Dawlada Jabuuti Oo Ergo Usoo Dirtay Somaliland Iyo Ujeedada Safarkooga+Halka Ku Sugan Yihiin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Ergo Usoo Dirtay Somaliland Iyo Ujeedada Safarkooga+Halka Ku Sugan Yihiin
May 16, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)May.16,2016-Warar hor dhac oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in Dawlada Ismaaciil Cumar Geelle ee Djabouti ay Somaliland Ergo ahaan ugu soo dirtay Wafti uu hogaaminayo Mulkiilaha Shirkada Internetka ee SOMCABLE,Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi,waxaana la sheegay in Waftigaasi ay Dawlada Jabuuti u soo dhiibtay arimo badan oo iskugu jira Kuwo siyaasadeed iyo Kuwo ganacsi oo labadal ay wadagaan oo uu dhaawac Culusi soo gaadhay.

Illo-Wareedyo Waftigan la xidhiidha oo Wargeyska Foore helay ayaa tibaaxay in Waftigaasi Doraad galinkii dambe ka ambaxay Magaalada Jabuuti islamarkaana u jahaystay Dhinaca Magaalada Dubai ee Iskutaga Imaaraatka Carabta halkaasi oo ay wakhtigaasi ku sugnaayeen Waftiga uu hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo oo hawlo shaqo wadankaasi ku joogay. Lama hubo inay Labadan Wafti isku heleen Magaalada DUBAI oo ay kulmeen iyo in kale balse sida warbixinta soo gaadhay Wargeyska Foore ay sheegayso,Habeen hore ayay labada Wafti u wada dhaxeen Magaalada Dubai,waxaana Barqonimadii Shalay ka soo ambabaxay Dubai Waftiga Madaxweyne Siilaanyo oo Shalay Soo gaadhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Warar lagu kalsoon yahay oo Xalay naga soo gaadhay Magaaladda Jabuuti ayaa daaha ka rogay in ujeedada Waftigan loo soo diray ay salka ku hayso laba arimood oo si gaar ah u taabtay Dalwada Jabuuti kuwaasi oo kala ah Xadhigga Internetka ee Cable ee Shirkada Telesom soo jiidayso,kaasi oo la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo u saxeexay iyo Galaangalka dhinaca Ganasiga ee ay Somaliland la abuuratay Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo la sheegay in uu door weyn ku lahaa fududaynta heshiiska hor dhaca ah ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu la yeelatay shirkadda DP World, waxa kale oo sida la sheegay Waftigan Madaxweyne Siilaanyo loogu soo dhiibay sida uu u arko qaabkii loo maamuusay Xafladdii Caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti oo Waftiga Madaxweyne Siilaanyo si weyn uga biyo diideen inkasta oo ay aamusnaan kaga soo dhoofeen halkaasi.

Xidhiidhka Somaliland iyo Dalka Jabuuti ayaa mugdi badan galaya kadib Markii ay soo baxeen xogo tibaaxaya in Shirkadda Is-gaadhsiinta Internetka ee Cable oo Jabuuti innooga timaad culays weyni soo food saaray kadib markii kambaniga weyn ee TELESOM heshiis uu la galay dalka Itoobiya lagu soo dhex marin doono Somaliland khad Isgaadhsiineed oo Internet ah oo Cable ah kaasi oo qaybta Somaliland ay TELESOM qaadatay soona mari doona Marin biyoodka Berbera una gudbi doona dalka Itoobiya.

 

Source:Ramaasnews

COMMENTS
LINKS