Dhambaal Furan Oo Ku Socda Gudoomiyaha Maxkamada Sare Si Muglehna U Iftiimiyay Afarta Caqabadood Ee Ku Gadaaman In La Helo Garsoor Cadaalad Iyo Sinaan Bulshada Ugu Adeega | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhambaal Furan Oo Ku Socda Gudoomiyaha Maxkamada Sare Si Muglehna U Iftiimiyay Afarta Caqabadood Ee Ku Gadaaman In La Helo Garsoor Cadaalad Iyo Sinaan Bulshada Ugu Adeega
May 27, 2016 - Written by Editor:
 

Hargaysa(Wajaalenews)Mudo Shan iyo Labaatan Sanno ah oo S/land jirtay Sheekada Siyaasadu waa mid badan, Shaqada Dawlad iyo Shiciba la qabtayna waa mid yar, marka loo eego koboca iyo horomarka laga sameeyay dhanka Maamul Wanaaga iyo Garsoor Cadaalad iyo Sinaan Bulshada ugu adeega, Bulshada S/land waxaa badan inta Shilinka raadinaysa , balse inta Sharciga iyo milgaha Dawladnimo ilaalinaysa ama gaadhka ka haysaa way yar tahay Marka si dhaba loogu fiirsado qaybaha kala duwan ee Bulshada Madax iyo Mijo, Maamul iyo Dadwaynaba, Maalqabeeno iyo Madaxdhaqmeedo,Masuuliyiin iyo Muwaadiniin, Culimo iyo Caamo, Muruqmaal iyo Maskaxmaal, Muxaafidiin iyo Mucaaridiin, Mudanayaasha la doorto iyo Dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ah.

 

Waxaana hubaala in Shan iyo Labaatan Sanno oo S/land jirtay ay inagu adkaatay dariiqii loo mari lahaa in aynu ka gudubno Caqabadaha ku gadaaman Maamul Wanaagsan iyo Garsoor Cadaalad iyo Sinaan Bulshada ugu adeega. Waqtigu wuu is gurayaa waana markii ugu horaysay ee Hogaaminta Garsoorka iyo Bahda Cadaalada loo magacaabo Masuul Dhalinyaro oo Aqoonyahan ah waxaana loo baahan yahay in lagu garab galo Dadaalada dheeraadka ah ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare DR Aadan X Cali ugu jiro siduu uga midho dhalin lahaa in laga gudbo Afarta Caqabadood ee ku Gadaaman Maamul Wanaagsan iyo Garsoor Cadaalad iyo Sinaan Bulshada ugu adeega, oo kala ah :

Xurmaynta Sharciga iyo dhaqan galintiisa, Dabargoynta Musuqmaasuqa, Laaluushka, iyo Qabyaalada.

 

Sidoo kale waxaa hubaala hadii Gudoomiye Aadan X Cali lagu garab galin dadaalada dheeraadka ah ee uu u galay Horomarinta Bahda Garsoorka iyo Cadaalada oo Guubaabo Dareen Wadaniyadeed Xambaarsan lala garab joogsan, Waxaa hubaala in Milgaha Dawlanimo uu noqon doono mid sii Shiiqaaya. Iyadoo Cabashada Shacbiga ee ku jihaysan bahda Garsoorka iyo Maamulka Dawladu ay badan tahay, balse waxaa hubaala in Dhamaan Bulshada S/land ay koriyaan Dariiqana u xaadhaan qayb wayna ka qaataan Jiritaanka Caqabadaha ku Gadaaman in la helo Maamul Wanaagsan iyo Garsoor Cadaalad iyo Sinaan Bulsladhada ugu adeega .

 

Inagoo Aqoon iyo waayo aragnimo ka korodh sanayna talaabooyinkii ay qaadeen Xukuumadihii hore talaabooyinkaa ee dhanka Maamul toosinta ahaa oo aan midna lagu guulaysan waxan xusi karnaa Geeridii Marxuum Cigaal ka dib Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale wuxuu qaaday talaabo Garsoorka lagu hagaaajinayo waxaanu bedelay inta Garsoorayaashii iyo Kalkaaliyaashii Wadankoo dhan iyadoo Wasaarada Cadaaladu ka soo magacawday Bulshada Rayidka Garsoorayaal Cusub nasiib darese wax guul ah may keenin Talaabadaa Madaxwayne Daahir Rayaale uu qaaday iyadoo Cadaalad daradii halkii ay ka sii socotay, Inagoo dhacdadaa uga faa”iidaysanaynaa in ayna dadwaynuhu helayn Maamul Wanaagsan iyo Garsoor Sinaan iyo Cadaalad Bulshada u horseeda. Ilaa Bulshada S/land ay ka baxayaan heshiiska ay kula jiraan Afarta Caqabadood ee Cadawga u ah in lahelo Maamul Wanaagsan iyo Garsoor Cadaalad iyo Sinaan Bulshada ugu adeega, Iyadoo ay hubaal tahay in Bulsho Waynta S/land Macaamil xooganii ka dhexeeyo Afarta Caqabadood ee Cadawga u ah Maamul Wanaagasan iyo Garsoor Cadaalad iyo Sinaan Bulshada ugu adeega. Afarta Caqabadood lama yaqaano Qaybaha kala duwan ee Bulshada S/land kooxda heshiiska la soo gashay ama heshiiska kula jirta ee dantu ugu jirto , Lama Arag lamina Maqal Aduunyada dhamaanteed Bulsho Caadooyinkaa leh oo horomar ka gaadha dhanka Maamul Wanaaga.

 

Afarta Caqabadood ee ku Gadaaman Cadaalada Garsoorka iyo Maamul Wanaaga waxay inta badan Shacabka S/land Xanuunkeeda u dareemaan si Shaqsi-Shaqsi ama Koox= Kooxa marka Maamulka Dawliga ah ay uga baahdaan lama maarmaanka u ah nolosha Aadamaha.

 

Sidoo kale Afarta Caqabadood ee ku Gadaaman Cadaalada iyo Garsoorka iyo Maamul Wanaaga waxay u daranyihiin Danyarta , Naafada iyo Dadka Jilicdasan waxaan maqlaa oo aan arkaa Oohinta Dadwaynaha , waxaan ka warhayaa Boqolaalka Baqaha iyo Warwarka uu ku abuureen waxan la kulmay Dadka lagu Dulmiyay Hantidoodiina laga qaatay, Mar kale waxaan Arkayaa Bulshada ay dhibta intaa leeg ku hayaan oo Macaamil Wanaagsan la leh, Waxaase Hubaala in Madax iyo MiJo Qof kasta oo ku shaqeeyaa ama Gacan siiyaa aanu Waxba iskaga tirin Xuquuqda Aadamaha, Sidoo kale Dadka Afarta Caqabadood Gacan saarka la leh ma yaqaanaan Xaq iyo Baadil.

 

 

 

Inkasta oo marar badan ay Xukuumadihii S/land soo maray iyo Xukuumadan talada haysaaba si kooban iskugu dayeen in ay burburiyaan Afarta Caqabadood eek u Gadaaman Maamul Wanaaga iyo Bahda Garsoorka oo Cadaalad iyo Sinaan ugu adeega. Waxaa mar kasta ka Xoog Roonaada Hishiiska Bulsho waynta S/land Madax iyo Mijo kula jirto Afarta Caqabadood ee Cadawga u ah Bahda Cadaalada iyo Maamul Wanaagsan oo la helo iyadoo aan Arkay ama aan Maqlay Bulshada oo difaacaysa gaadhka ka ah jiritaanka Caqabadahan Bulshada S/land dhibta badan ku haya .

 

Dad badan oo kala Sheekaystay sidii Afarta Caqabadood loo Baabiin lahaa ayaa Aaminsan in ay Afyaqaanaan Heshiis la yihiin Dadka Dhaqaalaha Wadanku Gacantooda ku jiro ee Maalqabeenada ah Madaxda Qaranka iyo Madax Dhaqmeedka Magacyada la Xurmeeyo sita iyo ee Nolosha dabaqada sare iyo ta Dhexe ku jira isla markaana aanay Awood u lahayn in ay Baabiiyaan ama ay Burburiyaan Afarta Caqabadood eek u Gadaaman Maamul Wanaaga .

 

Inkasta oo Fikirkaasi jiro hadana Aragtiyo kale ayaa qaba in Danyarta Naafada iyo Dadka Jilicdasan ay ku taamayaan in ay afgaran lahayeen hadii ay ku Noolaan lahayeen Dabaqada Dhexe iyo ta Sare Mabdi,iyan ay Raali ka yihiin in ay la Macaamilaan Cadawga Maamul Wanaaga . Qaybtii 1AAD La Soco Qaybta Labaad

 

Qalinkii: Sacad Maxamuud Gadhle

COMMENTS
LINKS