Xadhigii Mujaahidiinta “Uffo” & Doorkii Eng faysal C, Waraabe iyo Taariikh Sugan “ Qormadii 3” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadhigii Mujaahidiinta “Uffo” & Doorkii Eng faysal C, Waraabe iyo Taariikh Sugan “ Qormadii 3”
April 10, 2016 - Written by Editor:

Qormadii 2 Waxaan ku iftiimiyay   qaabkii  uu  General Gaani jeelka Xamar uga soo saaray Eng.Faysal Cali Waraabe oo u xidhnaa wax-iswaydaarin & Xatooyo.  Eng Faysal wuxuu yimid Hargeisa  July ,1981 waxaanu markiiba ku dhaqaaqay  inuu ka shaqeeyo habkii uu isagu xidhilahaa  “UFO” iyo   General Gaani  &  Daahir Ciid oo ahaa Taliyihii ciidamadii HANAGASHTA . Waxaan halkan ku iftiimin doona  sida uu baxay magaca “UFFO” , ujeedooyinka loo Aas Aasay iyo xubnaha hormoodka ka ahaa.

A).UFFO-  Waa dabaysha roobka ka horaysaa ee seegada cas wadata “ Wind of change  Waxa magacaa  loo bixiyay Joornal Qarsoodii ah  “Secret Journal “ ay soo saari jireen Samo-falayal  ku sugnaa Hargeisa 1978-1982.  Magaca waxa bixiyay Eng Maxamed Baroud Cali , waxaana ku taageeray Prof Axmed Dhabacuul” Jabane “.  Waxa  UFFO wada qori jiray , daabaci jiray oo qaybin jiray Eng  Maxamed Baroud iyo Axmed Jabane.  Waxa  lagu daabaci jiray  type, waxaana  stencil ku rogi jirtay  Marwo Caasha Xussein Qowdhan ( Xaaska Jabane )  oo u shaqayn  jirtay hay’ada  “WFB  ”. Joornaalka UFFO  wuxuu  ka hadli jiray duruufaha qalafsan ee  ka jiray  Gobolada Waqooyi , siiba  baahiyaha asaasiga ah  sida cisbitaaladda ,waxbarashada, biyaha iwm .Waxaa hoosta kaga xardhanaan jirtay  odhaahda ah “Wargeyska UFFO wuxuu ka soo baxaa guriga Xisbiga ee qabyada ah”.   Joornaalka UFFO wuxuu la miisaan ahaa  Warqayskii  “Oral Journal “  ee uu  soo saaray Abwaan  Barkhad-Cas, kagana soo horjeeday isticmaarkii Ingriiska  1957-1960.  Marxuum  Barkhad-Cas  wuxuu soo saari jiray heeso fara waddani ah oo isdabajoog ah . Wuxuu maalin walba hees cusub  ka tirin  jiray   khayriyada & Meheradaha  ku yaalla faras magaalaha Hargeisa .Waqtigaa waxa  British Somaliland  kasoo bixi jiray saddex WARGAYS oo kala ahaa  QARAN oo ku hadli jirtay  afka xisbiggii   S.N.L, AL-LIWA oo ku hadli jirtay  afka  xisbigga  N.U. F  iyo War-Somali-Side, oo ku hadli jiray afka Dawladda. Marxuum Barkhad Cas wuxuu sugaantiisa u bixiyay “ Wargeyska Afraad “ . Asagoo  wargeyskiisa   tilmamaayana  wuxuu yidhi :

Liwa, qaran iyo warsoomali-sida,

Waxaan ahay tii  afaray-naysoo,

Aryaan walba tayda  waa la arkaa,

Aayaha  wadanka la ii egmado,

Malaha ii akhri iyo afgaran-waayo,

Albaabadu way u furanyiin.

Joornaalka UFFO wuxuu la quwad iyo waqti ahaa   Cajaladahii Imaam Khumeini ku af-genbiyay  Mohammed Reza Pahlavi, Shah of Iran . UFFO waxay hordhac u ahayd kacdoonkii shacbiga  Somaliland, dalashadii SNM iyo af-genbigii Taliskii Siyaad Barre. Eng Faysal yoolkiisa kowaad waxay ahayd inuu wanjalo “UFFO” iyo aqoonyahanda soo saara.

Qormadda 4aad waxaan ku soo bandhigi doona  aqoonyahanada hormood ka ahaa “UFFO”, shirkii ka dhacay xaafada “Shidhka “ Hargeisa, Augut,1981 &  fariimihii   Gen Gaani u  soo dhiibay Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Drs Hoodo Yusuf, UK, London.

yhoodo@yahoo.com

Attachments area

COMMENTS
LINKS