|
|||||
WAJAALE NEWS
XADHIGII “UFFO” & DO0RKII FAYSAL CALI WARAABE “ QORMADII 4 ” Taariikh Sugan”
April 16, 2016 - Written by Editor:Qormadii # 2 & 3 waxaan ku iftiimiyay qaabkii iyo ujeedooyinkii uu General Gaani jeelka Xamar uga soo saaray Eng.Faysal Cali Waraabe oo u xidhna wax-iswaydaarin & Xatooyo. Eng Faysal wuxuu yimid Hargeisa July ,1981 waxaanu markiiba ku dhaqaaqay inuu ka shaqeeyo habkii uu isagu xidhilahaa “UFO” iyo General Gaani & Daahir Ciid oo ahaa Taliyihii ciidamadii HANAGASHTA . Waxaan halkan ku iftiimin doona Ujeedooyinkii UFF0 & XUBNAHII HORMOODKA ka ahaa. Qormada # 5 waxaan kaga sheekayn doona shirkii ugu horeeyay ee Eng Faysal Cali Waraabe ku wanjalay halgamayaashi UFF0, August,1981. Kulankaas oo ka dhacay guri ku yaallay “Xaafada Shidka” ee ku qabsan Dugsiga Sheikh Bashiir, Hargeisa. B). UJEEDOYINKA UFO VOLUNTEERS. U.F.O Waxa ku bahoobay aqoonyahano, ganacsato iyo dhalinyaro isku hadafa, yoolkooduna wuxuu ahaa horumarinta iyo kaabida baahiyaha asaasiga ee Hargiesa. Ururka U.F.O muu lahayn xafiis, xeer-hoosaad, maamul iyo ujeedooyin qoran. Dadka qaarkii waxay u yaqaaneen R.U.D.M “Ragga U Dhashay Magaalada” Waxay ahaayeen samo-falyaal waqtigooda iyo maalkooda u huray horumarinta dalkooda . Waxay taageero ka heli jireen ganacsatada iyo hay’ad Jarmal oo la odhan jiray – Germany Emergency Doctors”GED” .Waxaa hogaankii hay’adaas Dr.R. Nuedeck uu ogolaadey inuu qalabeeyo Hargeisa Group Hospital oo uu keeno sariiro, generator, dhakhtarka caruurta (Pediatrician), dhakhtarka ilkaha(Dentist),dhakhtarka suuxdinta (Anesthesiologist). Xubnaha UFO waxay gacmahooda ku nadiifiyeen kuna xaadeen cisbitaalka guud,iyo Cisbitaalka TB ee Hargeisa. Taliskii Siyaad Barre waxuu u arkay xad-gudub iyo shaqadii dawladda oo faro-gelin lagu sameeyay. Waxay ay u fasirteen kicin dadwayne iyo abuuritaan xasilooni darro. Sidaa awgeed, waxay go’aan ku gaadheen inay ka hortagaan oo damiyaan dabka qiiqaaya, waxaanay u adeegsadeen Eng Faysal Cali Waraabe iyo rag kale . C). HORMOODKA “ UFO” “U.F.O VOLUNTEERS ” way badnaayeen oo halkan kuma soo wada koobi karo. Qormooyinka danbe ayaan ku sheegi doona magacyada iyo xukunkii ku dhacay 28 kii eedaysane ee la hor-keenay Maxkamdda Badbaadada Qaranka ee Hargeisa 28th Feb,1982 .Balse, waxaan hoos ku soo qaadanyaa 3 xubnood oo kala ah: Prof. Axmed Jabane oo ah xubintii ugu horeesay ee la xidhay 2nd November, 1981 , Eng Maxamed Baroud oo ahaa xubintii labaad ee la xidhay 4th November, 1981 iyo Aqoonyahan Axmed Xussein Caabi oo uu gurigiisa uu ka dhacay shirkii August, 1981 . Shirkaas waxa soo qabanqaabiay Eng Faysal Cali Waraabe , hadafkiisuna wuxuu ahaa inuu wadashaqayn ka dhex-abuuro U.F.O iyo Taliska Siyaad Barre. 1). Muj Axmed Dhabacuul “ Jabane “,1951, wuxuu ku dhashay magaalada Beerato, Gobolka Daadmadheed . Wuxuu ka qalinjebiyay lafoole University 1976 , waxaanu bare sare ka noqday 1st July, Secondary School , Hargeisa, kana noqday Vice-Principal. Waxaa aad loogu kulmi jiray guriga Axmed (Jabane) oo ku yaaley guryaha Indiya-laynka.Furaha waa la haystay .Hadduu joogo iyo hadduu maqan yahayba wuxuu ahaa guri u furan dhalinyarada magaalada ee halgankaa ku jiray. Axmed Jabane wuxuu wax ka qori jiray, qaybin jiray ,soona saari jiray “joornaalka UFFO” . Waxa caawin jirtay Xaaskiisa Caasha Xussein Qowdhan oo ka shaqayn jirtay wakaaladda “FAO “ .
Drs Hoodo Yusuf, London, UK. yhoodo@yahoo.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|