA IYO DAADKA ROOBKA EE BADDAHA GALAY!
May 16, 2016 - Written by Editor:Sannad kasta, Bil kasta todobaadka iyo maalintii timaadba waxa si xawli ah ku socda qulqulka tahriibta ee da’yarta Soomaaliyeed ay ku qubanayaan baddaha kala duwan iyaga oo ujeed koodu yahay sidii ay nolol mida dalka taala uga raadsan lahaayeen waddamada shisheeye. Inta la ogyahay bulsho kastaa waxay horumar ku gaadhaa ama ku hiigsataa nolol heerkeedu sareeyo oo lagaga baxo rafaadka iyo duruufaha nololeed ee soo mara marka ay ku guulaysato dhismaha jiilka cusub ee usoo barbaaraya, aduunkuna wuxu ku kala tagay sida loo maareeyo ama loo maamulo awooda da’yarta iyaga oo loo sameynayo aqoon iyo xirfado kaabta awoodooda shakhsiyeed. Bulshada Soomaalidu waxa ay ka mid tahay bulshooyinka lagu tilmaamo in ay xaga aqoonta ku hooseeyaan in kasta oo ay tahay bulsho dhamaanteed muslim ah aqoonta diiniga ah alle ku karaameeyay. Hadana waxad moodaa in ay bulshadu sida lagu tilmaamo ay ka ma dhantay aqoonta maadiga ah, waana bulsho waxbarata laakiin ilaa hada aanay waxbarashadeedu gaadhin meel la manaafacaadsado ama heer aqoonta wax lagu samaysan karo. Aqoon yaraanta iyo maamul xumo dishootay guud ahaan bulshada Soomaalida ayaa horseed u ah in da’yartii jiilka cusub laga filayay is badal horumar leh oo ay dalka ku sameeyaan in sidii xaydha-waynta ay dab isku guraan, oo looga taag laayahay ha Tahriibin iyo ha is-qarxin. Ceebaha ka dhashay burburka bulshada Soomaalida ku yimid waxa ka mid ah iyada oo laga faa’iidaysan waayo amaba la dareemi waayo nimcooyinka kala duwan ee Alle ku manaystay deegaanka Soomaalidu degto oo Juquraafi ahaan dhaca meelaha ugu mihiimsan uguna meel-dhac fiican (strategy) aduuka. Iyada oo ay sidaa tahay hadana waxa bulshadii dhulka lahayd ku dhacay xanuun aan daawo lahayn oo la yidhaa TAHRIIB, oo aad ugu sifo dhow cudurka kale ee baryahan isna Soomaalida ku dhacay ee la yidhaa IS-MIIDAAMINTA, oo ay wadaagaan toban qodob:
hadaba qorshe la’aanta ummadda soomaaliyeed ku dhacday ee ay ka wada siman yihiin ayaa ah in la waayo qaab loo mareeyoo da’yarta soo koraysa si loogu hanuunniyo looguna diyaariyo in ay shaqo u diyaar garoobaan iyaga oo ku qanacsan kuna kalsoon dhulkooda hooyo. Dhibaatooyinka ka dhashay qorshe la’aanta maamuladda Soomaalida ee ku kala abtirsada shantii waxood ee gumaystuhu bulshada midka ah u kala qaybiyay waxa laga dhaxlay dhibaatooyinka uu Tahriibku ka mid yahay ee faraha baas ku haya bulshada. Dhibaatooyinka kale ee qorshe la’aanta bulshada Soomaaliyeed haysta ka dhashay waxa ka mid ah ilduufka khayraadka kala duwan ee ceegaaga degmada oo dhan, haba ugu sii darnaato ka faa’iidaysi la’aanta biyaha roobka oo sida ay u dulundulcaynayaan dhibic waliba halka kaga beegan bada kaga darsanto. Ummaddii Soomaaliyeed waxa mar qudha baddaha ka wada galay Da’yartii iyo Daadkii roobka oo hadii labadooda la is waafajiyo qorshena loo dajiyo keeni lahaa horumar wax soosaar oo lagaga maarmo maraakiib raashin sida oo dekeddaha ku so xidha, abaaraha joogtadaha ah ee inala darsay, gaajada aan dhamaanayn iyo macaluusha bulshadeenu la liidato iyo baryada iyo baahida aan u qabno dar inala mid ah oo ka faa’iidaystay da’yartoodii iyo daadkii baddaha ku shubmi lahaa. Aanoon kala qaadayn ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada geeska Africa ee gumaystuhu shanta qaybood u kala jaray waxan ku boorinayaa madaxda xiligan hogaanka u ah ummadda walaalaha ah in ay la yimaadaan qorshe ka duwan midka xiligan isla markaana ay ku fikiraan wax ka duwan waxa uu gumaystuhu u qoondeeyay ee ah in aan madaxda Soomaaliyeed midna mid la hadal mid kastaana fuliyo qorshaha gaarka ah ee ay u dirteed nimanka ku fadhiya kuraasta cadwogii awoowyaasheen gumaystay. Hogaamiyeyaasha ummadda Soomaaliyeed ee xiligan waxa la gudbood in ay si wada jir ah uga hawl galaan badbaada ummaddooda iyaga oo samaysanaya qorshe wax tar leh oo ummadda lagu badbaadiyo. Madaxda Waxay mas’uuliyadi ka saaratay in ay da’yarta baddaha ka badbaadiyaan oo u sameeyaan qorshe horumarineed oo qanciya kuna dhiiri galiya waddan jacayl waxsoosaar. Madaxda Waxa ay mas’uuliyadi ka saarantahay in ay da’yarta ka badbaadiyaan dabka ay isku gurayso iyo qaraxyada ay dadkooda la beegsanayaan, si ay taas uga waantoobaana waa in la dajiyaa manhaj diin iyo waddaniyad leh oo lagu soo barbaariyo ileen geedku hadii uu yari ku qaloocsamo waynida laguma toosin karee. Madaxda waxa ay mas’uuliyadi ka saarantahay in ay maaro u helaan biyaha roobka ee badaha ku qubanaya si looga baxo baahida aan kala go’a lahayn ee bulshada ay madaxda u yihiin faraha baas ku haysa hadii wax kale la qaban kari waayana waa in bulshada la baraa sidii biyaha looga faa’iidaysan lahaa miyi iyo magaalaba. Hadaba hadii la helo qorshe lagu jiheeyo Da’yarta, biyaha baddaha galayanaya lagu joojiyo, waxa hubaal ah in dadkan iyo dalkaniba horumar gaadhi doono, waxa kale oo hubaal ah in laga maarmi doono gacmo shisheeye oo wax la waydiisto iyada oo aan marna lagu baahi beelin gacan kale wax ay kuu qadhiidho. soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa “SACABADAADA AYAA BIYO LAGAGA DHARKAA” waakii abwaankeenii waynaa (AHN) C/laahi Suldaan Timo Cade lahaa “MANFAH AAN LA CUNIN BAA JIRA OO MAWDKA KUU SIDO EH MARAYKAN IYO WAAKA AY BAXSHAAN MADAXDA NATO” Hogaamiye adaa ummada ummada ka mas’uul ah ee waxad ogaataa in ay aanad ummadda u dulayn cid kula mid ah oo aanad baahideeda hoos gayn. Hogaamiye ama madaxweyen qurubka aad doonto ee ka mid ha shanta degmo ee Soomaalidu degto madax ka noqo laakin ogow in mas’uuliyadi kaa saarantahay guud ahaan ummadda aad ka dhalatay ee Soomaaliyeed, hogaamiye ogow in aan Soomaalidu ku kalatagay magacaan ay inagu kala magacaabeen gumaysteyaashii oo xagooda ka ah sumaddo ay ku kala qayteen dad ay ka cudud iyo caqli badiyeen oo ay sidii xoolaha calaamado u kala samaysteen si ay khayraadkooda u xalaashadaaan. Ugu danbayn waxan bulshada Soomaaliyeed kula dardaamayaa in hadalka hawl lagu daro oo la badbaadiyo Da’yarta iyo Daadadka badaha ku dhamaaday, oo hadii la is waafajiyo laga dhaxli doono horumarka aan ka raadinayno in reer galbeed ama carabi inoogu deeqo. Inaga oo laabta ku hayna in aan hadaiyad la isku siin horumarka laakiin uu yahay wax tacab badan u baahan oo loo dhibtoodo sidii loo gaadhi lahaa.
Qalinkii: Maxamed Cumar Jibriil (MOJ) Mx7lee@gmail.com Hargeisa Somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|