|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda Iran Oo Daaha Ka Fayday Inay Diyaar U Tahay Inay La Heshiiso Dalka Sacuudiga.
May 22, 2016 - Written by Wariye:Dowlada Iran ayaa sheegtay inay diyaar u tahay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladooda iyo Boqortooyada Sacuudiga. “…Wadanka Sacuudiga wuxuu kamid yahay dalalka muhiimka ah ee dunnida Islaamka…”ayuu yiri Wasiirkan walow uu sii raaciyey inuu dowladiisa khalad u aragto go’aanadii horey uga soo baxay dhanka Sacuudiga ee xiriirka loogu jiray wadanka IRAN. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegamaya todobaadyo kadib markii wax natiijo ah kasoo bixi waayey kulan ay yeesheen Wafdi ka socday IRAN iyo dowlada Sacuudiga. Wafdiga IRAN ayaa u tagay Sacuudiga arrimaha Xajka iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka IRAN ee ku aadan nidaamka Xajka. Arrintan ayaa keentay in shaki la geliyo in sanadkan Xujayda IRAN ay tagi karaan wadanka Sacuudiga. IRAN ayaa sanadkii hore ku eedaysay dowlada Sacuudiga mas’uuliyad xumo kadib markii boqolaal kamid ah muwaadiniintooda ay ku dhinteen shilkii ka dhacay nawaaxiga magaalada Mina xiligii lagu guda jiray xajka. Hargeisa Office Related posts:Taliye Nuux Taani Oo Hambalyo Udiray Ciidamada Qaranka Jsl Xuska Sanad Guuradii 23aad Ee Aas Aaska C... Daawo: Faysal Cali Waraabe Oo Booqasho Ku Tagay Dugsiga Riis Oo La Sheegay In Ay Xukuumadu Iibinayso Daawo: Shacabka Magaalada Berbera Oo Saaka U Dareeray Codaynta Doorashada Madaxtooyada Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|