“DHIMASHADII SAFIIRKAYGA!”. W/Q.Sharcidoon Jimcaale Jaamac Muxumed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“DHIMASHADII SAFIIRKAYGA!”. W/Q.Sharcidoon Jimcaale Jaamac Muxumed.
May 26, 2016 - Written by Editor:

Hordhac :

Waa qoraalkii iigu horreeyey ee aan  qoro aniga oo indhaha is-ku-haya!. Dhegahana dhufaystay!.Qalbigana qalaalase iyo qiix iga baxayo. Jahwareerka dunidana aan kol ba dhinac ka jalleecayo.Ninkii is yidhaahdo wax u tar uu igu soo luggo’aa luggooyo dhabar-jab ah. Ma cid baa awooddi karta ba in ay iskeed wax iigu qabato? Maxaa sidan ii galay? Maxaan la ooyayaa, ee aan la aamusi kari laa yahay? Qadarka maanta i haystaa miyuu iigu  muuqda mid aan ku faraxsanahay imataankiisa? In farabadan Ayaan qaddarka laftarkiisa hiifayaa, se iimanka yar ee igu jira ayaa kolba qaddarka soo dhaweynaya. Hadda ba, haddii aad qoraalkaygan yar ee hoos ku xusan aad hoos ugu sii dhaadhacdo, waxa aad i la wadaagi doontaa ciil iyo caloolxumo aan muddo yar ku galin doona !. Waxa aan diyaar kuula ahay xabbad kiniinis ah, si aad ilmada is ka ga biiisid. Bes! Bes! Bas! Intaas oo keliyaata Ayaan ku gu Caawin karaa.

“Dhimashadii Safiirkayga! ”.

Luqun waliba waxa ay ku rakiban tahay kur yar  oo boodhobay. Falaadhaha cadceeddada ayaa si xun dul hoganaya kur kasta. Dhammaan kurarka meesha jooga way wada cawlan yihiin oo waxa aad mooda in ay habaas ku gelgelimaysteen. Kurkii mayal-adkaadayna xaalkiisu wuxuu ku danbeeyey hogasho.      Kur waliba Wixii uu afka iyo sanka ka qaadan lahaa ee hawo ah ayuu is ku dayey in uu nuugo. Kur waliba uu garanayaa sababta uu meeshan la Taagan yahay,  in hore oo badan ayuu bartan isa soo taagay.

Waxa dhinaca magalaada ka soo muuqday gawaadhi aan la tirin Karin badnaashiyo awgeed, waxa ay kala danbeeyaan in door ah, maadama ay wadadu raf tahay.  Xawaaraha ay ku soconayaan waa mid hoose.Waxa aan wareejiyey labadaydii indhood si aan u hubsado bal inta kurood ee sugaysa gawaadhidan soo luuddaysa. Kumaan guulaysan. Waxa aan wareer iyo walbahaar ka qaaday gaadhiga ugu soo horreeya ee ay hareero fadhiyaan kurarka faraha badani ee ay cadceeddu kulaalayso, se cidina ka nixi mayso, oo xaaladda ay ku jiraan ayaa wax walba oo dhib ah illowsiinaysa.

hadda ba, nolosha qalafsan ee qaawan ee ay ku jiraan kurarkaasi ayaa maskaxdayda dib u hayaamiyey xaalad aan ku jiray saddex iyo toban saacaddood ka hor. Naftaydu way diidan tahay in aan xasuusto, se awoodda xasuuseed ayaa ka tan badatay diidmadaaas.

Qaybta xusuusta ee maskaxdayda ayaa dib-u-hayaamisay aniga oo si habsami leh ugu dul goglanahay gogoshayda .buste-cas ayaan dhinac walba is ka ga jeeni qaaray. Abbaaro afartii iyo badhkii habeennimo Ayaan Madaxa dhulka dhigay. Niyaddaydu war dhiillo leh ayey sugaysaa. Haddana, waxa aan is ku illawsiinayaa gamali’ida, jiifxumada iyo gibil madoobaadka aan ku jiro. In yar markii aan suursanaa Ayaan dhagtayda bidix ka maqlay cod oohin ah, judhiiba maskaxdayda  ayaa go’aansatay in ay riyoonayso. Go’aankaasi wuxuu noqday mid ku-meel-gaadh ah oo dhagtii bidix ayaa  mar labaad maqashay cod qaylo oo ka dul baxaya “waar kac! Waar kac! Waar kac! Way ka baxdayee!”.

Wali waan jiifaa, bustihii casaana sidii Ayaan ugu jeeni qaaranahay. Aniga iyo gogoshiiba midkaayana  ma libiqsanayo. Kol niyadda Ayaan is ka lee yahay Allow riyo ka dhig. Haddana, xaqiiqda ayaa dushayda ka laalaada sidii qof la soo daldalay oo kale. Maskaxdayda ayaa dib u hayaamisay hawraaro aan xalay saq-badhkii kmaqlayey oo ku aaddanaa in aan berri gali doono mugdi.

War dhiilo ah oo la gu sheego adiga oo hurdo wax ka xanuun kulul ma jiro, jeer aakhirkiina  aad ku dhawaanaysid in uu wadnuhuba ku istaago. Qirsanaan iyo qeexitaan ka dib naftaydu waxa ay doontay in ay kor ku kacdo, se awood wey u yeelan weyday in ay go’aankaas fuliso. Gogoshii ayaa ku doodday in aan ku sii hurdo,sababna u ga dhigtay in aan muddo yar ku hurday oo aan ka ga baxay heshiiskii laba-geesoodka ahaa ee ahaa “ in aan gogosha ku hurdi doono muddo dhan lix Saacadood oo ka Bilaabanta afarta habeennimo ilaa tobanka subaxnimo”.

Dareenkayga iyo cabsida naftaydayda ku Jirta ayaa sababtay in aan heshiiskaas jabiyo. Lix talaabo Ayaan u qaaday qolkii ay oohintu ka soo baxaysay. Talaabo kasta oo aan qaado murugo iyo muusanow ayey ii ahayd. Mar kasta oo aan indhaha ku sii eego qolka furan ee aan ku sii socdo ciil iyo caloolxumo ayey ii ahayd. Gacan ba gacanta kale ayey ka gariir iyo qabow badan tahay. Lug ba lugta kale ayey dhaafaysaa iyadoon is ogayn. Jidhkaygu dhammaantiis uu baaxaddegayaa oo niyadda Ayaan is ka leeyahay Ilaahay waxan miyuu riyo ka dhigo.

Talaabooyinkii murada lahaa waa ay soo afmeermeen. Hal talaabo markii ay ii hadhsanayd ayey dhegahaygu maqleen codkii oohinta ahaa oo sii laban-laabmaya anna murugadii iyo anfariirkii ayaa igu sii laba-kacleeyey. Daf ayaan yidhi qolkii ay oohintu ka soo baxaysay, waa ba “Hooyo oo mayd ah! Hooyo oo mayd ah! Oo ay hareero fadhiyaan habar-yartay Shugri Jirde iyo walaashay oo hal walaal ka weyn yahay”.

Qolka agtiisa waxa ka ag qufacaya  walaalkaygii ka hor intii aanan xaqiiqsan geerida Hooyo ee aan hurday ii sheegay in ay Hooyo go’aday. Qufacaas waxa sabab u ahaa  candhuuf sas ka qaaday dhimashada Hooyo oo sii dhex hulluushay hunguri-cadka. Halkii ay hooyo jiiftay oo ahayd qolka dhinaca galbeed ka ga yaalla guriga ayaan daf u sii yidhi oo aan ag fadhiistay madaxeeda, aniga ku dhawaaqaya “Inallilaahu-Wa-inaa-Ilahayhi-Raajucuun”. Awooddaydu kaliyaata waxa ay noqotay in aan gacantayda dul saaro gacanteeda aniga oo tin iyo cidhib wada gariiraya. “gacantaydii gariiraysay iyo qabowgii qabowgii qabowgii  gacanta Hooyo ayaa I gu reebay xusuus aanan marnaba illoobi doonin. Rayn-rayn iyo farxad ayey ii noqotay marka aan xasuusto gacantii mayd ahayd ee iigu horreysay ee aan taabto in ay noqotay gacantii hooyaday. Markaasan intan yar ee hoos ku xardhan tiriyey:

 

Mar haddaan murugoodon u kaco gabay inaan                                                                                    Gaagaabiyo oon gadhka u galiyo  gayaankay.                                                                                                      Ma gabbado’e hadal wada runaan gole ka guraaxa                                                                          Waxaa aan u ga gol leeyahayna waan idin garansiine                                                                            Gumeystihii gayiga soomaaliyeed soo galay ee                                                                                       Gayiga qaatay nimankii gaaleeftiyo                                                                                                         La baxay gumaca guuxaaya                                                                                                                 Guubaabo hooyey qabeen geesi galinteede                                                                                           Gulufkii baxaaya ba hooyaa gooni’e u ahaaye                                                                                        Haddaan Hooyo jirin iga wallee libin                                                                                                            La gaadhan oo godka la ga soo baxeen.!

Haddana waxaan yidhi:

-Hooyooy adinadaada janada ku gal abidkaaye                                                                                      -Nimcada gurada kaa saran iyo naxariista lugahaaga                                                                            -Taalo gallada eebbe ku gu galladaystay galab qudha                                                                             -Ninkii hantiyaa abidkii ma iisho!

Haddana waxa aan yidhi:

          Farxadda noloshiyo ambaqaadka adduunka, hooyooy adigaa leh.                         Aayaddaha eebbe ku gu ammaanay, hooyooy adigaa leh.                                                                     Inkaaraha la aqbaliyo hadimada nolosho, hooyooy adiga leh.                                                           Axadkii ku caasiya cadaabtu arkaayo, hooyooy adigaa leh                                                                Dhabar lagu seexdiyo dhab lagu ciyaaro, hooyooy adigaa leh.                                                                                                    Isimkaaga aakhiro cidda lagu abtirsanaayo, hooyooy adigaa leh                                                                 Quruxdiyo jalaqsanaantan qabo, hooyooy adigaa leh                                                                         Diintaa suuban iyo islaamkaan qaatiyo, hooyooy adigaa leh                                                                            Eeebbow abaal uga dhig jannada wa’ad awooddaaye                                                                            Waar hooy!  Waar Hooy! Waar Hooy!                                                                                                                               Yaan la dhayalsan oo meel xun la ga ga tagin.

In yar markii aan ag fadhiyey Ayaan u kicitamay qolkii aan hurday oo dhinaca bari ka ga dherersan guriga; si aan u tukado salaaddii subax oo aan xalay ka seexday, maadama aan habeenkii oo dhan ku soo jeeday tii joojisay jidhkayga jalaqsan ee jajaban. Tukashada salaaddasi waxa ay ii sababtay in aan noqdo qofkii ugu horreeyey ee Hooyo ugu-dhex duceeya salaad-dhexdeed ka dib intii ay dhimatay. Is la jeernaasna dhegahayga waxa ku soo dhacayey hadalo dheeri-galin ah oo ka soo burqanayey  walaalkayaga noogu weyn “Yaanan maqlin cid barooranaysa  oo hoogayey ba’ayeey leh! Maanta waxa inoo ballan ah in aan  wax ba la gu qalin guriga”, arrinka danbe waxa si qarsoon oo hoose u biyo-diiday walaalkay oo ay saddex ka waaweyn yihiin iyo abtiyaashay.

In xilliga aaska wax la qalo waxa ka soo horjeeday walaalkayaga noogu weyn iyo sheekh Axmed iid oo ay Hooyo qaraabo-qansax yihiin. Sidoo kale, in xilliga aaska wax la qalo waxaa ayidsanaa walaalkay oo ay saddex ka waaweyn yihiin ahaana shakhsigii hawsha-isku-dabariday  iyo dhammaan abtiyaashay. Lafagurid iyo jilbo is galin ka dib waxa la qaatay in la gu raaco aragtidii ay aaminsanaayeen  curadkayaga iyo sheekh Axmed Iid oo ahayd “in aan wax ba lagu qalin guriga”. Dhinaca kale ayaa iyaguna aragtidoodii ay aaminsaanayeen ka ga tanaasulay in aanay maanta wanaagsanayn in hooyo oo mayd  ah la is ku dul qabsado ka dib markii ay arkeen sida uu dhinaca kale ugu ad-adag yahay aragtidooda-diimeed. shakhsiyan waxa aan aaminsanaa aragtida hore ee ah “in aan wax ba la qalin”, sidaas ayey ahayd sunnadii Rasuulka NNKH. Se dhinac na maan taageerin oo wali waxa aanan haysan aqoonsi rasmiya, laba iyo toban dowladdood oo waaweyn ayey dowladdaydu ugu yar tahay (Guri-danbays).

Inta aanay afka iyo gacantu is gaadhan ayuu gurigii isku beddelay goob ay murugo ka muuqato. Dhammaan albaabadii farxadda ayaa mid wali ba iskii is ku xidhay. Hortayda waxa ka furmay albaabkii tacsida oo muddo afar iyo labaatan sanno amar Alle ku xidhnaa. Waana markii iigu horreysay ee ay dhegahaygu maqlaan tacsi iga ga imanaysa qaraabo,xigto iyo asxaab ba.

Afar iyo tobankii bishii labaad, gu’gii 2016kii, maalin axad ah ayaa iigu horreysay xanuunka ay leedahahay rajaynimadu, xanuun kasta oo ku haya waxa ka weyn xanuunka Hooyo la’aanta.Dhimashada hooyadu waxa ay ku macaan tahay inta aanad garaadsan ee aanad aqoonta u lahayn hooyadu kaalinta ay ugu fadhido qoyska.

Il bidhiqsiyo ka dib gurigii waxa ku soo xoomay kumanaan-kun oo dad ah. Mar ba marka ka sii denbay waxa sii dhamanaayey dadkii meesha ku soo ururey ee aan garanayey. Mar kasta oo aan indhaha ku eego Dumarka faraha badan ee guriga ku soo qulqulaya; sidii daadka waxa aan sii xaqiiqsanayey in aanan riyo ku jirin ee aan soo jeedo.

Talo waa gacal iyo gacmahaaga’e, marka ay masiibo amma dhibaato kugu habsato cidda kuugu soo horreynaysaa; waa gacalkaaga iyo saaxiib-geelle. Gacalku qayb laxaad leh ayuu ka qaataa haddii ay dhibaato ku qabsato ugu horreyna waxa kuu soo gurmada waa gacalkaaga, taasna waxa innoo caddaynaysa oo marag u soo qaadanaynaa geeraarkii uu tiriyey ninkii la odhan jiray Good Fara-Dheere:-

-labadaada gacmoodiyo.

-garabkaaga wax yaalliyo

-gacalkii aad lahayd baa.

-gargaar kuug horreeyee.

-gurmadkiisa xigaale

-goor danbaa la helaaye.

Sidoo kale, saaxiibbaday waxa ay u  kala baxeen saddex qaybood, “Saaxiib-Hunguri”, waa saaxiibka marka aannu wada joogno igu yidhaahdo maanta shaaha ii shub amma qaadka ii qaad, kaas hankiisa saaxiibtinnimo ma dhaafsana hunguri. Ka labaadna waa “Saaxiib-Maraale”, waa ka marka ay masiibo ku dhacdo I soo xasuusta ee yidhaahda waar wax I sii masiibaa igu habsatayee. Kaasna hankiisa-saaxibtinnimo ma dhaafsiisna dhibaatada iyo dhalandhoolka haysta.

Ka saddexaadna waa “Saaxiib-geelle”, waa ka ugu qiimaha badan ee aad geel iyo geyraba isa siin jirteen, wax walibana idinka dhaxeeyey ee aad bawdyaha Dumarka uun kala lahaydeen. Taasna waxa innoo caddaynaysa murtidii ahayd:

maalintaad suranta ee                                                                                                                                  -ay sureerto naftaa                                                                                                                                           -saaxiibkii aad lahayd baa                                                                                                                           -sidka geela ku siiya e                                                                                                                                     -waxaad sii dhigatay                                                                                                                                                 -abaal weeye sugnaaday.

Shan iyo tobanka diimeed ee ugu waaweyn adduunka la gu ma hayo diin amma nidaam kale oo u tix-galiyey Hooyada sida ay diinta Islaamku u tix-galisay, iyadoo u aqoonsatay in ay tahay xubinta ugu mudan in loo sama-falo, isla jeerkaasna leh xaqqa ugu badan ee aan qofna gudi Karin. Maxaa yeelay? Hooyaday waxa ay ii soo martay dhibaatooyin badan oo ay kala kulantay calool-ku-qaaddidaydii, sidistaydii iyo xanuunkii ay kala kulantay fooshaydii iyo barbaarintaydii.

Diintayda Islaamku waxa ay aad iigu adkaysay iguna dardaarantay xaq-dhawridda iyo u sama-falida waalidkay, gaar ahaan hooyaday, iyadoo aayado iyo axaadiis badan aynu ka dheehan karno xaqqa waalidka iyo dhibaatooyinka ay hooyadu la kulanto. Xaqa Hooyaday ayaa aad loogu dul mariyey xaqqa aabbahay, sida ku cad suuratu luqmaaan-aayadda afar iyo tobnaad iyo suuratu Axqaaf-aayadda shan iyo tobnaad.

Masiibada dhimashada hooyadu waxa ay dib ii xasuusisay xadiisyo iyo aayaddo fara badan oo ku soo arooray xaqqa ay hooyadu leedahay, waxa aynu se soo qaadan doonnaa dhawr axaadiis oo ku soo arooray.

  • “ nin ayaa u yimid Nabiga-NNKH isaga oo waydiinaya “yaa iigu mudan in aan dadka u sama-falo?” Nabigu-NNKH waxa uu ugu jawaabay  “Hooyadaa”. Haddana ninkii wuxuu weydiiyey “Yaa ku Xiga”. Nabigu-NNKH waxa uu ugu jawaabay “Hooyadaa”. Haddana mar saddexaad ayuu ninkii weydiiyey  “Yaa ku Xiga?”. Nabiga-NNKH ayaa ugu jawaabay “Hooyadaa”. Ninkii ayaa mar afaraad ku celiyey “Yaa ku Xiga?”. Nabiga-NNKH ayaa ugu jawaabay “Hooyadaa”.

 

  • Nin ayaa u yimid Nabiga-NNKH isagoo ku leh “Rasuul Allow waxa aan rabaa in aan ka qaybqaato dagaalada ay qaadayaan ciidamada islaamku, marka waxa aan u socdaa in aad i la taliso”. “Nabiga-NNKH waxa uu ninkii waydiiyey inay nooshahay hooyaddii?”. Waxa uu ninkii ku jawaabay “Haa”. Dabadeed Nabigii-NNKH waxa uu ku yidhi “u sama-fal hooyadaa, jannaddu waxa ay hoos taala lugaheeda”.

U sama-falka hooyadu waxa weeyi wanaajinta la dhaqankeeda,, xaq-dhawrkeeda, maqal iyo dhago-nuglaanteeda, u furfurnaanta iyo u debecsanaanteeda, ku addeecida Wixii aan ahayn danbi iyo la socodsiinta Hawlaha aad qabanayso, xattaa haddii aad u baxayso arrimo kuu gaar ah waa in aad oggolaanshiyo ka heshaa.

 

  • nin ayaa ku dawaafayey/ku wareegayey kabcada, isaga oo dusha ku sida hooyadii oo uu dawaafinayo/la wareegayo, markaas ayuu Nabigii-NNKH waydiiyey “Rasuulkii Ilaahayow, ma guday xaqqeedii?”.  Nabigu-NNKH wuxuu u gu jawaabay “Maya! Xattaa maad gudin mid ka mid ah hinqashooyinkeedii”.

Xadiiskaasi waxaa uu innoo caddaynaaa in aan la gudi Karin xaqqa Hooyada haddii aad wax wal ba samayso. Waa kii abwaan Careys Ciise lahaa:

 

– Hantida aad leedihiyo,

– Wixii aad haabataa

– Haddii loo siiyo hibo

Hooyadu waa la ma huraan.

Halkaas ayey Soomaalidu ku caddaysay sama-falka aad u samayso hooyaddaa in aanad gudi Karin hal dhibic oo ka mid ah xaqqii ay ku gu lahayd.

Waxyaabaha aadka u la layaabka badan ee ay diinta islaamku ka ga duwan tahay diimaha kale ee dhex qotoman adduunka. Waxa weeyi in aad hooyadaa u sama-fashid marka aad kala diin iyo aragtid duwan tihiin, isaga oo Nabigu-NNKH farayey Asma Bintu Abu-Bakar in ay u sama-fasho hoooyadeed oo ay kala diin ahaayeen.

Hooyadu waxa ay leedahay xaqqa ugu badan ee uu qof leeyahay, ma na banana in la gu kaco fal aanay raali ka ahayn, xattaa haddii uu qofkaasi dan u arko falkaas. Marka uu qofku xaq-sharci ku gu leeyahay, ee ay meesha timaado qof ka xaq badan. Waxa meesha ka baxaysa xaqqa yar, waxana ku gu waajib noqonaysa in aad fuliso xaqqa badan.

Markii ay gawaadhidii soo gaadhay goobtii la ga sugayey ayey dhagahaygu maqleen  u baneeya! is ka eega! Soo dajiya!. Baabuurkii ugu horreeyey oo ah shaambo-xayraan ayaa dabada loo furay . Niman xoog waaweyn ayaa is ku xeeray dabadii gaadhiga ee la furay. Indhahayga oo shanta ah ayaa la ga soo dajiyey qof ku lebbisan kafan cad. Jidhiidhico iyo jahwareer ayaa jaahayga jug ku soo tidhi. Maydkaa kafanka cad ku lebbisan ee  shaambo-xayraanta la ga soo dejinayaa ee ay sidaan nimanka muruqdayadda waaweyni waa safiirad heer-caalami ah, oo muddo shan iyo kontan sanno ka shaqaynaysay is-ku-xidhka laba dawladdood oo kala aragti iyo siyaasad duwan dhinac walba marka la ga eego.? Qofkaasi karti intee leeg ayuu u yeelan karaa hawshaas? Iyada dabadeed, ma la heli karaa safiirad ku-sime ah, oo hawsha ka sii ambaqaada halkii ay iyadu ka ga tagtay? May jeclayn in ay iyadoo joojiso shaqadaas, se malaku-mawdka ayaa ka joojiyey!. Wa ayo tallow labada dawladdood ay ka dhex shaqaynaysay muddada dheer?.

Dhammaan dadkii oo dhammi waxa ay isku diyaariyeen hawsha hor taalla. Waxa la is ku habeeyey in iilka dhigta safiiradda caalamig ah,  in dhooqada qoysa, in jaajuunka soo gurda, in dhagaxaanta is ku soo dhiib-dhiibta iyo in ciidda ku rogta aakhirka. Waxa aan soo miyirsaday boodh samadaa u baxaya ! Mujarafaddo la kala boobayo! Ciid sida loo faraqayo aan meel na loo kala dayey. Markaan intaas oo dhan xaqiiqsaday ayaan yidhi:

-Hooyadu siddeeda ba

-Waa gacalladdeeniyo

-Boggeena weeyee’e

-Ha loo huro illinta

-Oo ha la gu rido iilka

-Waajib Alle  weeye!

dhegahayga ayaa si yar oo diciifnimo ah u maqlaya “waar ha illoobin lambarka xabaasha”, markaasu mid kale oo agtayda taagani u gu jawaab celinayaa “waar waa shan kun  siddeed boqol iyo shan iyo labaadan (5825)”. Markasta oo aan indhaha ku eego xabaasha hortayda ka qotoman, waxa ay maskaxdaydu werwer iyo walbahaar ka qaadaa halka ay ku danbayndoonta naftar  yar ee igu Jirta. Haddana waxa aan aad u ga xumahay sida dhibta yar ee ay dadku uga sii dareerayaan xabaasha. Miyey is ka ag fadhiyaan waligood ba? Maxay kaligeed u cidlaynayaan? Miyaanay gargaar u baahnayn? Ma nin baa hooyadii meel kaligeed ka ga tagi kara? Maxaa dhacay? Maxaa sababay? Meeyey  jacaylkii loo qabay? Waxaas oo dhan ba waxa is ku fuuqsaday Amarka alle oo ina farayaa in aynu sidaas samayno, markii aan intaas xasuustay Ayaan si ay ku jirto ciil iyo caloolxumo u ga hulluulay irridkii  xabbaalaha  Xeedho oo ku yaallay dhanka galbeed.

 

Dhammaad.

COMMENTS
LINKS