Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Wadani Oo Noqday Mid ka leexday Ujeedooyinkii Xisbiga Iyo War la,aanta Hogaanka Sare, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garabka Dhalinyarada Ee Xisbiga Wadani Oo Noqday Mid ka leexday Ujeedooyinkii Xisbiga Iyo War la,aanta Hogaanka Sare,
May 24, 2016 - Written by Editor:

Tan iyo mudadii la doortay garabka dhalinyarad ee xisbiga wadani oo lagu soo dooraty shiwayne balaadhan, balse mudo kadib uu gudoomiyhii garabka dhalinyaradu iska casilay kadib markii ay xukumadu u gacan haadisay, ayaa waxaa hogaankii garabka dhalinyarada ku yimid tafaraaruq iyo xubno bilaabay in ay magacii xisbiga iyo milgihii uu xisbigu lahaa  u adeegsadaan dano shaqsi oo ku taxa luqa in ay noqodeen meel dad dano gaara lahi  u adeegsadaan meelaha ay wax ka tabanayaan in ay u isticmaalaan.

Hadaba maaha markii u horaysay ee xubno ka mid ah garabka dhalinyarada ee xisbiga Wadani ay dhaliilaan garabkan muhiimka u ah xisbiga, maadama xisbigu u taagan yahay nidaam qaran oo ka dhawrsoon in loo adeegsado dana gaara basle nasiib daro garabkan dhalinyarada ee xisbigu ku  mashquulaan fulinta dane kale oo mudooyinkii u danbeeyayba ay caadaysteen garabka dhalinyarada xisbiga Wadani.

nin la raadinayo

 

Sidoo kale xubnahan sifaha qaldan ee ka hor imanaya siyaasada xisbiga loo adeegsado uu hormud ka yahay afhayeenka garabka dhalinyarada,taasi oo shaki  ku abuurtay in guud ahaan dhaliyarada somaliland iyo kan taageerayaasha xisbiguba ku soo hiran karaan xisbiga wadani oo isaga ka xibi ahaan  dad badani u arkaan in uu yahay xisbi mustaqbal fiican leh oo guulwayn ka gaadhi kara doorashada soo socota runtiina sal ay u tahay dhalinyaradu balse hadii sidan u sii socoto guul daro ka dhaxli doono xisbigu kana dheer tahay guuli.

afhayeenka garabka dhalinyarad wadani

Afhayeenka garabka dhalinyarada ee xisbiga Wadani ayaa caadaytay fulinta dana kale,isagoo xiliyo badana weerar afka ah ku qaday dalada dhlinyrada somaliland ee SONYO, waxaanu shirkiisii jaraaid ee ugu danbeeyay uu dhaliilo aan waxba ka jirin ku weeraray maamulka kastamka madaarka Hargaysa ee wasaarada maaliyada, isaga oo afhayeenka xisbiga wadani uu u adeegsaday aflagaadooyin ay ka mid tahay  in uu  mukhalas ahaa oo isaga hore looga joojiyay shaqadii mukhalasnimo ee uu madaarka kaga soo cashuuri jiray alaabaha ganacsato uu dilaal u ahaa,waxaanay dhamaan afcaashan afhayeenka garabka dhalinyarada  ee xisbiga wadani ku dhaqmayaa lidi ku yihiin taageeradii xisbigu ka heli lahaa dhalinrada iyo bulshadaba.

Sikastaba ha ahaatee Waxaa laga warsugi doonaan talaabada ay ka qaadaan hogaanka xisbigu.

COMMENTS
LINKS