Guuto Ciidamada Puntland ah Iyo Taliyahoogii Oo Isku Soo Dhiibay Somaliland Iyo Gudoomiyaha Sanaag Oo U Soo Dheelminaya Dhinaca Caasimada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guuto Ciidamada Puntland ah Iyo Taliyahoogii Oo Isku Soo Dhiibay Somaliland Iyo Gudoomiyaha Sanaag Oo U Soo Dheelminaya Dhinaca Caasimada Hargaysa
May 7, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Wararka ka imanaya gobolka sool Caasimadiisa Ceerigaabo  ayaa sheegaya in -Ciidamo ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Somalia, ay isku soo dhiibeen Somaliland, kuwaas oo uu hogaaminayo Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed (Axmed Gegoroor) oo ahaa Taliyihii Booliska maamulka puntland ugu magacawnaa Gobolka Sanaag.

Ciidanka ka soo goostay maamulka Puntland, ayaa  isku soo dhiibay maamulka Gobolka Sanaag ee Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ay  ciidan badan yihiin, isla markaana uu wato Axmed Gegoroor, kaas oo ciidanka uu wato kaga yimid deegaanka Xiingalool ee bariga sanaag, isaguna uu soo gaadhay magaaladda Ceerigaabo.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac Falaay iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag, ayaa sida la sheegay taliska Ciidanka u  sheegay in ay dhinaca Hargeysa u soo wadaan Sarkaalkan hogaaminaya ciidanka isku soo dhiibay Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ay habeen hore soo gaadheen magaaladda Burco oo ay u soo dhaafayaan dhinaca magaaladda Hargeysa oo ay ku soo jeedaan.

Waxaana ay wararku inta ku darayaan in guutadan uu hogaaminayo sarkaalkani ay kusoo food leeyihin magaalada hargeysa.

 

COMMENTS
LINKS