Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Hadhimo Taageero Doona U Sameeyay Qaarka Mida Salaadiinta Beesha Habar Awal Iyo Doorkii Wasiirada , | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Maanta Hadhimo Taageero Doona U Sameeyay Qaarka Mida Salaadiinta Beesha Habar Awal Iyo Doorkii Wasiirada ,
May 28, 2016 - Written by Editor:

Ujeedada Kulan Dareeno Kala Duwan Abuuray  Oo  Gudoomiyaha  Xisbiga kulmiye  Hadhimo  Ugu Sameeyay Qaarkamida Salaadiinta  Beesha  Awal.

HARGAYSA(Wajaalenews) Gudoomiye Xisbiga  Kulmiye Muuse Biixi ayaa Maanta  hadhimo Taageero doona ugu sameeyay Hutel Maansoor  Qaar ka mida Salaadiinta Beesha Habar Awall iyadoo  kulankan ay goob joog ka ahaayeen Wasiirada Beeshuna , Hadhimadan  oo aan Warbaahinta  loo ogolayn ayaa wararka aanu ka helayno ismarkaana ay  noo xaqiijiyiin Qaar ka mida Xubnihii lagu soo  Casuumay in ay ujeedada  kulankan uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi uu Agaasintkeeda lahaa isla markaana uu ahaa mid Taageero doona  oo Xubnihii Salaadinta ahaa ee kulanka hadhimada ah lagu  soo Casuumay ka dalbaday in ay Fadhiga ka kacaan oo Taageero buuxda loo muujo .

Muuse-Biixi

Dhanka kale Xubnaha Salaadiinta ee ka soo qayb galay kulanka Hadhimad ah ee Hutell Maansoor Gudoomiye Muuse Biixi ugu sameeyay ayaa ahaa  Salaadiin hore u taageersanaa  balse lama garanayo Shakiga  soo kala dhex galay Gudoomiye Muuse Biixi iyo Salaadiintan hore taageerada ula garab joogsaday iyadoo ay noo xaqiijiyiin Xubnihii ka qayb galay Hadhimada  in dhanka Gudoomiyaha  laga dareemayo saluug faro badan oo shaki ku abuuray Taageeradiisa , isagoo Gudoomiye Muuse Biixi  Xubnaha  Salaadiinta Habar Awall kula dardaarmay in ay kulanadooda joogteeyaan .

Dhanka kale kulankan Hadhimada ayaa u muuqday mid loogu Ducaynayay Marfash kulmin doona Salaadiinta Taageersan  Gudoomiye Muuse Biixi, kaasi oo laga garab furay Gurigii  barkulanka  u ahaa Salaadinta Beesha Subeer Awall ee uu hormuudka ka yahay suldaanka guud ee beelaha subeer awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xiligan khilaaf culusi kala irdheeyay murashaxa xisbiga kulmiye,

SULDAAN ISMACIL

 

Isku soo wada duuboo Kulanada uu qabto iyo Talaabooyinka Taageero doonka ah ee uu qaado Gudoomiye Muuse Biixi ayaa ah kuwo Beesha Habar Awall ku keena burbur iyo kala qaybsanaan hor leh

sidoo kale ololaha gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa u badan kuwo ay ujeedadodu tahay cidii aan taageersanay sidii xoog ay ugu muquulinlahaa amaba guriga beesha subeer awal looga arimiyo oo uu taagero ka waayay sidii u u barbar dhigi lahaa marfash kale oo uu ku muujiyo taageeradiisa halka gurigii subeeriyadana ee hore u furnaan  uu ku hawlan yahay sidii uu u wiiqi lahaa awoodiisa .

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS