XADHIGII “UFFO” & DO0RKII FAYSAL CALI WARAABE “ QORMADII 4 ” Taariikh Sugan” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XADHIGII “UFFO” & DO0RKII FAYSAL CALI WARAABE “ QORMADII 4 ” Taariikh Sugan”
April 16, 2016 - Written by Editor:

Qormadii # 2 & 3  waxaan ku iftiimiyay   qaabkii iyo ujeedooyinkii uu  General Gaani jeelka Xamar uga soo saaray Eng.Faysal Cali Waraabe oo u xidhna wax-iswaydaarin & Xatooyo.  Eng Faysal wuxuu yimid Hargeisa  July ,1981 waxaanu markiiba ku dhaqaaqay  inuu ka shaqeeyo habkii uu isagu xidhilahaa  “UFO” iyo   General Gaani  &  Daahir Ciid oo ahaa Taliyihii ciidamadii HANAGASHTA . Waxaan halkan ku iftiimin doona Ujeedooyinkii UFF0 & XUBNAHII HORMOODKA ka ahaa. Qormada # 5 waxaan kaga sheekayn doona shirkii ugu  horeeyay ee Eng Faysal   Cali Waraabe ku wanjalay  halgamayaashi UFF0, August,1981. Kulankaas oo ka dhacay guri ku yaallay “Xaafada Shidka” ee ku qabsan Dugsiga Sheikh Bashiir, Hargeisa.

B). UJEEDOYINKA  UFO VOLUNTEERS.

U.F.O Waxa ku bahoobay aqoonyahano, ganacsato iyo dhalinyaro isku hadafa, yoolkooduna wuxuu ahaa horumarinta iyo kaabida baahiyaha  asaasiga ee Hargiesa.  Ururka U.F.O  muu lahayn  xafiis, xeer-hoosaad, maamul iyo ujeedooyin qoran. Dadka qaarkii waxay u yaqaaneen R.U.D.M “Ragga U Dhashay Magaalada”

Waxay ahaayeen samo-falyaal waqtigooda iyo maalkooda u huray horumarinta dalkooda . Waxay taageero ka heli jireen ganacsatada  iyo hay’ad  Jarmal oo la odhan jiray  – Germany Emergency Doctors”GED” .Waxaa hogaankii hay’adaas Dr.R. Nuedeck uu ogolaadey inuu qalabeeyo Hargeisa Group Hospital oo uu keeno   sariiro, generator, dhakhtarka caruurta (Pediatrician), dhakhtarka ilkaha(Dentist),dhakhtarka suuxdinta (Anesthesiologist). Xubnaha UFO waxay  gacmahooda  ku nadiifiyeen kuna xaadeen cisbitaalka guud,iyo Cisbitaalka  TB ee Hargeisa. Taliskii Siyaad Barre waxuu u arkay  xad-gudub iyo shaqadii dawladda oo faro-gelin lagu sameeyay. Waxay ay u fasirteen kicin dadwayne iyo abuuritaan xasilooni darro.  Sidaa awgeed, waxay go’aan ku gaadheen inay ka hortagaan oo damiyaan dabka qiiqaaya, waxaanay u adeegsadeen Eng Faysal Cali Waraabe iyo rag kale .

C). HORMOODKA “ UFO”

“U.F.O VOLUNTEERS ” way badnaayeen oo halkan kuma  soo wada koobi karo. Qormooyinka danbe   ayaan ku sheegi doona magacyada iyo xukunkii ku dhacay  28 kii eedaysane ee la  hor-keenay Maxkamdda Badbaadada  Qaranka  ee Hargeisa  28th Feb,1982 .Balse, waxaan hoos ku soo qaadanyaa 3 xubnood  oo kala ah: Prof. Axmed Jabane oo ah xubintii ugu horeesay ee la xidhay 2nd November, 1981 ,  Eng  Maxamed  Baroud oo ahaa xubintii labaad ee la  xidhay 4th November, 1981 iyo  Aqoonyahan Axmed Xussein Caabi oo uu gurigiisa uu ka dhacay shirkii August, 1981 . Shirkaas waxa soo qabanqaabiay Eng Faysal Cali Waraabe , hadafkiisuna   wuxuu ahaa  inuu wadashaqayn  ka dhex-abuuro U.F.O iyo Taliska Siyaad Barre.

1). Muj Axmed Dhabacuul “ Jabane “,1951,  wuxuu ku dhashay magaalada Beerato, Gobolka Daadmadheed . Wuxuu ka qalinjebiyay  lafoole University 1976 , waxaanu bare sare ka noqday 1st July, Secondary School  , Hargeisa, kana noqday   Vice-Principal. Waxaa aad loogu kulmi jiray guriga Axmed (Jabane) oo ku yaaley guryaha Indiya-laynka.Furaha waa la haystay .Hadduu joogo iyo hadduu maqan yahayba wuxuu ahaa guri u furan dhalinyarada magaalada ee halgankaa ku jiray. Axmed Jabane wuxuu wax ka qori jiray, qaybin jiray ,soona saari jiray “joornaalka UFFO” . Waxa  caawin jirtay Xaaskiisa Caasha Xussein Qowdhan oo ka shaqayn jirtay wakaaladda “FAO “ .

  1. Muj Maxamed Barood Cali ,1950, wuxuu ku hoos-dhashay geed lagu magaacbo “Weerane “ oo  ku yaalla Magaalada  Awaare, Ethiopia.Wuxuu ka baxay Sheikh Secondary School ,June, 1970, tacliinta sarena wuxuu kusoo qaatay  London University, 1977, B.SC Geology & Chemistry. Wuxuu madax ka noqday Warshadii Pepsi Cola, Hargeisa.. Wuxuu  wax ka qori jiray, qaybin jiray soona saari jiray “Joornaalka UFFO” , waxaana caawin jirtay Xaaskiisa  Marwo Ismahan Adan Qormeeye.
  2. Muj Axmed Xussein Caabi, 1949,wuxuu ku dhashay Hargeisa. Wuxuu ka baxay Sheikh Secondary School June, 1969, waxaanu shaqo ka bilaabay Grindlays Bank Hargeisa ,markii danbena waxa loo bedelay Somali Commercial Bank, Mogadiscio. Axmed Hussein wuxuu ka mid ahaa xubnaha fir-fircoon ee ka qayb qaatay halganka UFO. Wuxuu kasoo jeedaa qoyska Reer Abtiga u ah  ,Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa gurigiisa oo ku yaalay xaafadda Shidkha ee Hargeisa lagu qabtay shirkii ugu horeeyay  uu soo  qaban-qaabiyay Eng Faysal Cali Waraabe, August, 1981  “Ramadaan  “.  Xubnaha kasoo qayb galay shirkaas waxa ka mid aha Eng Maxamed Baroud, Axmed Xussein Caabi, Faysal Cali Waraabe, Axmed Jabane iyo qaar kale.’It was the first mission of Faysal”

 

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

yhoodo@yahoo.com

COMMENTS
LINKS