Gudiga Guubabada Diwaan Galinta Codbixiyayaasha Oo Shacabka ku Dhaqan Gobolka Maroodi Jeex Ugu Baaqay In Ay ka faa,iidaystaan Maalmaha Ka Hadhay Diwaan Galinta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudiga Guubabada Diwaan Galinta Codbixiyayaasha Oo Shacabka ku Dhaqan Gobolka Maroodi Jeex Ugu Baaqay In Ay ka faa,iidaystaan Maalmaha Ka Hadhay Diwaan Galinta.
May 25, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Gudida guubaabada diwaangalinta codbixiyaasha ee iska xilsaaray sidii ay ugu dhiirigalin lahaayeen uguna fudaydin lahaayeen in dadku soo gaadhaan goobaha ay kasocoto diwaangalinta, gaar degmooyinka gacanlibaax, 26 juun, ibraahin koodbuur iyo Ahmed Dhagax . Sida aynu lawada soconay waxa dhamaadkii bishii 4aad ka bilaabantay caasimada iyo qaybo ka mida gobolka maroodi jeex diwaan galinta codbixiyayaasha doorashooyinka inagusoo aadan 2017 ee kala ah madaxtooyada iyo Wakiilada  doorashooyinka 2017 ka qabsoomi doonta soomaliland.

Hadaba waxa jiray sida lala wada socday in 14kii cisho ee danbe lagu gudo jiro oo ay gabogaboobayso MAALINTA JIMCAHA EE 27/MAY/2016, hadaba waxa jira dad badan oo ku dhaqan caasimada oo aan wali wakhti u helin in ay tagaan goobaha diwaan galintu kasocoto hadaba waxaan ugu baaqayaa dadkaa an ka faaiidaysan in ay inta ka horaysa jimcaha ay tagaan goobaha si aanay u seegin xaqooda dastuuriga ah.

In la isdiwaan galiyaa waxa ay muujinaysaa dimiquraadiyada doorka ay ku leeyihiin shacabku, oo ah in ay  doorankaraan cidii ay masayrkooda ku aaminayaan isla mar ahaan taana ay ka codeeyaan cidii ay uga baqayaan in aan qaranka lagu halayn Karin.

Hadaba muwaadin qaado kaadhka codbixinta ee aad xaqa u leedahay oo aan lagugu xidhayn Aqoon si aad u doorato xildhibaankii ku matalilahaa golaha wakiilada Somaliland iyo madaxwayanahaagii iyo madaxwayneku xigenkiisii.

Qaadashada kaadhka codbixinta waxaadku xaqiijinaysaa inaad tahay muwaadin u heelan inuu xaqiijiyo jiritaanka qaranimada islamarkaana u heelan horumarka dalka sababtoo ah in doorasho dhacdo macneheeedu wuxu yahay in la raadinayo cidii dalkan horumar gaadhsiin lahayd, ama ka samata saari lahayd dhibta imika kuu muuqata isla mar ahaan taana waxaad fursad u helaysaa inaad wax kala doorankarto halka aanu fursadaa helayn qofka aan qaadan kaadhka codbixiyaha.

 

 

Faysal cumar madar (fasyal qumuj)

Gudoomiyaha gudiga diwaangalinta

 

 

COMMENTS
LINKS