Dhalinta Somaliland Ee U Olalaynaya Sidii Loo Joojin Lahaa Qabyalada Xadhkaha Goosatay, Waa Geesiyasha Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinta Somaliland Ee U Olalaynaya Sidii Loo Joojin Lahaa Qabyalada Xadhkaha Goosatay, Waa Geesiyasha Somaliland.
May 28, 2016 - Written by Wariye:

Waa xaqiiq jirta ah, in qabyaladu tahay AAFO qaran. Dalkuna burburayo haddii siyaasada iyo qabyaladu isku milman. Haddaba

Marka hore waxaan salamaya dadka Somaliland ee dulqadka badan. Marka xiga waxaan u hanbalyaynaya Gudoomiyaha Olalaha Qaran, Prof: Maxamuud Jaamac Xamdi, iyo 5000 (Shan-kun) ee dhalinta ah ee saxeexday Petition-ka Qabyalada lagu xakamaynayo.

Xukumada, Golaha Wakiilad, Golaha Guurtidu iyo Xusbiyada Qaranku ma ah dad dalkani danaynaya. Haddii ay dalka danaynayaan dhalinyaradu ma ay is abaabusheen, si ay wax uga qabtan qabyaladani iyo dawlada isku milmay. Kooxda dalka hogaaminaysaa waa qolo siday kursiga ugu sii fadhi lahaayeen ama kursiga ugu fadhiisan lahaayeen caqligoodu dhaafsiisnayn. Wax kasta oo kursiga ku gadhayan ku kacaya. Marka waxaan ku faraxsanahay in dhalintu awoodada muujiyeen una IS-TAGEEN Somaliland oo u olalaleeyan

si aafada qabyalda wax looga qabto. Waxaan idin ku dhiiri galinaya in aydaan niyad jabin, waayo waxaa dagal idinkaga hor iman doona kooxdan diidan wanaaga, waxaanay idiin arki doona dhalin yaro ka aqoon badan oo duulan ku ah shaqadooda. Waxay u arkaan, haddii qabyalada iyo siyaasada la kala saro in ay cidlo ku dhacayaan oo cidna waxba u diranaynin. Kooxdani waxay isku dayi doona in ay idin meer meeriyan, si aydun u niyad jabtaan. Lakiin, waa in aydun shir jaraa’iido qabatan oo dhalinta/dadka farta ugu fiiqdaan mudanaah ka soo horjeedsada rabataanka shacbiga. Waa inuu dadku ogaado qofka burburka Somaliland hormoodka u ah, ee dalkani cadawga u ah.

Waxaan mudo 10 sano ah qoraalo, teleconferences, iyo kulano aan ku qabtay dalka gudihiisa, aan dhalinta iyo dadka Somaliland ku guubaabinayay.  Mudada dheerna waxaan ka hadlayay sida waxa dalka ka qaldan loo saxi lahaa.  Sidii hab dawladnimo ay ummadani naftooda iyo maalkooda u soo hureen dalka looga hirgalin lahaa. Dadka dalkani hogaamiya muxaafid iyo mucaarkuba ma ah dad garaadkoodu meel fog gaadhsii san yahay. Waxaa kaliya ee fahman waa ME-FIRST ama ANIGA MAXAA II DANA, waa calooshada u shaqaystayaal aan fahmin waxa dawladnimadu tahay. Hadaba, waxaa guul ah in dhalintii ay maanta ay fahantay awoodada, oo U-Istageen sidii loo joojin lahaayeen qabyalada ku milantay dawladanimada.

Waa xaqiiq jirta ah, in qabyaladu tahay AAFO qaran. Dalkuna burburayo haddii siyaasada iyo qabyaladu isku milman. Haddaba, haddii aanu nahay Ururka Wadaniyiinta Somaliland ama URURKA DIB-U-HABAYNTA SOMALILAND (SOMALILAND REFORM),  waanu idinku tageersanahay hawshani aydun Qaranka u qabateen. Ururkani waxaa uu u olalaynayaa aragtani ah SOMALILAND FIRST (AMA SOMALILAND KOW), oo ah aragti ka turjimaya sidii habka dawladnimo loo saxi lahaa, oo qabyada looga sari lahaa, si dadku u wada yeeshan hantida iyo dawlada.

In badan ayaan qoraladayda kaga hadlay in QABYADU ahayd waxii burburiyay dawlada Somalia ee Afrikada madaw ugu xooga badnayd. Teeda kale, markii Somaliland iyo Somalia isku biireen waxay dhisteen dawlada la odhan jiray JAMUUHRIYAD SOMALI (ama SOMALI REPUBLIC) waxaa  qadatay habka dimuqradiya. Hadaba, qabyalad iyo musuq masaq ayaa galaftay dawladaasi. Markii dadku ka niyad jabeen siyaasiyiintii ay soo doorteen ayuu dhiigya cabkii Siyaad Bare uu xukunka kaga tuuray inqilab aanu dhiig ku daadan. Siyaasiyiinta Somaliland hogaamiya goob joog ayay ahayeen, dhibta Qabyaladu u leedahay dawladana waa u soo jeegeen. Lakiin iyaga waxaa u cad oo kaliya sidii ay Kurasida u xajisan lahaayeen ama u fuuli lahaayeen. Burburka dalka iyaga waxba kama galin, waayo midkastaba Baasaboor iyo lacag ku filan oo uu dalka kaga baxo way haystaan.

Dimuqradiyada waxay burburtaa marka dadku isdiiwan galin waayo oo dadku ka niyad jabo in doorasho wax ku badali karin. Marka dadka wanaaga iyo horumarka dalka raba codayn waayan, waxaa codeeya dadka xuman ka taliska ah iyo kuwa ‘TOLAAYEEYDA’ ku codeeya. Kooxda caqligoodu kursiga dhaafsiisnayna waa inta ay doonayaan. Taasina waxaa keenta dildilaaca qaranimada iyo burburka dalka. Haddaba, waxaan u arkaa in ay nasiib daro tahay in dadka badankiisu ayna isdiiwan galin. Waxaanan dhalin yarada aqoon yahanka ah kula talinaya in aydun dadka wacyi galisan, si dadka inta isdiiwan galisay u codeeyan.

Waa talaabo fiican in aydun olalihiina Qaranimo ka bilaawdeen sidii loo dabar gaynayo qabyalada.

Waayo dhalinta badankoodu way arkaysa in Qabyaldii xadhkaha goosatay, isla markana aan la isku wadi karin Qaran iyo Qabyalad. Haddii aan iminka la joojina, waxaa  meesha ka baxaya Qaranimada ama dawladnimada. Suldano iyo Caqilo aan waxna qorin waxna akhriyn ayaa dalka ka taliya. Iyaga ayaa soo xula Musharaxiinta Golaha Deganka, Golaha Wakiilada, iyo Madaxwaynaha. Dhalintii dalka wax u soo baratay ee Jamacada ka soo baxay cidna wax ma waydiiso. Marka in aydun is abaabushaan oo Qabyadlada la dagalanta, waa talaabo muhiim ah. Teeda kale, in KOMISHANKA DABARGOYNTA QABYALADA la sameeyo waa arin saxa. Lakiin, Qabyalad sharci laguma xakamayn karo, ama ‘YOU CAN’T LEGISLATE TRIBALISM’. Qabyaladu waa sida cancer-ka oo kale, marka uu cancer-ku galo xubnaha jidhka ee muhiimka ah, ayay dhibta ugu wayn gastaa. Qabyaladuna marka ay siyaasada gaasho ayay dhibta ugu wayn gaysata. Marka, waxaa loo bahan yahay in xeelad (ama strategy) wax laga qabto qabyada lala yimado.

Haddaba, Xusbiyada Qaranku waa meesha ay ka bilaabanto siyaasada, halka ay tahay in laga saro qabyaladu waa Xusbiyada Qaranka. Marka Beeli (ama Beelo) sheegato Xusbiyada Qaran ama marka shakhsi reer matalaya uu sheegto Xusbi Qaran waa burburka qaranimada.

Waxaa soo dhawnayna, sidaynu uga wada shaqayn lahayn sidii Xisbiyada Qabyalada ku dhisan u noqon lahaayeen Xusbiyo Qaran oo dhaba. Sidii Xusbiyada Qaranku u noqon lahayeen Xusbiyo ummadu wada leedahay. Sida daradeed, waa in Golaha Wakiilada laga olaleeyo si ay u dhamaystiran Xeer-14, si xeerkani loogu lifaaqo qodabada ka dhiman. Isla markana aynu ka wada shaqayno OLALAHA LAGU SAXAYO DAWLADNIMADA SOMALILAND EE AANU U BIXINAY SOMALILAND FIRST (AMA SOMALILAND KOW).

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!

OMAR A. YOUSUF

URURKA DIB-U-HABAYNTA SOMALILAND (SOMALILAND REFORM ORGANIZATION)

Omar Yousuf <slwadani@yahoo.com

COMMENTS
LINKS