18 May Maalin Qaran Oo Lagu Qayiray Xuskeeda Xaflado Qosol ku Jaba. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
18 May Maalin Qaran Oo Lagu Qayiray Xuskeeda Xaflado Qosol ku Jaba.
May 1, 2016 - Written by Editor:

Dhamaan waxan halkan ka salamaya si xishmadi ku jirto bulsha waynta reer somaliland gaar ahaan shaqalaha iyo hawlwadeenada sharafta leh ee shabakada wajaale news.

 Bacda salaan Waxaan jeclaystay inaan yara iftiimiyo aragtidayda yaree gabana ka dhiibto. Arimo mihiima oo  in hoos loogu eego aragti caafmad qabta ubaahan. Arintaasi oo sanad walba taagan imikana hawlgalkeeda lagu gudo jiro. Sidaynu wada ognahay waxa fooda inagu soo haysa maalintii maalmaha inooga mudnayn ee qaranimadeenanu ku suntanayd.

Maalintii gooni isku taaga somaliland 18may  oo aynu ka wada dharagsanahay qiimaheeda iyo waliba taariikhdeeda.Waxaana fooda inagu soo haysa dabaal dagii sanad guuradii 25aad ee kasoo wareegta gooni isku taaga somaliland. Marka la eego mudada intaa leegna si isku mida loogu diyaar garobayay waxa kaliya ee ay ku kala duwanayeena ay ahayd marxaladaha,wakhtiyada iyo isbadalada siyaasadeed ee dastuuriga ah ee ay soomartay taaso wakhti waliba waayihiisa xambaarsanaa, hadaba  mayna ahayn in wakhti xaadirkan si ka horumarsan oo ka casrisan loo xuso. Waayo waxa sanad walba ku baxa muruq,maal iyo waliba maskax.hadana waxa kaliya ee milinta laga faa,iido ama lagu xasuusta ay tahay sawirada iyo muqaalada quruxda badan ee calanka iyo ubaxa wadanka ee sida qiirada iyo hagarla,aantu ku dheehan tahay ku xusaya, waxaana xusitaanka maalintani si gaara u faa,iida goobaha ganacsi ee sida. Dawaarlayasha,tukaamada dabacada calamada,hudheelada.

Waxaa kaloo ayaan daro ah ama gaf wayn ah ee cidina ka dareen celin ama aan la dareen sananayn kalimatull tawxiidka maalinta xuska lagu jiro la gaynayo meelo aan ku haboonayn sida hudheel macsi music lagu tumanayo. Oo ay huwanyihiin dumar iyo caruur ilawsan kalmada ku qoran calankani culayska iyo muhiimada ay leedahay, waxana loo baahan yahay inay muwaadininta iyo xukuumada gaar ahaan wasarada diinta iyo awqaaftu iska kaashadan bararujinteeda. Kana digtoonadan falka noocasa lana wacyi galiyo shacabka.

goobaha ganacsigana ay iska kaashadan inaan kalimatul tawxiidka lagu dabacinba calamada melaha xafladaha lala tagayo. Lagana digtoonado.

Hadaba markaynu ogsoonahay in xusaska noocas ah dhalanyarada la majara hababiyo marka ay timaado.

Miyayna ahayn in wax laga badalo taas oo lagu badalayo waxqabad muuqda oo iska wax u qabso ah ama lagu dhisayo goobo waxbarasho,caafimaad ama hanoqoto wado halbawla ah oo maalinta muwadiniintu dhismaheeda ka wada qayb qaadanayaan haday tahay farsamo amaba ha noqoto maal, dawladuna ayna ka maqnayn oo ay la garab istaagayso maamul iyo jihaynta fikirada noocan ah ee dal iyo dadba wax ku oolka u ah bulshada noocyadeeda kala duwan.

Hadii fikirkaas ay yartahay suurta gal nimadiisu ama ay jiraan fikrado ka wanagsan mayna umada dhan ee intaa leeg ku jirin wax soo jeediya barnaamiijyo faaiido badan yeelan kara oo maalintaa xafladaha iyo xuska qiirada mooyee anfaca ka madhan lagu badali karo. Laguna sameeyo wax malintaas gudaheeda lagu fulin karo,

Xukumada iyo madaxda qaranka waxaan kula dar daarmayaa inay maalintan qaran ee qiimaha ugu fadhida qaranka  ay ku jiheeyan qorshe wax tar ugu fadhiya bulshada

Somalilandna way ka qaalisan tahay iyada iyo maalinteeda qaranba inay ku bilaabanto xaflad xafladna ku ee kaato.

       Wa bilaahi tawfiiq

Qore. c.raxman Axmed Jamac (Awal )

COMMENTS
LINKS