Xadhiga SAADO,Weerarka Guriga Rooda Ee Lagu Dhaawacay Inanteeda Waxay Cadeyn u Tahay Kicinta Bulshada SAAXIL iyo Cadaawadda Siilaanyo Ee Gobolka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xadhiga SAADO,Weerarka Guriga Rooda Ee Lagu Dhaawacay Inanteeda Waxay Cadeyn u Tahay Kicinta Bulshada SAAXIL iyo Cadaawadda Siilaanyo Ee Gobolka.
April 10, 2016 - Written by Editor:

Soomaalida Ayaa waxay ku maah maahdaa“Balaayo Madax la Qabto ayey Leedahay Mijo La Qabto Ma Laha”,mushkiladda iyo kicinta xukuumadda Siilaanyo ka wado Gobolka Saaxil waa calaamad muujinaysa cadaawad gaamurtay oo madaxweyne Siilaanyo u qabo bulshada gobolka Saaxil,marka la eego dhacdooyinka gobolka ka dhacaya waa mid khatar ku ah amaanka,walaaltinimadda dadka walaalaha ah ee wada dega gobolka,waxa dhawaan si sharciga baal marsan habeen badh gurigeeda lagala baxay SAADO DHEER oo xabsiga loo taxaabay,iyadoo aysan maxkamaddi dacwad ku soo oogeyn laakiin sifo sharci daro ah loo xidhay iyadoo aan wax danbi ah faraha kula jirin,oo ilaa hadana xabsiga mandheera ku xidhan,waxa kale oo dhacdo foolxun oo laga argagaxo lagu qaaday Rooda Ahmed Yaasiin gudoomiya UCID ee gobolka SAAXIL,iyadoo weerar budhcadnimo ah habeen madaw lagu soo qaaday gurigeeda halkaasina lagu dhaawacay inanteeda oo dhaawac halis ahi ka soo gaadhay madaxa iyo dhegaha,isla markaana caafimaadkeeda waxba lagaga qaban kari waayey dalka gudihiisa,kadibna dibadda loola cararay.

Soomaalida ayaa waxay ku maah maahdaa“Booraan hadimo ha Qodin,Hadii Aad qodana Ha Hadheereyn ku dhici doontaaba Mooyee”,dhaqanka xun ee ay ka muuqato cadaawadu ee siilaanyo ku dhaafi waayey xitaa hablihii ka soo jeeday gobolka SAAXIL waxay u eek tahay mid ay ka dhalan karto cawaaqib xumo weyn oo bulshada u horseedi doonta colaad dhexdooda ah,hore ayey soomaalidu ugu maah maahday “Balaayo Ka Sii Jeeda La Iskuma Soo Jeediyo,”hadii aan siilaanyo si deg deg ah faraha uga qaadin xadhiga iyo tacadiga lagu hayo hablaha reer saaxil waxa dhici karta in ay ka dhalan karto talaabooyin aan la mahadin,madaxweyne siilaanyo waxa u wanaagsan in madaama oo uu hada yahay aakhirul cimri in uu ilahay u noqdo oo uu toobad keeno oo uu iska daayo fidnadda uu ka dhex wada dadka walaalaha ah,hore ayaa loo yidhi Bisayl iyo Qaydhiin waxa u dhaxeeyaa waa Yacyacood.

Ugu danbeyntii waxaan u soo jeedinayaa dhaaman waxgaradka gobolka saaxil,aqoonyaahanka,qurbajoogta,dhalinyarada,siyaasiyiinta,salaadiinta ,haweenka iyo dhamaan cid kasta oo wax ka qaban karta tacadiga qaawan ee lagu hayo hablaha saaxil inay fadhiga ka kacdo oo loo istaago sidii loo soo dayn lahaa SAADO  DHEER isla markaana wax looga qaban lahaa tacadiga iyo dhaawaca loo geystay inanta ROODA AHEMD YAASIIN,sidoo kale arimaha kale ee foosha xun ee siilaanyo ka wado gobola meel looga soo wada jeedsan lahaa,madaama oo tacadigu soo dhaafay ragga oo markii hore lagu hayey oo bilaa sabab xabsiga loogu guri jiray ilaa  hadana ku jira xabsigayadda,waxaan ku soo gabagabaynayaa Baadida ninbaa kula Daaydaya Daalna Ka Badane,Aan Dooni Aheyn Inaad heshaa Da’im Abidkaaye.

Qore: Hassan Daad

Chicago/Illinois.

Email:hasandaad99@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS