Xildhibaanad ka Tirsan Barlamaanka Somaliya oo Hargeysa u Timid Arrimo Qaranimada Somaliland Dhawacaya Iyo Mooganaanta Xukumada Siilaanyo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaanad ka Tirsan Barlamaanka Somaliya oo Hargeysa u Timid Arrimo Qaranimada Somaliland Dhawacaya Iyo Mooganaanta Xukumada Siilaanyo.
April 3, 2016 - Written by Editor:

Xukumada Somaliland ayaan wali ka hadal socdaalka  Xildhibaanadaasi Madama Sharciga Somaliland uu dhigayo in Masuuliyiinta Xilalka ka haya Somaliya aanay dalka soo gali Karin

Hargeysa(Wajaalenews) Xildhibaan  Khadiija Maxamed Diiriye oo ka tirsan Barlamaanka wadanka aynu jarka nahay ee Somaliya isla Markana Xilal kala duwan oo Wasiirnimo ka soo qabtay wadankaasi  ayaa Maanta  soo gaadhay Magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay in ay ka soo kicitantay magaalada Muqdisho, Warar hoose oo wargeyska Waaheen helay ayaa sheegaya in Xildhibaanad  Khadiija oo Aamin san Mabda Somaliweyn balse Asal ahaan ka soo jeeda Somaliland,  uu ujeedada safarkeedu uu ku qotomo sidii Haweenka Somaliland gaar ahaana kuwa Ururada Bulshada ugala hadlilahayd Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay ka dhacaan Somaliya ee Madaxweynaha iyo barlamaanka sidii haweenka ka soo jeeda Goboladani saamigoodii uga helilahayeen.

Xukumada Somaliland ayaan wali ka hadal ujeedada ay u socoto Xildhibaanadasi Madama Sharciga Somaliland uu dhigayo in Masuuliyiinta Xilalka ka haya Somaliya aanay dalka soo gali Karin, Balse Warar kale ayaa sheegaya in Xildhibaanadu ku soo dhex dhuumatay Arrimaha Abaaraha ee ka jira Somaliland.

Xukumada Somaliland ayaa dhawr jeer hore xidhay Xildhibano iyo Masuuliyiin kale oo Somaliland si qasoodi ah ku soo galay kuwaasi oo ka yimid waddanka aynu jarka nahay ee Somaliya.

COMMENTS
LINKS