Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Socdaal indho indhayna Ku Tegay Degmad Daara-salaam | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Socdaal indho indhayna Ku Tegay Degmad Daara-salaam
May 1, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa Wajaalenews)-Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed iyo wefi uu hoggaaminayo ayaa saaka safarkii sama-wade ku tegay degmad Daarasalaam ee G/maroodi-jeex,halkaas oo ay diiwaangelinta codbixiyayaashu si habsami ah uga socoto.

Md Seed iyo masuuliyinta kale ee ku weheliyey safarkan sama-wade ayaa  kormeer ku soo maray goobaha ay diwaangelintu ka socoto ee Degmada  Daarasalaam,isla markaana waxay goob-goob u soo kormeeray goobaha ay diiwaangelintu ka socoto,waxaany warbixino ka dhegeysteen  masuuliyiinta goobaha ay diiwaangelintu .

WADA 5 WADA 1 WADA 2

Dhanka kalena Masuuliyiinta XIsbiga WADDANI oo shacabka  ku dhaqan Degmada Daarasalaam Faagare kala haddlay ayaa ku booriyey   in ay isdiiwaangeliyaa waxana kamid ahaa masuuliyiintii halkaas ka haddlay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodi-jeex  Md Siciid Bustaale Xoghayaha war-faafinta Xisbiga WADDANI Md C/rashiid Xasan Mataan Iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI,masuuliyiinta ayaa si isku  mid ah uga haddlay mihiimada ay leedahay diiwaangelintu codbixiyaayaashu iyo adkaynta amniga oo ay ku booriyeen shacabka reer Daarasalaam

WADA 6

Ugu damabayntii waxa madashaashii ka haddlay guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ahna ku simaha guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed,waxaanu ka haddlay mihiimada ay leedahay diiwaangelinta codbixiyayaashu,

 

 

COMMENTS
LINKS