“Calaa kulli Xaal Madaxwayne Silaanyo Waa Inuu Qoorta Ka Guraa Wasiiradiisii Sii Hor Cararayay”Mujahid Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Calaa kulli Xaal Madaxwayne Silaanyo Waa Inuu Qoorta Ka Guraa Wasiiradiisii Sii Hor Cararayay”Mujahid Cali Guray
May 13, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)May.13,2016-Gudoomiye ku xigeenk saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID mujahid Cali guraya aya ka hadlay meeqaamkii dawlada jabuuti usoo dhawaysay madaxwaynaha Somaliland iyo wafitigii uu hogaaminayay ee ka qayb galay caleemo saarka madaxwayanah jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Mujaahid Cali Guray ayaa madaxwaynaha ugu baaqay inuu talaabo cad ka qaado wasiiradii la socday waftigiisa oo uu ku tilmamay inay noqdaan kuwii soo hor ogaadaa meeqamki loogu talo galay in lagu soo dhaweeyo waftiga somalilnd kasoo kicitanta balse ay arinkaasi gabeen.

Mujaahid Cali Guray oo qoraal  ku baahiyay barta uu ku leeyahay baraha ay bulshadu ku kulanto ayaa u dhignaa sida tan.

“Calaa kuli xaal Madaxwayne Silanyo waa inu qoorta ka guraa wasiiradiisii sii hor cararayay waayo iyaga ayay marka hore ahayd inay sii ogyihiin hab.maamuuska lagu qaabili doono mise waabay ogaayeen ee waxay ahayd sabotage shirqool. Runtii lama dafiri karo waxa meesha ka dhacay inu ahaa bahdalaad, xaqiraad, iyo sharaf dhac. Axmed Silanyo wuxu doono ha noqdo lakiin inu madasha lagu bahdalay isagu ahaa Madaxwaynaha lagu soo doortay sida ugu dimuqraadisan ee xor iyo xalaasha ahi inu isaga laftiisa ahaa la iskuma hayo. Xasan Sheekh u kac oo u sacab tun may qabanayn ilaahay hortii. Waxa ka fiicnayd in aan laba soo casumin ama uu ka cudur daarto inu ka qaybgalo,Laakiin ha la yaabin laxiba shilalkay is dhigto ayaa lagu qalaaye. Hadaad adigu is ixtiraami waydo cid kalena ha ka filin inay ku ixtiraanto wax aan intaa ahayn oo dhacayna ma jirto”Sidaas ayay u dhignayd qoraalka mujaahid Cali Guray.

 

COMMENTS
LINKS