Xadhigii Halgamayasha “Ufo”, Doorkii Eng. Faysal Iyo Cadaymo Sugan “Documentary Evidence” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadhigii Halgamayasha “Ufo”, Doorkii Eng. Faysal Iyo Cadaymo Sugan “Documentary Evidence”
April 3, 2016 - Written by Editor:

EXECUTIVE SUMMARY : Waxaan halkan kusoo bandhigi doona  qormooyin  taxane ah  oo ku saabsan dabayshii  isbedel doonka    “UFO”   ee ka curatay   Hargeisa 1978-1982 ; Ujeedooyinkii loo asaasay ; halgamayaashi  hormoodka ka ahaa: Eng. Maxamed Baruud, Professor Ahmed  Dhabacul “Jabane”;Dr Aden ; Dr Taani; Axmed Xussein Caabi;  Dr Colad iyo qaar kale oo aan gadaal ka sheegi doono;   Waxyaabahii ay ka qabteen Hargeisa Group   Hospital iyo TB Hospital;Qaabka ay u shaqayn jireen ; Jariidada  qarsoodiga ah  “ Secret Newsletter  “  ay  soo saari jireen oo la odhan jiray UFO  ;  Kicintii   dareenka shacbiga; Wafdagii  Siyaad Barre soo diray ay ka mid ahayeen Axmed Sulaiman Dafle;  Axmed Siilaanyo , Axmed M Farax “ laxwas”;Jaamac Gaas Mucaawiye ; Shirkii  ka dhacay  Hargeisa Officers Club “ ee ay kula  kulmeen ganacsatada,odayaasha iyo xubno ka socday UFO ; Hadaladii  Dr Aden,  Dr Taani, Prof Jabane; Gunaandkii lagu kala kacay    ee Xaaji Basbaas Cismaan Food;

Safarkii Faysal Cali Waraabe kaga soo kicitimay  Mogadiscio ee uu ku yimi Hargeisa ;Xidhiidhka shaqo, saaxiibtinimo iyo xididnimo ee ka dhaxaysay  Gen.Gaani & Faysal ; Kulankii gaar ahaaneed ee   ENG Faysal la yeeshay Prof Axmed Dhabacul “ Jabane”, Eng Maxamed Baruud iyo Dr Colaad ,oo markaa ahaa qorayaasha iyo qaybiyaasha jariidada “UFO”; Waxyaabaha uu  shirka  soo bandhigay iyo ku  gacansaydkii halgamayaasha ;  Eng Faysal iyo saddexdaa halgame ee gaarka loogu diray waxay kasoo wada jeedaan isku hayb guud ( Garxajiz)

Xadhagii ugu horeeyay  ee Prof Jabane  & Eng   Maxamed Barood ee  2nd November,1981; Xadhigii  ku xigay ee   39  aqoonyahan;  Amarkii  Axmed Sulaiman Dafle  ee ahaa inaan la toogan aqoonyahanada la xidhxidhay ilaa Maxkamad la keeno; Xukunkii Maxakamada ee dhacay  28th Feb,1982  iyo xabsi daa’inkii “Life sentence “; Kacdoonkii bulshada  iyo dhagaxtuurkii;  Bilogwii halagnka SNM ; Jeelkii labaatan Jirow ( solitary confinement  ).

Xubanaha loo adeegsaday basaasinimda   UFO  waxa hormood ka ahaa Eng Faysal Cali Waraabe;   Aden Cali Gudahaad “ Aden Wali “  iyo Cabdi Laangadhe ; Cadaymaha aan soo bandhigi doona waxa ka mid ah 1. )  “ Copy of  Affidavit “ ay saxeexeen Aden Cali Guhaad & Cabdi Laangadhe oo ay ku markhaati furayaan kooxda “UFO”;  labadaa Marxuum tolkood “Ciidagale “  ayaa Somalila  dibedda uga saaray  oo Maxkamadda kamay soo xaadirin, markhaatina may furin.  2.)  Copy of Assgeno Circulare “ Jeega Wareega”  oo ay ku dhigantahay   So.Sh 40,000 ( una  dhiganta $ 6,350 at the rate of US 1 = So.Sh 6.3)) .Jeega Wareega waxa ku qoranaa Eng Faysal Cali Waraabe , waxaana saxeexay Gen Gaani.Waxa la filayaa inuu  Faysal lacagtaas u qaybiyay  Aden Waali & Cabdi Laangadhe oo deegaan  kasoo wada jeedaan.

Qormooyinka soo socda waxaydon ka dheehan doontaan  tafaasiisha dhacdooyinkaas kor xusan  & Cadaymaha oo ku lifaaqnaan .

Drs Hoodo Yusuf . UK, London.

Yhoodo @yahoo.com

COMMENTS
LINKS