Fadeexadaha Isbarkan Ee Dulhoganaya Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Iyo Aqoonyahan ku Taliyay in loo Dhiso Taalo Sawirkiisu Ku yaal oo Astaan u Noqota Eexda , iyo Qaraaba kiilka Uu Caadaystay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fadeexadaha Isbarkan Ee Dulhoganaya Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Iyo Aqoonyahan ku Taliyay in loo Dhiso Taalo Sawirkiisu Ku yaal oo Astaan u Noqota Eexda , iyo Qaraaba kiilka Uu Caadaystay
May 30, 2016 - Written by Editor:

Aqoonyahan Ku Taliyay In Madaxwayne Ku Xigeenka S/land C/raxmaan Saylici  Loo Dhiso Taalo Sawirkiisu Ku Yaalo  Oo Astaan U Noqota  Eexda  Iyo Qaraabo Kiilka si   Mustaqbalka Loogu Xuso, FAALO!!!

HARGAYSA(Wajaalenews) Mudo Lix Sanno ah oo Madaxwayne ku Xigeenka S/land Eng C/raxmaan  C/laahi Ismaaciil [ Saylici ]Xilka Qaranka hayay waxaa Maalinba Maalinta ka danbaysa dhagaha Bulshada S/land buux dhaafisay Cabashada ka soo yeedhaysa Qaybaha kala duwan ee Bulshada S/land iyagoo ka cabanaya Eex  iyo Qaraabo Kiil Madaxwayne ku Xigeenka S/land C/raxmaan Saylici uu kula kacay qaar ka mida Saraakiisha iyo Madaxda Laamaha  Dawlada  isagoo si badheedha ugu kaca Sarkaalkan ka badal meesha oo ku badal Sarkaal kale oo Beeshayda  ka soo jeeda ku  Badel  .

Iyadoo Qormo kaliya  lagu soo koobi Karin Eexda Qaraabo Kiilka uu kula kacay Saraakisha iyo Madaxda Dawlada  S/land, waxaase  xusid mudan  Doorashadii Golaha Deegaanka ee Dalka ka qabsoontay 28/11/2012 Doorashadan oo Buddhig u noqonaysa  Eexda  iyo Qaraabo Kiilka uu Madaxwayne ku Xigeenka C/raxmaan Saylici kula kaco Bulshada S/land iyadoo Eexdii ,Faquuqii iyo Qaraabo Kiilkii uu kula kacay  Beesha Ciise  iyadoo  Dhibaatooyinkii ka dhashay ay sabobtay in ay  ku fashilanto Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Doorashada Kaliya ee ay qabatay .

Waxaa marag ma doona oo Bulshada S/land ka wada war haysaa Cabashadii buux dhaafisay  dhagaha Bulshada S/land ee  Guud ahaan Hogaanka Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta  Beesha Ciise  ay kaga Dareen celiyeen Eexdii iyo Qaraabo Kiilkii uu kula kacay Madaxwayne ku Xigeenka S/land  C/raxmaan Saylici ka dib markii uu  Duhur Cad ka faro maroojiyay Aqlabiyada Golaha Deegaanka Dagmada Saylac  oo Beesha Ciise lahaan jirtay ilaa Xoriyadii Lixdankii isagoo Awooda Dawlada iyo Xilka Qaranka uu hayo u adeegsaday in uu Eex iyo Qaraabo Kiil kula kaco Beesha Ciise  sidaana ay ku wayday Aqlabiyadii Golaha Deegaanka Dagmada Saylac ee Beesha Ciise lahaan jirtay inkasta oo waanwaan la galay Hogaanka Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beesha Ciise lagu qanciyay in ay dulqaadato .

Sidoo kale Madaxwayne ku Xigeenka S/land C/raxmaan Saylici waxuu ku guul daraystay in uu mideeyo Bulshada ku dhaqan Gobolka Awdal iyadoo Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Boorama iyo Gobolka Awdal u kala saaray Makaahiil iyo Maxamad Case isagoo soo  dhawaysta  haybta hoose ee Beesha Reer Maxamad  oo  uu gurigooda ku soo koray ,  iyadoo  Bulshada S/land buux dhaafisay  Cabashada ay ka Cabanayaan Eexda iyo Qaraabo Kiilka uu kula kaco Madxwayne ku Xigeenka S/land C/raxmaan Saylici .

Iyadoo Soomaalidu ku Maahmaahda [Mayd waxaa u danbeeyay kaa la sii sido ] Madaxwayne ku Xigeenkii S/land C/raxmaan Saylici waxuu ka badheedhay in uu Eex iyo Qaraabo Kiil kula kaco Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada isagoo ka badheedhay in uu ku tunto Milgaha Dawladnimo isagoo C/raxmaan Saylici ka badheedhay in Sarkaal mudo Sagaal Sanno ah ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo mudo Bill ahna Xillka hayay uu ku dhaartay C/raxmaan Saylici in uu ku  badalo Sarkaal Inaadeerkii  ah oo Maalmahan  uu ka soo badalay Ciidanka Qaranka S/land  hadiise uu joojin waayo dhaqanadan xun xun  ee uu Caadaystay C/ramaan Saylici ayaa noqonaya mid ka soo Tuuri doonta Salaanka Siyaasada .

Madaxwayne ku Xigeenka S/land C/raxmaan Saylici oo isagu  ku fashilmay xillkii uu Qaranka u hayay ka dib markuu ku guul daraystay in uu Mideeyo Bulshada Awdal oo dhalasho ahaan  ka soo jeeda isla markaana  ay  dul hoganayso  Fadeexado Eex iyo Qaraabo Kiil  ah oo uu kula kacay  Saraakiil iyo Madaxda Laamaha Dawlada oo ka soo kala jeeda Gobolada Dalka S/land.

Isku soo wada duuboo Eexda iyo Qaraabo Kiilka uu Caadaystay Madaxwayne ku Xigeenka S/land C/raxmaan Saylici ayaa mudan  in lagu Abaal Mariyo in loo dhiso Taalada Eexda iyo Qaraabo Kiilka si Mustaqbalka loogu xuso  .  iyo xusuusta taariikhada somaluland oo uu ka galayo baal madow

 

COMMENTS
LINKS