DAAWO;Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo kormeer ku soo Maray Degmada Laasgeel +SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo kormeer ku soo Maray Degmada Laasgeel +SAWIRO
May 5, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi iyo Wafti u balaadhan oo uu  hogaaminayo  kana kooban xukumada iyo xisbi xaakimka kulmiye oo ay ka mid yihiin Mareeyaha Arimaha Cawimada WFP Saciid Xasan Cabdilahi  , Badhasab Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jex, Cuqaal, Odayaal iyo Xubno ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa kormeer ujeedadiisu tahay sida ay usocoto diwaangalinta codbixiyaashu kusoo maray degmada lasgeel iyo deeganada hoos yimada si ay u so indho indheeyan habsami socodka howlaha diwaan galinta doorashoyinka ee ka socda gobolka maroodi jeex.

 WASIIR KUXIGEN 4 ww

Waftiga oo socdalkoda ka bilaabay tuulada dararwayne waxay la kulmeen madaxda tuulada, cuqaasha iyo odayaasha degaanka waxayna waftigu ku dardaaren dhamaan dadka degaan degaanka in si hufaan ku jirto u gutan wajibadka qaranka ka saran oo ay isdiwaan galiyaan isla mar ahaanta waftigu waxay u Kuur galeen siday u socoto howsha ay gacanta ku hayaan komishanka qaranku iyo  hubiyna in ay jirto wax cilad ah oo u baahan in wax laga qabto.

https://youtu.be/SijOSApgAOg

WASIIRKUXIGEENKA XANAANADA 1 WASIIRKUXIGEENKA XANAANADA 2

 waxa kale oo ay taageero balaadhan ka gaysteen in isku socodka bulshada oo xanibnaa la gaadhsiiyo gawaadhi soo fududeeya iyo weliba in laga caawiyo adeega daruuriga ah madamo degaanada dooxyadu ku badan yihiin isla markaana ay daadad kala xidheen

Waftigu wuxuu si watay socdalkiisa wuxuuna cagta so mariyey Xunbo wayne, Jaleelo, Booclay, Alaalacadka, Dheenta, Dhubato iyo Dacar budhuq dhamaana waxay ku dardaareen shacabka ku dhaqan degaanada in  dardar galinta howlaha isdiwaan galinta iyagoo dadka si adag ugu adkeeyey mihiimada ay leedahay isdiwaangalinta codbixinta doorashooyinka waxanay u qabteen

sidoo kale  waxay shirar gooni gooniya uqabteen waxgaradka iyo cuqasha deganada kasoo jeeda si kor loogu qaado hawlaha isdiiwan gelinta

WASIIRKUXIGEEN 6

 Waftigu inti u ku jiray kormeerkiisa wuxuu wax ka gaysteen baahiyaha yaalay dhamaan tulooyinka hoos yimada degmada Laasgeel waxayna ugu deeqen  gaadid dhan 16 baabur oo xoojiya soo gurida dadka ka fog meelaha la dhigay sanduuqa diwaan galinta waxay kalo gacan ka gaysteen waxyaalaha  kale ee looga baahanaa  tulooyinka ee ka qayb qaadanaya howlaha diwaan galinta

 

Dhamaan tulooyinka ay waftigu mareen waxa si wacan ugu socotay diwaan galinta iyado madaxda ku dhaqan tulooyinkasi ay madasha ka sheegen in tirade isdiwan galisay ay aad u sarayso waxa kaloo wax lagu farxo ah in bulshadu si aad u qiimo badan isu diiwan geliyeen

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS