Dheelliga saami Qaybsiga Saaxil Waa Dhabar jab!. W/Q.Maxamed Siddii Dhamme | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dheelliga saami Qaybsiga Saaxil Waa Dhabar jab!. W/Q.Maxamed Siddii Dhamme
May 8, 2016 - Written by Editor:

Caddaalad daro iyo ceeb ugubaan u arkaa Maareeyaha wakaaladda biyaha Berbera xilka qaadistiisa loo cuskaday inuu la hayb yahay Hoggaamiyaha WADDANI. waxa mudan in qofka lagu ixtiraamo qofnimadiisa oo aan loo sibir saarin reernimda cidda siyaasadda ku jirta ee ay isku beesha yihiin. Aqoonbaan ku ogahay foolaadka seefta agnaanku sahayatay wakaaladda Berberina way tebidoontaa maanta iyo maalmo kale.

Cawaaqib xumada sidani waxay reebi kartaa eel siyaasadeed awoodda Kulmiye maaha inay umadda isku deegaanka ah u kala sadburiso. Saami qaybsigu waa seeska dawladnimadeena ku taagntahay hallaga noqdo oo hallaga daayo ku dirqiga colaada walalaha isku deegaanka ah.

Waa hubaal xaaji Axmed inaanu ogayn xaaladdo badan oo xiddida loogu siibayo wada degenaanta iyo dan wadaagta deegaanka Saaxil, taladeedana wax laga siin. Dadka ku xeeran ee talada xeedha ku jirta wadaaga hadba siday jantaanbay u jiidjidaan talada umadda cidda loo dhaarshay.

Xero ka saarka Cartan waa xafiiltan siyaasadeed, xil ka qaadistu haday ku abtirsato Xisbi hebel hoggaankiisad la haybtahay la mahadin maayo. Arrinkan waa in indho fayoow iyo aragti dheer lagu jeedaaliya, haddi xilkasnimo daro lagu bedelo qofka hawraarsan waa hal soo jireena haddase Cartan artintiisu ka fog taas. Deegaan wadaagta iyo ood wadaagta Alle iska weelay ee deegan ku wada nooli xaqa haysugu hiiliyeen oo halla sheego midhkaan la qaadan karin ee aan ku qaban isna ma qabtee gacallayaal haddi kale dhito meel taalay ahaan oo hadba mid ku dhacda.

COMMENTS
LINKS